Aragtida Taban & Aragtida Togan!

Published by

on

1

 

Qoraa caan ah ayaa fadhiyay qol maktabad u ahaa oo gurigiisa ku dhex yaala. Waxa uu soo qabsaday qalin waxaana uu bilaabay inuu wax qoro:

1. Sannadkii hore waxa aan galay dhakhtar oo qalliin ayaa la igu sameeyay. Muddo badan ayaana aan sariirta dul aallay oo aan gudaha cisbitaalka ku xannibnaa!

2. Isla sannadkaas waxay da’du ay gaadhay 60 jir waxaanan ka tagay shaqadaydii aan jeclaa. Waxaanan muddo badan ku qaatay in aan buug un daabaco.

3. Isla sannadkaas waxa dhintay aabahay, waxaana isoo gaadhay murugo aad badan oo qalbigayga dhaawacday!

4. Isla sannadkaas wiilkaygu waxa uu dhacay
Imtixaankii jaamacadda waayo waxa uu galay shil baabuur. Waxaanu in badan yaalay sariirta cisbitaalka oo wakhti badan iyo lacag badan ayaan anna igaga baxayay. Khasaare kalena waa jiray oo ahaa burburka gaadhiga!

– Gabagabadii qoraalkiisana waxa uu ku soo af gooyay: Khalaas sannadkaasi waxa uu ahaa sannadkii iigu xumaa ee noloshayda soo maray intii aan noolaa!

Markii qoraaga xaaskiisu ay soo gashay qolka, waxa ay aragtay ninkeeda walaaca iyo walbahaarka uu ka muuqdo. Way soo daba istaagtay waxayna akhriday wixii uu waraaqda ku qoray. Ka dibna waa ay baxday iyada oo aan la hadal, waxa ayna soo noqotay iyada oo sidata qalin iyo waraaq. Waxa ay fadhiisatay dhiniciisa dabadeed waxa ay bilowday in ay wax qorto iyada oo magaciisa ka bilowday oo ay xagga sare kaga qortay.

Qoraagii markii uu arkay magaciisa oo xagga sare kaga qoran waraaqda ayaa uu qoraalkii kalena sii akhriyay:

1. Sannadkii hore waxa aan galay cisbitaal oo qalliin ayaa la igu sameeyay si la i badbaadiyo. Muddo yar ayaan cisbitaalka jiifiyay, waxaanan helay caafimaad maadaama la i daweeyay!

2. Isla sannadkaas maadaama aan 60 jir gaadhay oo aan talax-gabey, waxa aan ka fadhiistay shaqadii hore waxaanan fursad u helay in aan wax ka wanaagsan qabto, oo aan buugaag badan daabaco kuwaas oo aan diiradda ku saarayo arrimaha nabadda iyo horumarka bulshada.

3. Isla sannadkaas waxa dhintay aabahay oo ahaa 95 jir, waxaanu dhintay isaga oo ku guuleystay rajooyinkii uu lahaa oo odhan, sidoo kalena waxa uu ka tagay dhaxal wanaagsan oo lagu soo xasuusan doono!

4. Isla sannadkii hore waxa nolol cusub helay wiilkaygii oo shir baabuur galay. Waxa farxad ii ah maadaama uu wiilkaygu aanu shirkaas ku dhiman kuna naafoobin!

Dhammaadkii qoraalka waxa ay ku soo afmeertay: Sannadkaasi waxa uu ahaa sannad wanaagsan Illaahay ayaanan ku mahadinayaa!!

Qoraagii waa uu farxay waxaanu aad u layaabay sida quruxda badan, ee caqliga wacan, ee aragga togan ee ay xaaskiisu uga eegtay nolosha sannadkii hore. Waxaanu masaxay qoraalkiisii hore waxaanu u qoray sida ay xaaskiisu u qortay!

Dharaaraha aynu noolnahay waa in ay nolosha ka eegnaa dhanka togan ee qumman waayo arrin walba oo dhaca farxaddiisa iyo murugadiisu, waxa ay ku xidhan tahay hadba dhanka laga eego, ogow aragtida tabani waxa ay cidhiidhi galinaysaa farxaddaada, aragtida toganina waxa baabi’i naysaa murugadaada! Be possitive.

Qalinkii: Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment