Xildhibaan Waabeeyo & Xasuusaha ku gadaaman

Published by

on

11254109_1646716858914543_7857737377305324690_n

Þ Nimanyahow mahwiga xaal adduun, waa misaal culuse
Þ Sooyaalku waa madhax haddaan, laga masuugayne
Þ Milaygii la joogaba waxbaa, lagu micneeyaaye
Þ Mucjisaba xasuustay siddaa, laga magowshaaye
Þ Mugdi iyo nimcaa lagu suntaa, meesigay tahaye
Þ Mahadhooyin ugub baa is qora, maalin iyo layle
Þ Hadba midabkay keentaa Cabdow, lagu masaalaaye
Þ Ninba wuxuu ka miistaa halkuu, maangal bidayaaye.

 

 

 

Ummad waliba waxay leedahay madax iyo masuuliyiin ay door bideen in ay u noqdaan hogaan u horseeda barwaaqo iyo badhaadhe ay ku noolaadaan. Hadaba masuul kasta oo ah siyaasi ama sarkaal waxa uu dhulkan balaadhan kaga abtirsadaa gobol iyo deegaan uu ku dhashay, ku barbaaray ama uu Ku dhaqdayba, halkaas oo ah qayb ka mid ah sooyaalka taariikh nololeedkiisa . Siyaasi waliba waxa uu kaga taagaa dalkiisa iyo deegaankiisa taariikh cad oo lagu xuso laguna xasuusto. Taariikhdaasi waxa ay noqon kartaa mid ku suntan taariikh xumo laga xajiimoodo ama mid wacan oo noqota wadiiqo cad oo laga tilmaam qaato.

Hadaba Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo waxaa uu taariikh cad oo dahabi ah uu Ku leeyahay gayiga Somaliland siiba Gobolkiisa Daadmadheedh. Xildhibaan Waabeeyo waa shaqsiga qudhaata ee kor iyo hoosba ugu guntaday sidii uu gobolkiisa ugu heli lahaa ajande lagu horumarinayo baahiyihiisa guud sida giraanta ku gadaaman, waana ay dhacday runtii. Xildhibaanku waxa uu ahaa xubin aad u fiirfircoon oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Somaliland, waxa uu muujiyay dadaal iyo diblumaasinimo dheeraad ah, taas uu ku gaadhay inuu noqdo Gudoomiyaha ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye. Inkastoo uu muddo shan sanno ah uu ahaa mucaarad hadana maalin iyo layl waxa uu u fooganaa horumarka, hirgalinta iyo hanti galinta gobolkiisa. Waxaa tami Shantii sanno ee uu maxaafidka ahaa waxa xaqiiqdii uu hir galiyay waxyaabo la taaban oo waliba la odhan karo boqolkiiba sagaashan maashaariicda iyo maal galinta ka fushay Oodweyne isagaa keenay sababna u ahaa.

 

 

Runtii Gobolka Daadmadheedh 5 Xildhibaan ayaa uga soo baxay doorashadii Baarlamaanka, marka laga reebo Xildhibaan Waabeeyo mooye intii kale maalintii ayaa ugu danbaysay muuqooda, meel danbe oo ay jaan iyo cidhib dhigeena lama arag lamana maqal Yaab! Waxaabay noqdeen “Halkaa maroo muuqaa la waa” . Hadaba Xildhibaan Waabeeyo waxa uu u guntaday oo geed dheer iyo geed gaaban uu u fuulay dardar galinta iyo geedi socodka gobolkiisa waxaanu Ku guulaystay in uu inta karaankiisa ah la dadaalo lana daalaa dhaco sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelida iyo dib u dhiska deegaanka Oodweyne.

Somalidu waxa ay Ku maahmaahdaa ( Far kaliyi fool ma dhacdo) Xildhibaan Waabeeyo waxa noqday ninka kaliya ee danaynaya una diir naxaya dadkiisa, dalkiisa iyo deegaankiisaba, balse halka ay sartu ka qudhantay waxa weeye ganacsatada iyo tujaarta reer Oodweyne oo aan danaynay dhulkooda, siyaasiyiinta iyo salaadiintii oo iyaguna noqday Baqal Fardo la miratay iyo qurbo joogta oo iyaguna xaalkoodu yahay ( Qawda maqashii waxna haw qaban) waana ayaan darrada haysata reer Oodweyne waayo cidna uma maqna ceelna uma qodna baladkan iyo bulshadanba.

Taasi waa taa, ta kale Xildhibaan Mohammed Xaji Yousuf labo arimoodba bulshada reer Daadmadheedh waa u sharaf. Mar waa uu sharafoo 82-kii Xubnood ee Baarlamaanka la soo doortay, Xildhibaan dadkiisii dib ugu soo noqday oo xaska iyo Xaabadaba la guray waxaa la hayaa Xildhibaan Waabeeyo, mar labaadna waa uu sharafoo Xildhibaanku horumarka uu gaadhay mudadii yarayd ee koobnayd ayaa magac iyo maamuusba ugu filan, waayo waa siyaasiga kaliyaata ee reer Oodweyne ah ee saaxada siyaasadda maanta uga dhex muuqda sida dayaxa. Bal adba.

Raggii horaa waxaa laga hayaa ” Waari mayside war hakaa hadho” Dabcan Xildhibaan Waabeeyo waxaa uu Gobolka iyo gayigaba Ku leeyahay taariikh dahabi ah oo lagu xasuusan doono laguna xusi doono, oo waayo? Sababtoo ah waa halyeeyga kaliya ee ka qayb qaatay baahiyaha aasaasiga ee degmadda Oodweyne iyo Gobolkaba. Sidoo kale waxyaabaha sida wayn loogu xasuus doona waxa mid ah:-
*Dhismaha wadada u dhaxaysa Burco, Oodweyne iyo Hargeysa oo wali socota waana Shaqsiga kaliyaata ee jeebkiisa kaga daray lacag ka badan 20kun oo dollarka maraykankaa.
* Qalabka wadada: Xildhibaan Waabeeyo waxaa gacantiisa kaga soo qaaday dawladda dhamaan gaadiidkii lagu samayn lahaa wadada oo dhamays tiran. Ku darsoo qalabkankani maaha kiro, dawladna ma laha balse Oodweynaa iska leh waligiina lahaan doona.
* Xildhibaanku waa ninka kaliya isku uririyay qarashka wadada lagu sameyn lahaa waxaanu dabedda ka keenay labo Isku rogo oo ah ku waaweyn ee wadooyinka sameeya.
* Xildhibaan Waabeeyo waxa uu ka qayb qaatay Dhismaha Iskuulka sare ee Madaxdiin Secondary School.
* Waxaa uu xildhibaanku ugu deeqay Dawladda Ee Degmadda Oodweyne gaadiid uu isagu leeyahay.
* Waxaa uu sidoo kale uu Cisbitaalka keenay gaadhi anbalaas ah oo casriya.
* Waxa uu Xildhibaan Waabeeyo ka qayb qaatay xagga horumarinta Sports-ka waana ninka kaliya ee si wayn uga dhex muuqda kalmaada iyo kaabidda Ciyaar yahanadda iyo dhaliinyaradda.
* Sidoo kale waxa uu Xildhibaanku geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii loo heli lahaa ceel riig ah ugu danbayna waa uu ku guulaystay imikaana qandaraaskii la bixinayaa sida igu maqaalaa.
* Waxa kale oo lagu xasuusan doonaa Isku xidhka bulshadda iyo laamaha dawladda Sida Wasiiradda iyo Waaxaha ay ka mid yihiin Agaasimaasha iyo Isu-duwayaasha.

Runtii lama soon koobi karo Xildhibaan Waabeeyo gacanta uu ku leeyahay horumarka Gobolka Daadmadheedh Isagoo waliba shaqadiisu ay tahay sharci dajin kaliyaata, haseyeeshee waxaas oo dhan wuxuu uu qabtay lexe jeclo uu u qabo dadkiisa iyo dalkiisa.

 

Si walba oo ay tahay Xildhibaan Waabeeyo kuma dhaqmo dhaqanka ah ( La jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan) balse waxa uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale dhawr arimood oo taabanaya dhaqanka iyo dhismaha nolosha, runtii Xildhibaan Mohammed Xaaji Yusuf Waabeeyo waa nin jecel horumarka una bislaaday ilaalinta hanaanka nabadda iyo jiritaankeeda, waa shakhsi dabeecad iyo dulqaad uu alle siiyay, waa siyaasi firfircoon oo furfuran wuxuunu ku caan yahay hadal dabacsan, daacadnimo iyo dadnimo wacan oo qof walba raaligalinaysa. Dabcan marka xaqiiqda laga hadlaayo Xildhibaan Waabeeyo uma kala socna dadku, waana nin ay dadku u siman yihiin kuna qaabila waji furan iyo laab fayow umana kala soocna faqiir iyo taajir, caruur iyo ciroole kumana qiimeeyo bulshada mansab iyo magac toona.
Xildhibaan Waabeeyo waa ruux leh han iyo himilo joogto ah, oo jecel goor walba iyo goob kastaba inuu dadkiisa iyo dalkiisaba gaadhsiiyo horumar iyo barwaqo sooran, Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo dadaalka uu ugu jiro dadkiisa iyo dalkiisaba.

Zayid Mohammed Darwiishka

Leave a comment