Wiil Dadaaley Misana Dhacay!!

Published by

on

y

Wiil yar oo arday ah misana aad u maskax badan ayaa uu maalin macallinkiisu wayddiiyay su’aalo. Ka dib na wiilkii yaraa waxa uu su’aalihii uga jawaabay si sax bal se aan ahayn sidii uu macallinku doonayay, sidaa daradeed waxa uu imtixaankii uu keenay eber boqolkiiba (0%). Waana kuwan su’aalihii wiilka la wayddiiyay iyo jawaabihii uu bixiyay:

– Macallinkii: Maxaa dhammaaday bilowgii sannadkii 1960-kii?
– Wiilkii: macallin, waxa dhammaaday sannadkii ka horeeyay ee 1959-kii !!

– Macallinkii: waa maxay sababta keenta furriinka?
– Wiilkii: waxa keena furriinka waa guurka, sababta oo ah haddii aan la is guursan furriin meesha ma yimaaddeen!

– Macallinkii: sheeg waxa aadan quraac ahaan u cuni karin?
-:Wiilkii: waa qadada iyo cashada!

– Macallinkii: waa maxay sababta ugu weyn ee keenta guuldarradu?
– Wiilkii: waa imtixaanka!

– Macallinkii: haddii adiga oo haysta hal doollar, aad aabahaana waydiisato hal kale, imisa doollar ayaad haysataa?
– Wiilkii: waxaan haystaa hal doollar un!

– Macallinkii: saaqid ayaad tahay, ma taqaanid sida tirada la isugu geeyo!
– Wiilkii: maya, waan aqaan macallin balse aabahay hal doollar maba bixiyo, sidaa darteed halkaygii doollar ayuunbaan haystaa!

– Macallinkii: haddii uu aabahaa mushahar u qaato $500 oo doollar, hooyadaana uu biil ahaan u siiyo $500 oo doollar, maxaa u soo hadhaya aabahaa?
– Wiilkii: waxa u soo hadhaya wadne xanuun, sababta oo ah lacag intaas leeg haddii uu bixiyo waaba uu cadhoonayaa!

– Macallinkii: shidaal ma leeyahay dhulkeennu? Haddii la soo saaro se maxaa la helayaa?
– Wiilkii: Ilaahaybaa og!

– Macallinkii: waa imisa jir aabahaa?
– Wiilkii: waa lix jir?
– Macallinkii: yaaaa! Caqli gal sidey u noqon kartaa?
– Wiilkii: waayo wuxuu aabbe noqday goortii aan anigu dhashay (lix sano ka hor)

Wiilkaas ma la odhan karaa su’aalihii waa uu qalday, oo waa uu dhacay?

 

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment