Afkee Caalami ah Ingiriisi Mise Carabi?

Published by

on

Af Ingiriis ku xarakood Faransiis ka ku faan, Talyaani ku caytan, Carabigana ku dawarso. Ereyadani tiraba illaa afar jeer ayay dhawaaqoodu dhagahayga ay soo gaadheen, umaan boginse tiraabtaa ay cilmi la’aanta iyo caqli xumadu ay ka yeedhsiisay nimaankaa odayada ah ee kalmadahan maan gaabnimada ah inay  adeegsadan  caadeystay. Lama yaabo se oo  awilba waan ku ogaa in ay Soomaalidu ay aad u xayiisayaan luuqadaha xuub-caarada ku dhisan ee reer galbeedka ee ay Ingiriisidu ugu horeyso iyo kuwa kale oo cajamiga ah,  xagga ay Carabida ka caayaan kana xajiimeeyaan.  Midbaase iskaga qaldan saaxiibaday, taasna gadaal ayaan ka sheegi doonnaa Haddii Alle yidhaahdo. Marka hore laakiin luuqadahu waa wada luuqad oo midna  khasaare ma laha haba kala horaayeene.

Luuqaduhu in ay yihiin wax qaaliya misana dadku isku faahmaan waynu ognahay. Luuqad waliba in ay dadka isku xidho cidi ma diidana oo waa la og yahay in ay tahay isgaadhsiin muhiim ah oo adeegeeda leh. Luuqad waliba in xog iyo xiiso inoo waddo waa ay jirtaa balse iyana sidaas oo kale waxa jirtaa in la kala garan waayay luuqadaasi waa luuqaddee qalad fahan jira aawadeed?. Aniga se midbaa iga yaabisay taas oo ah qiimaynta luuqada Carabiga iyo qiimeynta luuqada Ingiriisigu miyay barasho iyo badsashaba ay siman yihiin?. Jawaabta isoo baxday ayaa noqotay “Adeer Afcarabiga ma masaajid ayaa lagaga eedamayaa Mise cidbaa lagu meherinayaa waa orod carabi lahaane geerashyadaa ku baarkin garee?” Waxaaba igaga sii daran intaas qosol iyo qaylo ayaa la isii raaciyay!! Afcarabadii aan cirka gaynaayay ayayba cagta hoos galiyeen! Ciil iyo cadho waynaa….

Si ay ahaataba waa ay jirtaa in maanta Luuqadda Carabigu ay Soomaalida agteeda ka  tahay wax  aan Waxbaba goyn misana aan qiimo lahayn,  xagga Ingiriisiguna uu yahay mid dharaar iyo habeen dhagaxa loo jiidho oo xataa dhadhaabada culus hoostooda  lagala soo baxayo!! Talow maxaa lagu sheegay?. Mooyi!! Haddaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye Af Carabigu maxuu muhiimad  dheer yahay marka   loo eego Af Ingiriisiga? Haddaba su’aashaas cabbir, cilmi, iyo mid caqli toona inta aynaan kaga jawaabin, waxaa door mudan in aynu tilmaam yar oo kor ka xaadis ah in aynu kaga erey bixino luuqadan Carbeed; maxay tahay maxayse tartaa? Afqalaad se ma ku tilmaami karnaa? Bal aynu  jawaabta yar dhawrno!! Af Carabeedoow Maxaad Tahay?

Luuqada Afka Carabigu waa mid ka mid ah luuqadaha ugu dhawaaqa dheer uguna caansan  guud ahaan qaaradaha aduun weynaha. Waxa uu ka mid yahay afafka gabi ahaanba  lagu hadlo aduunka kuwooda  ugu fiditaanka badan. Dadka ku hadla waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 500 oo milyan. Waddamada ugu badan ee lagaga hadlaa luuqadani waa wadamada carbeed Sida Sucuudiga, Baxrayn, qadar, Ciraaq iyo gabi ahaanba wadamada kale ee Khariijka Carabta. Waxa kale oo ay luuqadani ay  saameysay wadamo kale oo ah kuwa wadamo carabeed la jaar ah, sida Turkiga,  Sinigaal,  Maali, Irateeriya,  Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan. Luuqadan Carabigu waxa ay ahayd luuqad afmaal ah oo lagu qori jiray murtida, culuumta Diiniga ah iyo dhaqaalahaba, waxaanay casrigii dhexe ay gaadhay meelo badan oo aduunka ka mid ah, waxaanay aad ay usii labo kacleysay wakhtigii uu Islaamku Aduunka u talinaayay taas oo noqotay luuqad siyaasadeed iyo mid cilmiba. Wakhtigaas ayaa ay luuqadda Carabidu waxa ay saameyn buuxda ay ku yeelatay wadamadii kale luuqadahoodii sida luuqaddii Turkiga,  Faarisiyiinta,  Urdiyiinta, Malaysiyiinta, Indanuusiyiinta iyo Albaaniyiinta . Sidoo kale waxa ay luuqaddo la fargashay qaybo ka mid ah luuqada wadamada Afrika sida  Hawaasa,  Amxaara,  Sawaaxili, Soomaali iyo qaar kale oo ka mid ah  luuqadaha Qaaradda Yurub Sida Isbanishka Iyo Burtaqiiska iyo kuwo kale oo badan. Haddaba Luuqadan Carabigu waa mid ka mid ah lixda Luuqadood ee Luuqadaha Qaramada midoobey, waxay leedahay maalin la xuso oo ah 18 Disember .

Luuqadani qoraal ahaan waxa ay ka kooban 28 xalaf oo la qoro waxayna qoraalkeeda laga soo bilaa dhanka midig xagga bidixna way u socotaa,  waxaa taasna ay kala mid tahay farta Faarisiyada iyo Cibraaniyada inta kalese waa ay ka gadisan tahay. Afsoomaali marku aynu ka hadlayno waxa ay luuqadeennu noqonaysaa midda ugu badan ee luuqadaas sida tooska ah ula falgashay waayo 25% ereyada aynu isticmaalnaa waa Afcarabi sida: 1. Cibaadada:  Salaadda, Soonka, Sakada  Iwn. 2. Waxbarashada: qalin, macalin, kutub, sabuurad,  jaamacad, malcaamad, madarasad,  kuuliyad, kabiir, ciqaab, IWM. 3. Siyaasadda : Wasiirro, Siyaasad, Maxkamada, dawlad, mucaarad, muxaafid, askar, Xukuumad. 4: Wakhtiga: Sabti, Axad, Isniin….. ayaan, sannad, saacad, daqiiqad, usbuuc, subax, salaad, duhur, casar, iwn. 5. Hoyga: sariir, furaash, raaxo,  qado, casho Daqiiq,  tamaandho iwm. 6. Dhirta: saytuun, nummaan, timir,  tiin iwn. Magacyadana iyaga haba soo hadal qaadin. Lama soo koobi karo dhan walba labadan af way isku dunxidhmeen. Haddaba runtu waxay tahay Af Carabigu waa  Afka ugu qanisan wax allaale wixii luuqad la sheego. Isagu waa Carabi wixii kalena waa Cajami. Carabigu waxa uu dheer yahay luuqadaha kale ee aduunka wixii luuqadi kaga wacnayd mid kale ee xigmad ahaa,  ee midho ahaa,  ee dhawaq ahaa,  ee dhisid ahaa, ee  dhadhan ahaa, ee qurux ahaa, ee dhameys, dheelitir iyo dhugmoba ahaa. Luuqadu Carabidu balaaqad iyo bayd wacnaan waxa ay ku darsatay waa luuqadii uu Alle kor ahaaye uu u doortayin  hadalkiisu (Qur’aanku) uu ku soo dago,  waa luuqadii Nabiga Muxamed SCW,  waa luuqadii Kutubka Islaamka iyo Sunadii Nabiga, Waa luuqadii Janada, waa luuqadii Diintu ay ku dhammeys tirnayd la’aamteed Qur’aan lama baran karo Xadiisna lama baran karo. Salaad Alle waxaa lagu baryaa oo Qur’aan lagu akhriyaa waa iyada. Guud ahaan Diintu waa Carabi la’aanteed waa indho xidhnaan. Bal hadaad carabi diiday oo aad ingiriiso barato, aqoontaada diimeed maxay noqonaysaa? Sow aduunyadaadii iyo Aakhiraba kama indho xidh? Waligaaba is diidsii ee waad indha xidhan tahay waayo wixii samaanta iyo xumaan lagu kala garanayay maba taqaanid oo waxaad tahay ” Waraabe dhankii loo eeryaaba waa uu toos”. Sideen.u siimaa wax aannu Alle ba simin? Ma lihi dookh iyo kala doorasho meesha yaalla waayo Alle aya hore iigu dooray. Alle Carabida isagaa inoo dooray inuu Qur’aanka inoogu soo dajiyo waayo hufnaanteeda iyo fahankeeda iyo hadal samaanteeda ayuu ogaa. Bal eeg immisa jeer ayuu Alle leeyahay “Waxaan idiin soo dejiyay kutub ku qoran Carabi si aad wax u kala garataan”  Hadii Diintu Carabi tahay’ Hadalkii nabigu SCW Carabi yahay, Aakhirana Carabi lagu hadlaayo mayaanu waajib ahayn xurmaynta iyo barashada Afka Carabigu ? Waa tee luuqadda caalamiga ahi ma af Carabi Mise ma Ingiriisi? Haddii sidaaba ay tahay Carabida af qalaad ma la odhan karaa?  kolay Jawaabta waa uu garanayaa ruuxii garaad lihi ee bal Ayaadahan u fiirso, waxa uu Alle ka leeyahay Af Carabiga dabadeed qudhqudhi oo qaado:- Alle kor ahaaye waxaa uu yidhi:

– 1-( وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا وَصَرَّفْنَا فِيهِ مِنَ الْوَعِيدِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ أَوْ يُحْدِثُ لَهُمْ ذِكْرًا )  طـه (113) .    . 2-  ( إِنَّا أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ ) يوسف (2) 3- ( وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّهُمْ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُ بَشَرٌ ۗ لِّسَانُ الَّذِي يُلْحِدُونَ إِلَيْهِ أَعْجَمِيٌّ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيٌّ مُّبِينٌ ) النحل (1 4-( وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَاهُ حُكْمًا عَرَبِيًّا ۚ وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُم بَعْدَمَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا وَاقٍ )  الرعد (37) 5- ( إِنَّا جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ )  الزخرف (3) 6- (وَلَقَدْ ضَرَبْنَالِلنَّاسِ فِي هَذَا الْقُرْآَنِ مِنْ كُلِّ مَثَلٍ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ * قُرْآَنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ) … ]الزمر: 27-28[ 7- (حم * تَنْزِيلٌ مِنَ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ * كِتَابٌ فُصِّلَتْ آَيَاتُهُ قُرْآَنًا عَرَبِيًّا لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ)….. ]فصلت: 1-3[. 8- (وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآَنًا أَعْجَمِيًّا لَقَالُوا لَوْلَا فُصِّلَتْ آَيَاتُهُ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ آَمَنُوا هُدًى وَشِفَاءٌ وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ فِي آَذَانِهِمْ وَقْرٌ وَهُوَ عَلَيْهِمْ عَمًى أُولَئِكَ يُنَادَوْنَ مِنْ مَكَانٍ بَعِيدٍ)… ]ف

Leave a comment