• Amiir Sheeno:  Aqoontii oo Qof ah!

    Amiir Sheeno: Aqoontii oo Qof ah!

    Dr. Amiir Sheeno waa maktabaddi iyo madxafkii oo qof ah oo lugeynaya, sababta haddii aad i weydiiso waxa aan ku odhan karaa waa Abwaan. Haddii aad tidhaahdo weligii Gabay ama maanso uu tiriyay maan arag ee sidee uu Abwaan ku noqday? Waxa aan kugu jawaabayaa, ereyga “Abwaan” summaddiisu waa ay…

  • Buugtii iigu saameynta badnaa Sannadkii 2022!

    Buugtii iigu saameynta badnaa Sannadkii 2022!

    Buugtii iigu saameynta Sannadkii 2022 “Qofka wax akhriyaa wuxuu helaa kun nololood inta aannu dhiman, xagga ka aan wax ba  akhriyini uu noolaado hal nolol oo kaliya.”  George R.R. Martin Sannadkii shalay  galbaday ee 2022, waxa uu aniga ii ahaa, sannad aan  wax badan  akhriyay marka loo eego sannadadii hore,…

  • Farriintii Qabriga! Ku Socota Hooyaday

    Farriintii Qabriga! Ku Socota Hooyaday

    Farriintii Qabriga! Ku Socota Hooyaday Sayid Maxamed Cumar Sayid-darwiishka Hooyo waxa aan salaan kaaga soo dirayaa daartii dunida ee aad 3 sanno horteed maanta oo kale (02/03/2019) aad ka socdaashay  safar aan sabootin iyo soo noqod lahayn, safarkaas oo aad ku aadday Eebbihii ku uumay ee ku jeclaa, kuuna naxariista…

  • Aniga & Maxamed Bk Saaxiibkii Maxaa na Kala Qabsadey!

    Aniga & Maxamed Bk Saaxiibkii Maxaa na Kala Qabsadey!

    Dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii aan kula dhex kulmay bartayda faysbuugga, ayaa ahayd mid iga qoslisay. Waa wiil da’ ahaan iga yar oo aanu saaxiib nahay. Marka uu bartiisa sawir soo dhigo ama uu wax soo qoraba, farriin ayuu ii soo diraa, “Sayid, saaxiib sawirkaa ama qoraalkaas aan soo galiyay…

  • Farriin: Ku: Reer Daadmadheedh

    Farriin: Ku: Reer Daadmadheedh

    Farriin: Daadmadheedh FG. Maqaalkan waxaan qoray Gu’gii 2016 Mahad Alle ka dib, horta taariikh uu lee yahay Gobolka Daadmadheedh uma socdo  in aan ka sheekeeyo, balse waxa aan sidaa  waa baaq, farriin iyo wax aan la dhaadanayn in aan soo bandhigo . Runtii anigu waa aan yaabay kolkii aan arkay …

  • Afkee Caalami ah Ingiriisi Mise Carabi?

    Afkee Caalami ah Ingiriisi Mise Carabi?

    Af Ingiriis ku xarakood Faransiis ka ku faan, Talyaani ku caytan, Carabigana ku dawarso. Ereyadani tiraba illaa afar jeer ayay dhawaaqoodu dhagahayga ay soo gaadheen, umaan boginse tiraabtaa ay cilmi la’aanta iyo caqli xumadu ay ka yeedhsiisay nimaankaa odayada ah ee kalmadahan maan gaabnimada ah inay  adeegsadan  caadeystay. Lama yaabo…

  • GEERIDII AABBAHAY & XASUUUSAHA KU GADAAMAN

    GEERIDII AABBAHAY & XASUUUSAHA KU GADAAMAN

    GEERIDII AABBAHAY & XASUUUSAHA KU GADAAMAN GEERIDII AABBAHAY & XASUUUSAHA KU GADAAMAN Maanta oo kale  labo gu’ ka hor, oo tirsiga Milaadigu ahaa 18 August 2019, tirsiga Hijriguna ku beegnaa 17 Dulxiji 1440, subax sabti ah 5tii aroornimo oo daqiiqado dhiman ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Aabbahay Maxamed Cumar…

  • Hufnaanta Hadalka

    Hufnaanta Hadalka

    Carrabku waxa uu turjumaa qiimaha qofka iyo waxa ay tahay shaqsiyadiisu, sida oo kale carrabku waxaa uu cabbir buuxa uu ka bixiyaa cilmiga iyo caqliga uu leeyahay qofkaasi, sidaa daraadeed in carrabkaaga hagtaa oo aad huftaada waa haybadaada. Hadalka wanaagsani waa hadiyad la isa siiyo teeda oo ugu wacan uguna…

  • Qofna Ha Xukumin Xaqiiqda Horteed!

    Qofna Ha Xukumin Xaqiiqda Horteed!

    Qofna Ha Xukumin Xaqiiqda Horteed! Wiil 24 jir ah ayaa waxa uu qoorta kala dhacay daaqadda baskii uu saarnaa. Kaddib isaga oo qaylinaya ayuu yidhi, “Fiiri aabbo dhirtu waa ay ina daba ordaysaaye!” Aabbihii ayaa inta uu dhoolla-caddeeyay yidhi, “Waa runtaa wiilkeygii.” Laba Wiil oo dhalliinyaro ah ayaa kuraas u…

  • Akhriska & Amiina Galaydh

    Akhriska & Amiina Galaydh

    Sheekh Cali Al-dandaawi [1909 – 1999] wuxuu ahaa faqiih, garsoore, saxafi, suugaan-dhaadhi iyo qoraa Suuriyaan ah. Wuxuu ahaa culimadii Islaamka waagan casriga ah kuwooda ugu magaca weyn uguna caansan. Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tusaale aad u cajiib badan. Dadka akhriska jecel tusaale ayuu u ahaa, kuwa aan…

  • Billadda B/Ku-xigeenka Daadmadheedh

    Billadda B/Ku-xigeenka Daadmadheedh

    Labo sanno horteed ayaan cajaladda maskaxda dib u soo rogaa. Kadib waxa aan arkaa Gobolka Daadmadheedh sida uu ahaa labo sanno hortii. Hareeraha ayaan eegaa, dabadeed waxa aan halacsadaa deegaan dayacan, bulsho darxumeysan iyo duunyo dalanbaabi ah. Haddana waxa aan sawirtaa hummaagga xarunta Gobolka Daadmadheedh looga arrimin jiray, kadib waxa…

  • Fikirkaaga Beddel Noloshaada Beddel

    Fikirkaaga Beddel Noloshaada Beddel

    Waxa jiray wiil yar oo ku hammiyi jiray in uu noqdo qof dadka ka duwan oo muhiim ah. Wuxuu hadafkiisa koowaad ahaa in uu noqdo mid ka mid ah maamulayaasha huteellada adduunka ugu waaweyn ugu na caansan. Wiilku mar walba oo uu hammigiisa u soo bandhigo dadka waa ay niyad…

  • Waligay Ganacsi Kuma aan Khasaarin!

    Waligay Ganacsi Kuma aan Khasaarin!

    Waxa uu ahaa nin ganacsade ah. Waxa uu noolaa wakhti hore. Waxa uu ku noolaa magaalada Dimishiq. Waxa uu badanaa odhan jiray ama se uu ugu faani jiray ganacsatada waaweyn ee iyana waagaas jiray, in aanu waligii ganacsigiisu la kulmin wax khasaare ah, sida oo kale na aanu abidkii wax…

  • Gef Gabooye Laga Galay

    Gef Gabooye Laga Galay

    Marka hore dad baan ahay Dad dad reebay baan ahay Dunji dhalan rogtaan ahay Hadba fadal durkaan ahay Han dareersan baan ahay Hiyi durugsan baan ahay Da’ da’deed u talisoo Ugu damac fog baan ahay Dunidaannu wada naal Noloshaannu deris nahay Abwaan M.I. Warsame Hadraawi {Daalalay}.. Gabooyuhu ma aha qallad…

  • Liisto u Qor Naftaada

    Liisto u Qor Naftaada

    Waligaa ha  diidin in aad naftaada la fadhiisid una qortid/sameysid liisto. Mar wal oo aad wax qortidi waa awooddii aad ku sawiri lahayd mustaqbalkaaga. Odhaah-dhaqaneed khuraafaad ah ayaa tidhaahda: liistadu wax walba way qiimo tirtaa. Laakiinse liistadu waa taas lidkeeda, wax walba na waxay ka dhigtaa mid raaxo leh. Waxa…

  • Su’aal: Midkee Dilay?

    Su’aal: Midkee Dilay?

      Waa maamulihii shirkadda. Waxa uu joogaa xafiiskiisa. Waxa uu ku fadhiyaa kursigiisa. Hortiisa waxa yaalla miis ballaadhan. Miiiska waxaa dul wadhan waraaqo iyo faylal isku dhex mulaaqan. Gabi ahaan ba ma aha xafiiskiisu mid nidaamsan. Maamuluhu wuu fikirayaa. Meel kale ayuu ku maqan yahay. Xafiiska jidhkiisa un baa jooga.…

  • Mujaahid madaxdiin 1949-1988

    Mujaahid madaxdiin 1949-1988

     Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane  Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane  Gobannimo bilaash looma helo bananka taaltaale! Mujaahid Yuusuf Jaamac Bullaale oo ku magac dheeraa Mujaahid Madaxdiin, waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh xilli ku began gugii 1949kii. Yaraantiisii waxa uu…

  • Daadmadheedh & Sahanka Shidaalka

    Daadmadheedh & Sahanka Shidaalka

      Sida laga warqabo waxa maalmahan Jamhuuriyadda  Somaliland ka socday hawlo lagu sahaminayo shidaalka ku duugan dhulka hoostiisa. Gobolka Daadmadheedh ayaa ka mid ah meelaha la doonayay in laga fuliyo hawshaas. Haddaba darraad ayaa waxa magaalada Oodweyne yimid qolyahii hawshan sahaminta shidaalka fulin lahaa. Qolyahan ayaa igu jiray  dadka muwaadinin…

  • Farxad-la’aan Darteed Waxa Aan Damcay Inaan Is-dilo!!

    Farxad-la’aan Darteed Waxa Aan Damcay Inaan Is-dilo!!

    Waxa jiray nin dadka cabanaya la taliya oo lahaa xafiis. Maalin walbana xafiiska waxaa iman jiray dad kala duwan oo ka kala yimid meelo kala duwan kana cabanaya waxyaalo kala duwan, ninkuna waxa uu mid walba uu siin jiray talooyin kala duwan oo togan si ay dhibkooda ugu xalliyaan. Haddaba…

  • Shiinlaydii Abwaan Cali Sugulle Dun-Carbeed

    Shiinlaydii Abwaan Cali Sugulle Dun-Carbeed

      Kolkii ay silsiladdii Deellay ay dar-jiidhay ee ay isku fara badatay, ayuu Abwaan Cabdi Iidaan AHN uu furay god cusub oo ah “Shiin”. Halkaas na waxa ku bilaabantay Silsiladdii loogu wan-qalay Shiinley. Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo aan ka soo xigtay qoraal uu ka qoray Abwaan Cali Sugulle,  ayaa…

  • Xigmado Dahabi Ah

    Xigmado Dahabi Ah

    1. Ma jiro qof soo celin kara ammin (wakhti) ka tegtay si uu bilowgeedii u hagaajiyo, balse waxa uu awoodi karaa in uu maanta uu ka hawlgalo oo uu bilaabo si uu u hagaajiyo dhammaadkeeda. 2. Haddii quruxdu ay indhaha soo jiidato, ogow hab-dhaqanka wacanina waxa uu soo jiitaa qalbiga.…

  • Dabeecadaha Dumarka!!

    Dabeecadaha Dumarka!!

    1. Haddii ay gabadhu badanaa kaa waraysato arimaha guurka, waxa ay danaynaysaa mustaqbaal iyo guri-yagleel, ee ha u daymo la’aan. 2. Haddii adiga oo aan ogayn badanaaba aad gabadha indhaha kaga qacsiisoo, oo aad aragto iyada oo kugu maqan, (ku soo eegaysa, calaashaan kaaba dhex baxday) waa aad cajab galisay…

  • Godobtii wiilka & Gobolka Oodweyne

    Godobtii wiilka & Gobolka Oodweyne

    Waa wiil da’yar, dushiisa waxa ka muuqda nabaro aad u badan oo haatan sii bogsanaya. Wiilku kama dhaawacna wajiga oo qudhaata balse idil ahaan oogadiisu waa wada nabar miidhan lamana yaqaanno cid ku dhufatay nabarradaas. Guri ku dunyaa, gaadhi jiidhyaa iyo bahal cunyaaba, waa wiil ay ka muuqato darxumo iyo…

  • Bahda Shada!!

    Bahda Shada!!

    Sidaydaba waan jeclahay in aan si wacan u barto falkinta iyo erey bixinta afka Soomaaliga . Inta badan waxa aan door bidaa in aan hadalkayga iyo odhaahdaydaba ka dhawro ku sidkinta afka qalaad, sababta oo ah af Somaliga waa aan ku kalsoonahay qaninimadiisa, murtidiisa iyo midhihiisaba, jeeroo la moodo in…

  • Sigisbaaggu Ma Sahlana!!

    Sigisbaaggu Ma Sahlana!!

    ​ Kaabadda gurigeeda ayay hor fadhiday. Laba wiil iyo laba hablood oo ay dhashay qiyaastiina ka u weyni uu yahay 12 jir ayaa agteeda ku ciyaarayey. Afarteeda carruur ahi waa qalqaaliyiin oo waa fara-laga-qaad miidhan. Way is eryanayaan, way is riixriixayaan, marna way is shiidayaan. Miskiinta dhuntaa ku caddaatay sida…

  • Hambalyada Lammaanaha

    Hambalyada Lammaanaha

      Hambalyo Gacal guri dhisay oo barwaaqo hela noqda. Gaari iyo geesi is xurmeeya oo is xaq-dhawra Alle ha idinka yeelo. Laba galgacalkooda libin ku gaadha oo godol maala Guulle ha idinka yeello. Guri bilan, gayi deggan iyo gogol raaxo leh ku noolaada. Goor walba iyo goob kastaba guul ku…

  • Waabeeyo Dabadii Daadmadheedh Walxaa Dhiman!

    Waabeeyo Dabadii Daadmadheedh Walxaa Dhiman!

    ​ Sida la ogyahay adduunyada qarni walba, sannad walba, bil walba, toddobaad walba, maalin walba iyo saacad walba dad iyo duunyo ayaa ka dul guura oo qaar kale ayaa u soo dul guura oo soo dega. Guurguurkaas iyo is-gedgeddigaa ayay waligeedba adduunyadu ku soo jirtay kuna sii jiri doontaa illaa…

  • Hab-dhaqanka Hufan Ee Islaamka!

    Hab-dhaqanka Hufan Ee Islaamka!

    ​ Wiil yar ayaa soo galay masjid ku yaalla magaalo madaxda waddanka Farandiiska ee Baareys. Waxa uu u yimid iimaamkii masjidka. Ka dib waxa uu ku yidhi, “hooyaday waxay doonaysaa inaan dugsigaaga wax ka barto.” Iimaankii ayaa yidhi, “waa sax ee horta hooyadaa aan is aragnno ee u yeedh.” Wiilkii…

  • Xigmaddii Afarta Xaas – Qiso Qurux Badan!

    Xigmaddii Afarta Xaas – Qiso Qurux Badan!

    ​ Waxa jiray nin maal-qabeen ah oo qaba afar xaas. Waxa uu xaasaskiisa ugu jeclaa xaaska 4aad oo u ahayd indhaha uu wax ku arko, afka uu ku hadlo iyo dhegaha uu wax ku maqlo. Badanaa xaaskiisa 4aad aad ayuu u daryeeli jiray una xanaaneyn jiray. Goor iyo ayaan dhalaalinteeda,…

  • Galcaceyl Wuxuu I Baday

    Galcaceyl Wuxuu I Baday

    Waa Hargeysa. Waa maalmo ka hor. Casar gaab ayay ahayd. Goobtu waa suuqa badhtankiisa. Laamida ayaan lugeynayaa. Kali ayaan ahayn. Waa qof quruxi ku dhammaatay. Shidaanaaba shidan. Indhahaan la raacay ilaa caarada timaha iyo illaa cidhabta hoose ee lugta. Waa hilib bisil. Waa leg iyo baruur is wata. Meel la…

  • Xigmaddii Shimbirka

    Xigmaddii Shimbirka

    Nin ugaadhsato ah ayaa jiray oo deggenaa tuulo yar oo u dhow meel kayn ah. Ugaadhsadahu maalin kasta waxa uu tagi jiray kaynta oo waxa uu soo ugaadhsan jiray xayawaanada kala duwan ee kaynta ku nool. Maalin ayaa waxa uu soo qabsaday shinbir aad u yar. Shinbirku waxa uu ahaa…

  • Sida Wakhtigan Wararka Loo Fidiyo!

    Sida Wakhtigan Wararka Loo Fidiyo!

    Hal su’aal iyo hal jawaab oo sahlan ayaa boqol hab oo kala duwan loo fasiray loona falanqeeyay: Wariyihii ayaa wareystay madaxweynihii dalka. Su’aalihii wariyuhu uu madaxweynaha wayddiiyay waxaa ka mid ahayd su’aal ah, “mudane madaxweyne, midhaha la cuno midkee ayaad ugu jeceshahay in aad badanaa cunto?” Madaxweynihii ayaa ku jawaabay,…

  • Wadaad, Wadaad-xume & Jidh-wadaadle!

    Wadaad, Wadaad-xume & Jidh-wadaadle!

    Nin waa wadaad oo waa nin u muuqda inuu adduunka safar ku yahay. Waa mid dadka si wanaagsan ula dhaqma oo debecsani, qancin, dulqaad, deggenaan, daacadnimo iyo si walaaltinimo ah bulshadiisa ula dhaqma. Waa mid gacalka, xigaalka iyo xididkaba sooryeeya oo dhammaantood isku xidha. Waa mid maatida u dooda oo…

  • Aqoonyahan Shaqo Waayay!!

    Aqoonyahan Shaqo Waayay!!

    Haayad deggan mid ka mid ah waddanada Qaaradda Afrika ayaa maalin iclaamisay in ay doonayso qof shaqaale ah. Waxaana waraaqihii shaqada lagu codsanayay soo xareystay dad aad u tiro badan. Dadkii si loo kala saaro waxa laga qaaday imtixaan. Markii uu dhamaaday na waxa la sheegay qofkii imtixaanka ku guuleystay,…

  • Wiil Dadaaley Misana Dhacay!!

    Wiil Dadaaley Misana Dhacay!!

    Wiil yar oo arday ah misana aad u maskax badan ayaa uu maalin macallinkiisu wayddiiyay su’aalo. Ka dib na wiilkii yaraa waxa uu su’aalihii uga jawaabay si sax bal se aan ahayn sidii uu macallinku doonayay, sidaa daradeed waxa uu imtixaankii uu keenay eber boqolkiiba (0%). Waana kuwan su’aalihii wiilka…

  • Qiimaha Hooyada

    Qiimaha Hooyada

    Wiil yar ayay hooyadii dhimatay.  Dabadeed wiilkii yaraa aabbihii gabadh kale ayuu guursaday. Aabbaha waxa caado uu ahayd in uu mar walba wiilka waydiiyo sida ay ula dhaqanto xaaskiisu.  Maalin maalmaha ka mid ah ayuu odaygii waydiiyay wiilkii “waa maxay farqiga u dhaxeeya hooyadaadii dhabta ahayd iyo xaaskaygan cusubi?” Dabadeed…

  • Dhimashadii Geello!

    Dhimashadii Geello!

    ​ Waxa jiray nin faqiir ah oo ku noolaa meel miyi ah oo tuulo yar u jirta dhawr mayl. Ninkani iyo qoyskiisu wax adduunyo ah waxa ay lahaayeen xayn yar oo adhi ah iyo dameer. Dameertani ayaa idil ahaan qoyska u ahayd gaadiid. Marka raashin loo baahdo iyada lagu dooni…

  • Nolosheennu Maxay Inooga Baahan Tahay?

    Nolosheennu Maxay Inooga Baahan Tahay?

    ​ Waxa jiray nin aad uu xoog badan oo dhir-jare ah. Waxa uu ahaa nin hawl kar ah oo shaqadiisa ka adag oo xoog na la gami waayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu shaqaale u noqday nin ganacsade ah. Waxaa na loo diray dhul beer ah, si…

  • Qiimahaaga Ogow!

    Qiimahaaga Ogow!

    ​ Nin xigmad badan ayaa maalin tababar u furay dad tiradoodu ay gaadhayso 200 oo qof. Ugu horreyntiiba waxa uu jeebkiisa ka soo saaray lacag $20 doolar ah. Ka dib sare ayuu u taagay gacantii uu lacagta ku hayay, waxaana uu dadkii wayddiiyay su’aal, “yaa doonaya $20 kan doollar in…

  • Saddex Nin & Dhibka Haysta!

    Saddex Nin & Dhibka Haysta!

    ​ Saddex nin oo xawaalad ka wada shaqeeyo ayaa maalin wada sheekeystay, iyaga oo raba in ay isku sir qarsadaan, oo dhibaatada haysatana ay ka wada hadlaan. Ninkii koobaad baa bilaabay sheekada wuxuuna yidhi: “Aniga dhibkaygu waa lacag, oo haddii aan arko lacag meel taallana maba dhaafi karo in aan…

  • Talooyin Dahabi Ah!

    Talooyin Dahabi Ah!

    ​ 1. Ogow ku gaadhi maysid raaxo dadaal waxaan ahayn, ku heli heli maysid wax aad rabto edeb waxaan ahayn. 2. Ogow haddii aanay jirin cid ku xaasiddaa wanaag ma lihid, haddii aadan saaxiib lahayna dabeecad ma lihid, haddii aadan Diin lahayna mabda’ ma lihid.  3. Ku dadaal inaad kasbato…

  • Hal ka Ogow Geesinamadii Abwaan Cali Sugule

    Hal ka Ogow Geesinamadii Abwaan Cali Sugule

    ​ Abwaan Ali Sugule Cigaal ” Dun-carbeed” Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa dayax ka dhacay ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa halyeey aragti dheer oo mar walba u taagan danta geedi-socodka ummadiisa. Waxa uu ahaa samo-wade, abwaan, mu-allif murti iyo midho toolmoon muhiibsiiya ummaddiisa, una soo bandhiga hadba wacyiga…

  • Sababta Aan U Hanbalyeeyay Donald Trump!

    Sababta Aan U Hanbalyeeyay Donald Trump!

    Waxaa jira dad badan oo muslimiin ah oo ka cadhooday ama se ka niyaad xumaaday guusha uu Donald Trump ku hantiyay jagada Madaxweynenimo ee Dalka Mareykanka ee uu kaga guuleystay Hillary Clinton. Sababta ay uga cadheedeenna wax kale ma aha ee waa nacaybka iyo cunsurriyada uu u hayo Dadka Muslimiinta…

  • Dumarka Saddexbaa Lala Guursadaa!

    Dumarka Saddexbaa Lala Guursadaa!

        Gabadh waliba way jeceshahay in aan ninkeeda lala wadaagin, laakiin sabab ayaa ku dhalisa ninka in uu la guursado marwadiisa. Haddaba sababtu maxay tahay? Se waa kuwee dumarka had iyo jeer lala guursadaa? Guud ahaan dumarka lala guursadaa waxay u badan yihiin waa saddexdan nooc ee kala ah:…

  • Iska Dhoolacaddee Sida Cirro Waa Caafimaade!!

    Iska Dhoolacaddee Sida Cirro Waa Caafimaade!!

    Qiimaha dhoolacaddeyntu waa shay qaali ah bal se waa waxa ugu fudud, ugu jaban uguna dareenka wacan ee hadyad ahaan qof loo siiyo, taas oo lagu degi karo laguna kasban karo qalbiga ruux kasta, haba ahaado ruuxaasi mid kakane! Dhoolacaddeyntu waxa ay abuurtaa jawi deggan oo qalbiga iyo ruuxdaba u…

  • Dareen Ciddaad Tahay!!

    Dareen Ciddaad Tahay!!

    Adduunka dadkii soo maray iyo kuwa soo mari doonaba ma jiro qof adiga oo kale ahi. Ma jiro qof isku mid aad ka tihiin khibradda, hibada, aragtida, saaxiibada, ehelka, jaaniska, da’da iyo caqligaba. Qof tabnigaagaas oo kale ay timiihisu ugu baxaan ma jiro. Qof faraha aad isku tab ka tihiin…

  • Aragtida Taban & Aragtida Togan!

    Aragtida Taban & Aragtida Togan!

      Qoraa caan ah ayaa fadhiyay qol maktabad u ahaa oo gurigiisa ku dhex yaala. Waxa uu soo qabsaday qalin waxaana uu bilaabay inuu wax qoro: 1. Sannadkii hore waxa aan galay dhakhtar oo qalliin ayaa la igu sameeyay. Muddo badan ayaana aan sariirta dul aallay oo aan gudaha cisbitaalka…

  • Nimcooyinka Alle Ma Daneensannahay?

    Nimcooyinka Alle Ma Daneensannahay?

    Alle waxa uu ku siiyay nimcooyin badan, oo aanad tirin karayn. Waxa uu Alle kuugu deeqay, jidh caafimaad qaba, wadan amni ah, cunto iyo biyo la cabo, hu’ iyo hawo saafi ah, laakiin adiguna ma dareensanid. Sidoo kale Alle Subxaanahu Watacaa waxaa uu kuugu siiyay nimcooyin muuqda iyo qaar qarsoon,…

  • Isticmaalka Internetka Maxaad ka Ogtahay?

    Isticmaalka Internetka Maxaad ka Ogtahay?

      1984 kii markii  Internetka adduunka laga shaaciyay waxa laga isticmaali  jiray 1000 host oo qudhaata, kuwaas oo ahaa jaamacadaha iyo shirkahadaha dhawr waddan oo kaliya. 1998kii oo ahayd shan iyo toban sanno ka dib waxa isticmaali 50 milyan oo users ah. 11 sanno ka dib ka dib oo noqonaysa…

  • NATIIJADA ADDUUNYO JACEYLKA!!

    NATIIJADA ADDUUNYO JACEYLKA!!

      Waxaa la soo wariyay oo la yidhi: “waxaa wada safray Nabi Ciise (Cs) iyo nin yahuudi ahaa. Waxa ayna sahaydoodu ahayd saddex xabbo oo roodhi ah, waxaa na siday ninkaas yahuudiga ah. Ninkii ayaa si xatooyo ah kaligii u cunay xabbad ka mid ah saddexdii mid ee roodhida ahaa.…

  • Geelu Xalaal Mise Xaraan?

    Geelu Xalaal Mise Xaraan?

    Waagii hore reerka aan geel lahayn Soomaalidu waxay u taqaanay reer hoose oo aan magac iyo sharaftoona lahayn, xagga kuwa geela leh fadhiga looga kici jiray. Wiilka Geel jiraha ahi waa uu iskala qab weynaa waana uu quudhsan jiray midka isaga la faca ah ee weliba la qabiilka ah balse…

  • Hufnaanta Hadalka !

    Hufnaanta Hadalka !

    Carrabku waxa uu turjumaa qiimaha qofka iyo waxa ay tahay shaqsiyadiisu, sida oo kale carrabku waxaa uu cabbir buuxa uu ka bixiyaa cilmiga iyo caqliga uu leeyahay qofkaasi, sidaa daraadeed in carrabkaaga hagtaa oo aad huftaada waa haybadaada. Hadalka wanaagsani waa hadiyad la isa siiyo teeda oo ugu wacan uguna…

  • Godob jire & Geel jire

    Godob jire & Geel jire

    Dhawaan waxaan arkay nin la igu yidhi waxaa uu leeyahay tiro ku dhow boqol geel ah ( sida aan filaayo waa illaa sagaashameeyo). Ninkaasi diifta iyo darxumada ka muuqata waxa la moodaa in uu madaxa u dhacay bariguu yaraa. Waa wada dalaq dalaq, waa wada shaxaad, waa xiiqsan yahay marka…

  • Noloshu Maxay I Bartay?

    Noloshu Maxay I Bartay?

    1. Noloshu waxay i bartay, in aanu mid walba oo qalin qabsadaa qoraa ahayn, mid walba oo murti jeceli abwaan ahayn, mid walba oo wax cabbiraa caalim ahayn, mid walba oo wax hoggaamiyaa siyaasi ahayn, mid walba oo faras koraana fardo fuul ahayn, mid walba oo shaarubaha xiiraana caruur ahayn,…

  • Mucjisooyinka Quraanka iyo Axaadiista Qudhaanjadu way hadashaa!🐜

    Mucjisooyinka Quraanka iyo Axaadiista Qudhaanjadu way hadashaa!🐜

    Sida aynu marar badan ku xusnay daraasadaha koob kooban ee aynu ku soo qaadano Shareecadda Islaamka iyo cilmiga sayniska, waxaynu xusnay in markasta sayniska lagu cadeeyey shaybaadhku uu waafaqo Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka NNKA. Maanta qormadan kooban waxaynu ku eegaynaa culimadda sayniska gaar ahaan kuwa ku xeesha dheer cayayaanka (Entomologists)…

  • Mucjisooyinka Quraanka Q2aad Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey?   W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

    Mucjisooyinka Quraanka Q2aad Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey? W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

    Mucjisooyinka Quraanka   Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey? Ilaahay wuxuu aayado badan inoogu sheegay in la inaga xarimay bakhtiga, dhiiga dareeraha ah, hilibka doofaarka iyo wixii loo gawraco cidaan Ilaahay ahayn. waxaynu si kooban u qaadaa dhigaynaa wixii Ilaa hadda laga ogyahay sababta Allah dhiiga u xarimay. إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةَ…

  • Mucjisada Quraanka Qaybta 1aad! Sh Ibrahim Xirsi Galow

    Mucjisada Quraanka Qaybta 1aad! Sh Ibrahim Xirsi Galow

    Mucjisooyinka Quraanka iyo Xadiiska Soomaalidii reer guuraaga isaga badnayd waxay marar raggu haddii ay wiilalasha oo aad loo jeclaa dhali waayaan ay dhibtaas ku eedayn jireen dumarkooda. Quraanka wuxuu inoo sheegay 1430 sano wax ku dhaw ka hor in Aabuhu uu Mas’uul ka yahay Ilaahay Awoodiisa ka gadaal in qofka…

  • Xasuustaydii & Magaalada Xaaxi!

    Xasuustaydii & Magaalada Xaaxi!

    Maanta waxaan arimo ii gaar ah awgood aan socdaal ugu tagay magaalada Xaaxi ee ka tirsan Gobolka Daadmadheedh. Waxaan kula kulmay xasuuso xuskayga ku beeray fajac marna ku abuuray farxad. Waa sunaha nolosha in uu aadamuhu farxad iyo fajacba la kulmo inta uu noolyahay. Waxaan ku soo koobi karaa xasuusahaygii…

  • Xildhibaan Waabeeyo & Xasuusaha ku gadaaman

    Xildhibaan Waabeeyo & Xasuusaha ku gadaaman

    Þ Nimanyahow mahwiga xaal adduun, waa misaal culuse Þ Sooyaalku waa madhax haddaan, laga masuugayne Þ Milaygii la joogaba waxbaa, lagu micneeyaaye Þ Mucjisaba xasuustay siddaa, laga magowshaaye Þ Mugdi iyo nimcaa lagu suntaa, meesigay tahaye Þ Mahadhooyin ugub baa is qora, maalin iyo layle Þ Hadba midabkay keentaa Cabdow,…

  • Akhri Taariikhda Gobolka Daadmadheedh

    Akhri Taariikhda Gobolka Daadmadheedh

    Halkan taabo si aad u akhrido Taariikhda Gobolka Daadmadheedh

  • FARXADIINA ILAASHTOO LA DAGAALA FURIINKA !

    FARXADIINA ILAASHTOO LA DAGAALA FURIINKA !

      Alle ayaa mahad leh Naxariis iyo Nabad korkiisa ha ahaato Nabigeeni Muxamed.. koonkam dadka ku nooli Waa Laba lamaane oo isu tagay ka dibna noqday Qoys, Qoysaskaas oo isku bedelay Qaran/Mujtamac isugu jira Lab iyo dhedig, Caruur iyo Ciroole, Cuqaal iyo Caamo, Siyaasiyiin iyo Salaadiin, Wadaado,Tujaar, Culimo, Ganacsato, Macalimiin…

  • Don’t copy if you can’t paste !!

    Don’t copy if you can’t paste !!

      sheeko Cajiib ah… Hadal yaqaan caan ah ayaa dhageystayaal madadaalinayay. wuxuu yiri, “sanadihi iigu wanaagsanaa nolosheyda waxaan ku soo qaatay gacmaha haweenay aan xaaskayga ahayn!” Dhageystayaashi aamus iyo yaab baa ka soo hadhay. Wuxuu ku sii daray: “Haweynaydaas waxay ahayd Hooyadey!” Qosol iyo Sacab baa is qabsaday. Usbuuc ka…

  • SADDEX NOOC AYAA DUMARKA LALA GUURSADAA !!

    SADDEX NOOC AYAA DUMARKA LALA GUURSADAA !!

    Gabadh waliba way jeceshahay in aan ninkeeda lala wadaagin, laakiin Sabab ayaa ku dhalisa ninka inuu la guursado Marwadiisa. Hadaba Sababtu Maxay tahay ? Se waa kuwee Dumar had iyo jeer lala guursadaa? Dumarka lala guursadaa waxay u badan yihiin waa sadexdan nooc Ee kala ah : 1) Aan kaa…

  • TACADIGA LOO GAYSTAY MACALIN MAXAMUUD WAA GODOB AAN LA GAROWSAN..!!

    TACADIGA LOO GAYSTAY MACALIN MAXAMUUD WAA GODOB AAN LA GAROWSAN..!!

      Sheekh Maxamuud Cabdi Wacays waa Macalin muddo dheer wax kasoo dhigayay magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh kuna soo dhigayay Si Mutadawacnimo, hadaba macalinkan oo soo saaray arday tiro badan oo maanta ku aflaxday cilmigii uu baray, ayaa hadana macalinka waxa loo gaystay xad-gudub iyo dulmi ka baxsan xeerka…

  • Geesi Naga Baxay Wariye Cawke

    Geesi Naga Baxay Wariye Cawke

    Ka dib Markii aan Maqlay Geeridii Naxdinta lahayd ee Wariye Axmed Xasan Cawke waxa aan soo xasuustay gabay uu tiriyay Abwaan Cali Jaamac Haabiil AHN oo Baroor diiq ahaa kaas oo la moodo in uu Tilmaamayo Qiimaha uu Ugu Fadhiyay Shacabka iyo Qarankaba Wariye Cawke alle haw naxariistee …. Faaraxow…

  • Labada kalmadoodood ee Miisaanka xanaadka Kordhiya

    Labada kalmadoodood ee Miisaanka xanaadka Kordhiya

    Nabi Muxamed SCW Waxa uu yidhi : Labo kalmadood waa kuwo ku fudud Carrabka (odhaah ahaan) Waana Kuwo ku Culus Miisaanka ( Khayr badnaan) Waana kuwo laga jecelyahay Xagga Raxmaanka ( Ilaahay agtii). Labadaa kalmadood waa : *SUbxaanalaahi Wa bixamdihii *Subxaanalaahil Cadiim. Hadaba walaaladayda islaamka ahoow labadan kalmadoodi waa kuwo…

  • Talooyin ku Anfacaya Halkan ka Akhriso.

    1. Dadka Aduunka ku nooli waa labo kooxood qaar khayrka jecel iyo qaar khayr neceb, Laakiin adigu ku dadaal inaad ka mid noqoto dadka khayrka jecel. 2. Aduunku waa Saddex saacadood oo kala ah saacad tagtay , Saacad joogta iyo saacad soo socota. Ogow sacaada tagtay waa ay ku dhaaftay…

  • SIRTA FARAXADDA NOLOSHA

    Haweenku waxay sirahooda la wadaagaan  asxaabtooda halkay seygeeda la wadaagi laheyeen, hase ahaatee sirta farxadda noloshu waa isfaham, kala danbeyn, dulqaad iyo wadatashi. Raggu waxey raadiyaan dumar ku wanaagsan hawlaha guriga,sida nadaafada, cunto karinta, isla markaana soo dhaweysa martida, raggu wey jecel yihiin gabadha hawlkarka ah hadana furfuran oo wejigeeda…

  • SOCDAALKII BALLI GUBADLE IYO HARGEYSA

    Waxay ahayd bishii 2aad sanadkii 2010kii Waxaanu Ka ambabaxnay magaalada oodweyne Abaaro 3:30 duhurnimo Waxaanu ahayn dhaliin yaro sports ah. Waxaanu Qaabilaad ka helnay xulka Gobolk a hawd ee magaalada Baligubadle . Waxaanu sii marnay deegaamada Kala ah Xaaxi , Mureec iyo Cabdi dheere oo Banka Tuunyo ku yaala .…

  • WAA KUMA TABABARAHA XULKA DAADMADHEEDH RAAQIB AADAN CABDILAAHI?

    Tababare Raaqib Aadan Cabdilaahi Waa Tababarahii Ugu danbeeyay Ee Muddo dhawr iyo toban sanno ah hayay kaalintan Tababaranimo ee Gobolka Daadmadheedh. Mudane raaqib Aadan Cabdilaahi Waa shaqsi Aqoon buuxda u leh Habka Maamul iyo Hab Ciyaareedka ee Guud Kubadda Cagta, waana Shaqsi Karti , kalsooni iyo dadaal intaba ku caan…

  • HIDDAHA IYO DHAQANKEENU MA AHAAYEEN KUWO KU SALAYSAN DOONTA ISLAAMKA ?

    ************************* Inbadan Waxaad arkaysaa dad badan oo leh dhaqankii ayaa laga tagay iyagoo ku Sababeyna Inuu dhaqankeenii hore uu ahaa Mid sax ah oo diinta waafaqsan. Hadaba Su’aasa is waydiinta leh waxa ay tahay , dhaqankeeni hore Ma ahaa mid sax ah oo Diinta aan ka hor imanayn? Hadaba Waxaan idiin…

  • Bahdilaadda Abwaanka iyo Budheynta Cabdi Goodka

      Sida ay La socdaan bulshadda xiisaysa fanka iyo sugaanta ee ku kala Nool Gayiga ay soomaalidu dagto , Baryahan Danbe waxa ay badankoodu ka sheekeeyaan Heesaha Danbe ee Soo baxay iyo Barnaamij uu Soo Saaro Cabdi good Abees oo Sanadadan Danbe Caan ka dhex Noqday Bulshadda afka Somaliga ku…

  • QISADII JACAYKA AHAYD EE ABWAAN ISMAACIIL CAGAF

    QISADII JACEYLKA AHAYD EE ABWAAN ISMACIIL CAGAF….. Waxaan wax yar ka xusayna jacaylki ismacil sheekh ahmed oo ku magac dheera ismacil cagaf. ismaciil shekh ahmed waxa uu jeclaa mudo dhalinyaranimadiisi gabadh uu dhalay abtigi ruma. ismaciil waxa uu ku bar baaray magalada hargaysa ,ismaciil waxa uu ka mid ahaa dhalin…

  • ABWAAN CALI SUGLE WAA KUMA ?

    Qaybtii 3aad.. Waa shay wanaagsan in la is Xasuusiyo , DAdka wax u soo qabtay ummadda, haddii uu yahay “mid naftiisii qaaliga ahayd u huray, Mid aqoontiisa u maalay, Mid maalkiisa aan kala masuugin oo wax tar la yimi, mid dedaal iyo karti siyaadaseeed muujiyay, Mid xabsi iyo darxumo u…

  • GOLE KA BAAN MAANSO

      Maansadan waxaa la yidhaa Gole ka baan waxa tiriyay Abwaan Xasan Dhuxul laabsalaax  Wuxuuna yidhi: Waxaad godob ka faantaa Waxad ceeb ka gubataa Waxaad guul ku hirataa Waxaad talo gorfaysaa Waxaad garasho dirirtaa Waxaad gole ka baantaa Ruux geya markaad tahay Hanku meel uu gayn karo. . Dadka ruuxa…