Wadaad, Wadaad-xume & Jidh-wadaadle!

Published by

on

Nin waa wadaad oo waa nin u muuqda inuu adduunka safar ku yahay. Waa mid dadka si wanaagsan ula dhaqma oo debecsani, qancin, dulqaad, deggenaan, daacadnimo iyo si walaaltinimo ah bulshadiisa ula dhaqma. Waa mid gacalka, xigaalka iyo xididkaba sooryeeya oo dhammaantood isku xidha. Waa mid maatida u dooda oo daryeela. Waa mid aan gaalada ka didin sababtoo ah waxa uu ogyahay inuu isagu mar walba yahay midka mudan in lagu daydo. Wadaadku waa ka ay si toos ah ay ugu muuqdaan dhaqamadiina Nabiga SCW. Mid walba oo gadhweyn yeeshaa ma aha wadaad.

Wadaad xume waxa la yidhaa midka Diinta aqoonta u leh balse aan si sax ugu dhaqmin. Waa ayaan darrada ina haysata in jiraan koox dadka wadaado u sheegtay oo dadka wacdinaya balse iyagii diinta shaki galinayaa. Waxaan in badan arkay rag gadhka la baxay oo surwaalka gaabsaday, balse waxay kuu sheegayaan iyo dhaqankoodu uu kala laba yahay. Dadka way xamanayaan, way dhibayaan, way dhacayaan. Aqoontii Alle iyo tii Nabiga SCW lagu baranaayay lacag ayay ku beddesheen. Hab ganacsi ah ayay dadkii ku dhaceen. Haddey gabadh soo socota ay arkaan naasaheeda ayay daawadaan, haddey mid sii socota arkaana badhideeda ayay dawadaan. Kooxdan noocan ah waxaa la yidhaa wadaad xume waana kuwa dadka diinta ka fidmeeyay, waana kuwa jaaniska siiyay kooxda Shar-waddayaalka ah ee Cilmaaniyadda. Kooxdani waa kuwa badanaa ka hawl-gala xawaaladaha, shirkadaha iyo goobaha ganacsiga.

Koox kale ayaa jirta oo la yidhaa ‘jidh-wadaadle’. Muuqaalkooda haddaad aragto waxaad moodaysaa nin Alle yaqaan ah, balse waa nin Adduun yaqaan ah. Sababtu wax kale maaha ee waxaa uu gadhka ula baxay inuu dadka ku dhaco, waxa uu surwaalka u gaabsaday in lagu aamino, waxa uu masaaajidka u gallay si uu shaqo ugu heli lahaa. Kani waa mushrik cibaadadii uu Alle lahaa la wadaajiyay dad kale. Noocani way inagu badan yihiin waxaanan ku gartaa af-jidhoodkooda (Body language).

Haddaba anigu saddexdaa kooxood ta koobaad ayaan wax ka dhegeystaa, kuwa kalena aragaan ka laantaa.

Leave a comment