Mujaahid madaxdiin 1949-1988

Published by

on

images
 Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane
 Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane
 Gobannimo bilaash looma helo bananka taaltaale!
Mujaahid Yuusuf Jaamac Bullaale oo ku magac dheeraa Mujaahid Madaxdiin, waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh xilli ku began gugii 1949kii. Yaraantiisii waxa uu ku soo barbaaray magaalada Oodweyne, halkaas oo uu ka galay malcaamad quraan. Ka dib markii uu dhammeyay xifdigii quraanka, waxa uu isla markiiba halkaas ka bilaabay aqoontiisii kale ee maaddiga ahayd. Mujaahidku sida la ii sheegay waxa uu naaneystan Madaxdiin kula baxay kartida maskax badnida awgeed, taas oo uu ku caano maalay idamka Alle. “waxa aan sitay buraashad caag ahayd, waxaana lagu sameeyay dalkii la odhan jiray Jarmalka Bari. Waxa ay ka koobnayd buraashad, gaaweyto weyn iyo dhowr weel oo yar yar oo isku guda jira. Intaas oo dhan ayaa isku dhex jiray oo la gelin jiray hal shiraaq ka dibna dhexda ayaa lagu xidhan jiray. Wadarta weelkaa waxtarka lahaa waxa la odhan jiray “Madax-diin”, oo waxa loogu magic daray Yuusuf Jaamac Bullaale oo ku shiihaday Burco 1988kii”. Sidaa waxa yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale mar uu ka waramay sooyaalkii uu soo maray. Haddaba sida weelkaasii uu ugu manfac badnaa weelalka kale ayuu mujaahid Madax-diinna (AHN) uu uga manfac badnaa asaagii, ama sida ay dheemantu uga qiimo badan tahay maarta ayuu isna uga qiimo badnaa aynigii!
Mujaahid Yuusuf Jaamac Bullaale (Madaxdiin) maadama uu lahaa karti iyo hal-abuurnimo dheeraada waxa uu isla sannadkii 1969kii ku guuleystay in uu ka mid noqdo lana sheeqeeyo haayad la odhan jiray Mercy-Corps oo laga lahaa dalka Mareynkanka. Haayadani waxa ay ka hawl gali jirtay gudaha wixii la isku odhan jiray Soomaali-weyn, taas oo bulshada ka kaabi jirtay xagga waxbarashada. Haddaba markii Siyaad Barre uu xukunka gacanta ku dhigay waxa uu haayaddii Mercy-Crops ka saaray dalka isaga oo arrimo siyaasadeed awgeed u qorshahaas u fuliyay. Mujaahid Madaxdiin waxa uu isla ammintaasba uu u socdaalay magaalo madaxda waddanka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu hawlo ganacsi ka bilaabay. Markii uu saddex sanno halkaas joogay waxa uu dib ugu soo noqday magaaladii uu ku dhashay ee Oodweyne. Isaga oo ka mid noqday shaqaalihii dawladda hoose ee degmada Oodweyne. Mujaahid Madaxdiin (AHN) waxa uu ahaa ruux aad uu firfircoon waxa isla muddo yar ka dib uu u wareegay xaggaas iyo magaalada Burco, iyada oo loo magacaabay xisaabiyaha dawladda hoose ee degmadda burco. Sida oo kale waxa uu mujaahidku ka soo shaqeeyay magaalada Gabiley, Sheekh ugu danbeynna waxa loo beddalay xarunta dawladda hoose ee degmada Berbera.
Waxa ay sidaa ahaataba waxa uu Madaxdiin ka mid ahaa intii lagu tuhunsanaa dhaqdhaqii wakhtigaa hoosta ka socday ee Gobollada Waqooyi. Muddo dhawr jeer ah ba waxa daba-ruuc leynaayay kooxii nabad-sugidda ahaa ee u adeegi jiray Daaquud Siyaad Barre, balse nasiib wanaag wax ba kuma ay helin ee waa ay ku habsaameen. 1982kii waxa uu Mujaahid Madaxdiin ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka tallaaba xadka itoobiya, waxa uu ka mid ahaa intii ka gubatay kana gadoodday tacaddiga lagu hayo dadkooda iyo dalkooda. Waxa maalin wada gudbay Mujaahid Madaxdiin, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Mujaahid Mijir Qaadi Maxamuud oo ahaa Agaasimaha Radio Hargeysa, iyaga oo raacay gaadhi yar oo uu lahaa Muj Madaxdiin. Waxa ay ka tallaabeen magaalada Xarshin. Ka dib markii ay 5km ay dhaafeen xadkii ayay gaadhigii halkaas kaga degeen oo ay iskaga tageen. Muddo saddex cisho ah ka dib waxa gaadhigii jiidatay dalwaddii Siyaad Barre. Saddex bilood markii mujaahidantaas la la’aa ayaa markii danbe la ogaaday in ay magaalada Addis ababa ay joogaan ka dib markii ay radio Addis ay sheegtay soo galiddooda. Isla saddex bilood ka dibna waxa ay soo degeen magaalada Gaashamo halkaas oo ay ku aasaasantay cududdii Mujaahidiinta SNM. Waxa xusid mudan in isla goobtaas ay iyana yimaadeen mujaahidiin fara badan oo aad u culus oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Sumuni, Duuliye Saleebaan Diiriye Iyo Mujaahid Maxamed Cali iyo qaar kale oo badan.
1983kii ayaa uu Mujaahid Madaxdiin uu fuliyay hawl-galkiisii ugu horeeyay, isaga iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa waxa ay qafaasheen gaadhi Landcruiser ah oo siday lacag saad ah oo ay leedahay dawladda Siyaad Barre. Waxa ayna mujaahidiintu ay maalintaas wateen gaadhi iska rogo ah oo ay lahayd dawladda hoose ee magaalada Burco taas uu darawalkii waday uu kala soo goostay dawladdii dulmiga badnayd. Goobtan ay baabuurka ka qafaasheen ayaa ahayd waddo ku taal galbeedka Dacar-Budhuq oo la yidhaahdo Koda-yare. Ka dib iyaga oo si badheedh ah ula soo dhex maray gudaha waddanka ka dibna ula tallaabay dhanka xadka Itoobiya. Weerrarada kale ee uu mujaahid Madaxdiin ka qayb qaatay waxa ka mid ah: jabinta jeelka Mandheera 1984kii, dagaalkii buuraha 1986 iyo weerraradii Oodweyne oo uu ku weheliyay Muj Maxamed Cali AHN. Waxa isna sannadkaas jiray hawl-gal fashilmay oo la doonayay in lala beegsado saraakiisha ka soo qayb-gali doonta xuska 21 Oktoobar.
Ha fashilma’e Mujaahid Madaxdiin waxa uu ahaa raggii loo qoondeeyay in ay hawl-galkaas fuliyaan, waxa aanu isagu uu ku qornaa jiidda Oodweyne waxaana ku wehelinaayay hawl-galkaas mujaahid kale oo la odhan jiray Maxamed Cilmi Riyoole. Markii ay dawladda faqashtu hawl-galkaas ay ogaatay, waxa ay labadaas mujaahid ay ku sugnaayeen beer magaalada Oodweyne u jirta illaa 3km. Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo ay mujaahid Madaxdiin walaalo yihiin ayaa arinkaas u kuurgalay. Waxa aanu tagay magaalada Burco si uu u soo ogaado sida ay wax u jiraan. Ka dib markii uu ogaaday in lagu soo baxay goobta ay mujaahidiintu joogaan oo duub-cas loo diray, waxa uu isla markiiba u diray gaadhi kale oo uu saaray nin Cali Bullaale la yidhaahdo oo labadooba adeer u ah. Cali Bullaale nasiib wanaag waa uu ka soo dheereeyay ciidamadii la soo diray. Waxa uuna ku war galiyay in ciidan fara badani ay ku soo maqan yahay, goobtiina waa ay ka baxeen.
Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo iiga warramay sidii ay maalintaas wax u dhaceen ayaa waxa uu yidhi “markii ay labadii mujaahid goobtii ay ka baxeen ee uu midiba meel ku dhuuntay anigu waxa aan toos u tagay Xarunta Badhisaabka Gobolka Togdheer. Guddoomiyaha Gobolka waanu is naqaanay oo waxa la odhan jiray Cismaan Suldaan Cali, waxa aanu ii sheegay in la la’yahay Mujaahid Madaxdiin, Waxaanu iga codsaday in aan anigu damiin ka noqdo ka dibna la cafiyi doono anna waan ka aqbalay dammiinkiina waan isku qoray isaga iyo ninkii kaleba waa aan damiintay, ka dibna waxa la i siiyay waraaqdii caddeynta u ahayd cafiskooda oo uu madaxweynuhu ku saxeexan yahay. Sidii ayaan ku imid Oodweyne, Madaxdiinna waa u waramay waxa aanan u sheegay in la cafiyay. Muj Madaxdiin isaga oo ka xun arrintaa haddana waa yahay ayuu afka ka yidhi, mujaahidkii kalena waan u sheegay isna. Haddii Saddex cishaba la joogay, Gaani ayaa amar ku soo bixiyay in Madaxdiin la soo qabto, waana la qabtay oo xabsi Hargeysa ku yaal ayaa lagu xidhay. Gaani waxa uu ku andacooday in aan Madaxdiin lagu kalsoonaan karin sidaa daraadeed na ay muhiim tahay in la xidho.
Maalmo dabadood waxa Hargeysa yimid wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Xasan Cabdillaahi, Wasiirka Kalluumaysiga Cismaan Jaamac, Jananka Ciidamada Asluubta Ismaaciil Axmed Ismaaciil. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jaamac Gaas Mucaawiye, Wasiirka Dakadaha Cabdillaahi Maxamuud Hirad iyo Wasiir Axmed jaamac Jaangali. Waftigaas oo loo soo diray si ay xaaladda Somaliland u dajiyaan, waxa ayna soo daayeen Muj Madaxdiin (AHN). Waxa aan wali xasuustaa maalintaas la soo daynayay mujaahidka waxa ii maahmaahay Wasiir Axmed Jaamac Jaangali oo Waxa uu ydhi , “nin haddii uu kaa dayn waayo neef adhi ah i sii isagana ka xayntiisaa lagu dhibaa, ee ka xeyso waa kaas madaxdiine” Markan danbe se waxa nalaga qoray damiin aad u culus waxaana saxeexay anigoo ah Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale , Cali Bullaale, Xaaji Cabdillaahi Diiriye (X. Dahraan) iyo Caaqil Caydiid Hugur Alle ha u naxariisro dhammaantoode. Horta tii aan ka baqayay way dhacday, oo waan ogaa in aanu Madaxdiin sahal ku joogayn, anaga oo Burco ka tagnay oo dano noo gaar ah Hargeysa u joogna ayuu naga soo baxsaday Madaxdiin, ka dib Magaalada Burco ayuu ku soo noqday. Isaga iyo nin kale oo la yidhaahdo Muj Jaamac Calool ayaa hab kartaysan u la soo fakaday gaadhii Badhisaabka Burco sidii ayayna ku tallaabeen mar labaad” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne.
Mujaahid Madaxdiin (AHN) halkii ayuu halgankii ka sii waday illaa ay tii Alle u timid. Waxa uu shahiiday sannadkii 1988kii waxa aanu geeriyooday jimcihii Burco la soo galay jimcihii ku saddexda ahaa, waxa uuna ku galbaday Cisbitaalka Burco dhiniciisa galbeed halkaas oo ay caddowgu ku weerareen.Taariikhda Mujaahidku ma aha mid qormo yar lagu soo koobi karo, balse waan soo kor-ka-xaadiyay un. Dhammaan dadka ay is yaqaaneen Madaxdiin waxa ay ugu warramaan sida waddankiisa iyo dadkiisa u jeclaa. Waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin dhaqan wanaagsan oo dabeecad togan oo aanay cidna is diidin. Sida oo kale waxa uu caan ku ahaa geesinimo aan gabbasho lahayn, waxa uu ahaa nin aan ka waaban dulmiga oo xaqqa u gargaara, in kasta oo ay SNM wada Madaxdiin ahayd, haddana mujaahidku waxa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka ay ku taagnayd SMN.
Mujaahid Madaxdiin waxa uu guursaday saddex jeer waxa uu ifka kaga tagay labo xaas, 5 Wiil iyo 3 Gabdhood. Alle ha u naxariisto isaga iyo dhammaan mujaahidiintii waddanka u soo halgamay. Aaamiin Aaaamiin Aaaaamiin.

W/Q: Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)
Oodweyne, Somaliland

awdaahir2050@gmail.com

 

Leave a comment