Mucjisada Quraanka Qaybta 1aad! Sh Ibrahim Xirsi Galow

Published by

on

18256_642061022602377_3436799028271102760_n

Mucjisooyinka Quraanka iyo Xadiiska

Soomaalidii reer guuraaga isaga badnayd waxay marar raggu haddii ay wiilalasha oo aad loo jeclaa dhali waayaan ay dhibtaas ku eedayn jireen dumarkooda.
Quraanka wuxuu inoo sheegay 1430 sano wax ku dhaw ka hor in Aabuhu uu Mas’uul ka yahay Ilaahay Awoodiisa ka gadaal in qofka dhalanayaa uu noqonayo wiil ama gabar.
Ilaahay wuxuu ku yidhi Quraanka aayaadka 37-39 Suuratal Qiyaamah miyaanaan dadka ka abuurin candhuuf yar oo soo boodaysa (Manida Aabaha ka soo booda), taas oo aanu ka abuuray xinjirta dadku ka yimid isla manidaas aabaha ayaanu ka abuuray labka iyo dhedigaba.
Rasuulka NNKA waxaa ka sugan inuu yidhi haddii biyaha aabuhu ay awooda yeeshaan Ilmuhu wuxuu noqonayaa wiil, haddii hooyadu awooda yeelataan waxaa Ilmuhu noqonayaa gabar.
Haddana cilmiga saynisku wuxuu markii ugu horeeyey cadeeyey in Aabuhu Sido hidasidaha sababta ah inuu wiil dhasho. Hooyaduna ay marwalba Sido hidasidaha dhediga ama gabarata.
Arintaas waxaa daahfuray halgan dheer ka dib Karl Heinrich Henking (1855–1934), a German biologist, kaas waafaqay sidii Quraanka iyo Axaadiista Rasuulka NNKA inoogu sheegay.
Haddii tusaale ahaan aan ku muujino:
Aabo manidiisa waxay tahay XY, halka hooyadu ugxanta ay sidaa tahay XX. Si ilmo u dhasho labada waalid midba xaraf ayuu ku deeqaa. Hooyadu waxay ku deeqi kartaa markasta X. Halka aabuhu uu ku deeqi karo X ama Y.
1. Haddii aabo bixiyo Y , hooyana X, marka la isku daro wuxuu noqonayaa wiil ah (XY) , aabihii ayaana ku adkaaday sida Xadiiska Rasuulka NNKA inoo sheegay.
2. Haddii aabo bixiyo X, hooyana X, markaas Ilmuhu wuxuu noqonayaa gabar (XX) waxaana ku xoog roonaaday hooyada sida Xadiiska Rasuulka NNKA inoo sheegay.
أَيَحْسَبُ الْإِنسَانُ أَن يُتْرَكَ سُدًى (36) أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمْنَىٰ (37( ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ (38) فَجَعَلَ مِنْهُ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ (39(
سورة القيامة
وفي رواية عند مسلم عن ثوبان رضي الله عنه مرفوعاً :” مَاءُ الرَّجُلِ أَبْيَضُ وَمَاءُ الْمَرْأَةِ أَصْفَرُ فَإِذَا اجْتَمَعَا فَعَلَا مَنِيُّ الرَّجُلِ مَنِيَّ الْمَرْأَةِ أَذْكَرَا بِإِذْنِ اللَّهِ وَإِذَا عَلَا مَنِيُّ الْمَرْأَةِ مَنِيَّ الرَّجُلِ آنَثَا
بِإِذْنِ اللَّهِ”.
Tani waa mucjizada Diinteena oo Ilaahay ilaaliyey Cilmi kasta oo Bani-aadamku gaadhay ama si guud ayaa cilmigaasi u waafaqayaa ama si gaar ah sharax hoose leh ayaa cilmigaasi Shareecadda Islaamka ugu soo dhacayaa.
Ilaahay wuxuu yidhi waxaanu Ayaadkayaga ka tusaynaa jihooyinka iyo naftooda ilaa ay u cadaato Xaqnimada Allah. Miyaanay ku fillayn in Allah waxkasta marag ka yahay? Waxay ka shakisan yihiin kulanka Allah. Ilaahay waxkasta wuu koobay.
سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (53) أَلَا إِنَّهُمْ فِي مِرْيَةٍ مِّن لِّقَاءِ رَبِّهِمْ ۗ أَلَا إِنَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ مُّحِيطٌ (54)سورة فصلت

W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

SI AAD ULA XIDHIIDHO QORAAGA GUJI HALKAN HOOSE: 

Sh Ibrahim Xirsi Galow

 

 

One response to “Mucjisada Quraanka Qaybta 1aad! Sh Ibrahim Xirsi Galow”

Leave a comment