Gef Gabooye Laga Galay

Published by

on

gaMarka hore dad baan ahay
Dad dad reebay baan ahay
Dunji dhalan rogtaan ahay
Hadba fadal durkaan ahay
Han dareersan baan ahay
Hiyi durugsan baan ahay
Da’ da’deed u talisoo
Ugu damac fog baan ahay
Dunidaannu wada naal
Noloshaannu deris nahay

Abwaan M.I. Warsame Hadraawi {Daalalay}..

Gabooyuhu ma aha qallad cirka ka soo dagtay. Ma aha balaayo dhulka ka soo fuurtay mana aha jin iyo jaan toona, laakiin waa Banii Aadan uu Alla abuuray oo jira. Gabooye waa qabiil ku nool Aduunka korkiisa iyo gayiga Somalidu ay degto gaar ahaan dalka Somaliland iyo goboladiisa. Gabooyuhu waa qabiil la mid ah qabaa’ilada kale ee dega Somaliland waana dad leh ab iyo isir ay ku arooraan kuna abtirsadaan. Waa dad inala mid ah waa dad inala leh waddanka oo inagula nool deegaanada, waa dad inala luuqad ah, waa dad inala Diin ah oo Islaam ah, waa dad shaqaysta oo loo soo baxa nolol maalmeedka iyo masruufkoodda.

Haddaba qabiilkan Gabooyaha ah waxa lagula kacay tacaddi iyo xad-gudub aad u wayn oo saameyn xooggan ku yeeshay heerkoodda nololeed. Dulmigaas loo gaystay beeshan ayaa wuxuu dhaxal siiyay inay ku noolaadaan silic iyo rafaad aad u badan oo saameeyay xag aqooneed, xag dhaqaale iyo xag isireedba. Sidoo kalena saameyn xoogganna ku yeeshay baahiyahooda, bad-waynta noloshoodda iyo barbaarinta ubadkoodaba .

Beelaha kale ee dega Somaliland waxay xaqiraad iyo takoor aan gabasho lahayn ay ku hayaan qabiilka dulmanaha ah ee Gabooye, iyagoo u bixiyay naanayso ay ka midyihiin “Midgo” waxa ay beelahani dulmigan lagu hayay qarniyo badan ka hor iyo ilaa wakhtigan imika la joogo, waxanay xeer ay ka dhigteen in beesha Gabooye aan lala macaamilin, lala xaajoon laga guursan, loona guurin, sidoo kalena waxa loo diraa shaqooyinka kuwa ugu liita ee somaliddu ceebta ay u taqaano yasitaan la yasayo awgood.

Marka aad waydiiso bulshadda sababta qabiilkan sidan loogu galayo ee loo haybsoocayo waxa ay kuu sheegayaan in aanay dhaqan ahaan iyo dhalan ahaanba aanay u wacnayn qabiilkani xagga dad qaarna aanay kuu sheegayn wax sabab ah ama dhaliil ah oo lagu hayb-soocayo laakiin un ay tahay dhaqan ay ka soo gaadheen dadkii iyagga ka horeeyay sidaa daraadeedna ay tahay caado iyo dhaqan hirgalay.

Waxa ayaan darro ah ummad sida ay u wada dhamayd isku raacay in ay meel uga soo wada jeestaan oo ay isku raacaan cayda, afxumadda, bahdilaada, dulmiga, xaqiraadda iyo hayb-sooca ay ku hayaan ummad walaalahooda oo ay wadagaan dan, dal, iyo diinba. Walibana dadka sidaa sameynayaa ma aha bulsho gaalo ah ee waa bulsho boqolkiiba boqol sheegata inay yihiin ummad Islaam ah kuna dhaqanta dariiqa toosan.

Haddaba gabooyaha waxaa laga aaminay aragti iyo fikir aad u gaaban oo qalad ah laakiin sida runta ah; Gabooyuhu waa dad Ilaahay ugu deeqay Diin jacayl, dulqaad, aftahanimo, colaad nacayb, degganaan, wadannimo, hawl karnimo iyo farshaxaanimo dalka iyo dadkaba wada anfacday. Waxaa uu dadkeenii dan mooday in ay caado ka dhigtaan xaqdaradda iyo dulmiga lagu hayo Gabooyaha. Abwaan Hadraawi ayaa maanso uu lahaa waxaa ku jirtay:

Addoonka addoonka maagay
ku yidhi isku aadan ma nihin
Gabooye agtiisa yaalla
Walaalnimadii ka ootay
Aayaadkiyo diinta qeexan
Sidaas kaaga aayo beelay
Halkuu illin mooday daawo!!

Si kastaba ha ahaato waxaynu nahay ummad Islaam ah Ilaahay ku abuuray deegaanka, oo isku mid ah oo aan ku kala fadilnayn mansab iyo magac toona, kana soo jeedda Xaawa iyo Nebbi Aadam CS. Waxaynu ku kala duwanahay oo kaliyi waa deegaanka, midabka iyo afka laakiin waxa Alle loogu kala dhawyahay sidda loo kala camal wacan yahay.

Waxaa ay diinteenu inaga reebtay kibirka iyo in dadka la dulmiyo ama sharaftooda meel lagaga dhaco . Alle S.W .T waxa uu yidhi (Qoomna yaanu xaqirin oo yaraysanin qoom kale waxaa laga yaabaa in ay ka khayr badan yihiine). Sidoo kale waxa uu Nabigeenu N.N.k.h uu inoo sheegay in aanu Jannada galayn qofka uu qalbigiisu ku jiro in yar oo kibir ahi. kibirkana waxaa uu Nabigu S.C .W uu ku sheegay inuu kibirku yahay xaqqa oo laga san-taago iyo dadka oo la yareysto ama la xaqirro. Sidaa dareed diinteenu waa nasteexo ee aynu raacno waxa ay ina fareyso oo halaga daayo tacadigga iyo dulmigga lagu hayo beelaha Gabooye iyo kuwo kaleba, hana la ogaado xaq waxay u leeyihiin iyo in laga guursan karo loona guurin karo, in ay qaranka ay hagi karaan hogaaminna karaan , in ay waxbaran karaan waxna bari karaan ubadkoodu iyo ooryahoodaba, waana in ay inay shaqaysan karaan oo ay helaan wax walba oo xaq ay u leeyihiin haday tahay magac, sharaf, nabadgalyo iyo maal iyo moodba.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa hadalkayga caano qubtay dabadood la qabay ayay somalidu tidhaahdaye intii hore jaahilnimo ha inaga ahaato wixii danbe se ha laga daayo bulshadda dulmigga iyo hayb sooca oo is dhex galka bulshadda hala xoojiyo. Waxaa qoraalkan iigu kalifay markaan arkay wiil Gabooye ah oo maanso garnaqsi iyo cabasho isugu jirta kaga hadlayay sababta xaqoodii loo duudsiyaayo. Waxayna ahayd wax looga garaabo waxaana ka mid ahaa baydadkeeda:

Gabooye hadii aan ahay
Inaan goroyada dishiyo
Inaan guuyada dabtiyo 
Inaan golcas caydhiyaa
Gasiinkayguba intaas
Inuu goornaba ka bixin
Go’aankaa yaa ridoo
Toloow ii gooyay ani?

Gabooye hadii an ahay
In aan golayaaasha galo
Gudoonshe inaan noqdiyo
Inaan gooyoon gar naqo
Inay igu tahay gaf wayn
Go’aankaa yaa ridoo
Toloow ii gooyay kali?

Gabooye hadii an ahay
Muslimku waa kii garrama
Mu’minku waa kii garbaxa
Dadkuba haygu wada gafee
Hadii aan rabo go’aan
Hadaan maantadan guntado
Gartaydana aan akhriyo
Waar yaa ii garaaba’oo
Waaryaa ii gogol dhigaay?

Leave a comment