Godobtii wiilka & Gobolka Oodweyne

Published by

on

Waa wiil da’yar, dushiisa waxa ka muuqda nabaro aad u badan oo haatan sii bogsanaya. Wiilku kama dhaawacna wajiga oo qudhaata balse idil ahaan oogadiisu waa wada nabar miidhan lamana yaqaanno cid ku dhufatay nabarradaas. Guri ku dunyaa, gaadhi jiidhyaa iyo bahal cunyaaba, waa wiil ay ka muuqato darxumo iyo diif aad u badani. Subxaanalaah. Yaab badanaa!
Wiilkan waxa dhalay hooyo iyo aabbe aad u jeclaa. Waa ay kolkoolin jireen kolkii uu yaraa, oo waa ay daneyn jireen oo waa ay daryeeli jireen oo waligood ma ay dilin dagaalna hadalkii daa. Wiilku waxa uu ahaa wiil aad u qurux badan oo caqli badan, oo qaddarin badan waxaana hal-beeg u ahaa deeqsinimo, karti, daadaal iyo daacadnimo barri iyo badba ka talowday. Sifooyinkaas iyo qaar kale oo badan dartood ayaa uu qayrkii iyo qayr xigihiiba kaga magac roonaaday. Dadka ku nool deegaamada kale waxa ay safar dheer u soo gali jireen sidii ay wiilkan u arki lahaayeen una baran lahaayeen. Hooyo iyo aabbe kasta oo arka wiilkan, waxa ay ku duceysan jireen in ay mar un helaan wiilkan oo kale ah. Hablaha geyiga jooga oo dhammina waxa ay timaha ku feedhan jireen kuna fikiri jireen sidii ay u hantiyi lahaayeen ulana haasaawi lahaayeen wiilkan aad ka u wacan.
Dariiqa marka uu marayo indhaha ayaa lala raaci jiray. Oo maxaa indhaha loo la raaci jirey ma quruxdiisa mise qiimahiisa? Mayee labadaba. ” Alla wiilku wacanaa oo wanaagsanaa” ayaa uu qof walbaaba niyadda ka odhan jiray. Dugsiga tuulada ku yaalla ee uu dhigan jiray wiilku waligii cidi kama ay sarayn jirin. Wadar iyo waaxid ka caqli bandanna abid lama soo sheegin. Boqolkiiiba boqol ayuu imtixaanka keeni jiray! Diinta iyo duruusta kaleba waa uu kaga door-roonnaa ardayda kale. Waxa la sheegaa xitaa inuu aad ugu wacnaa ku hadalka luuqadaha adduunka , suugaan-yahanna waa lagu tilmaami jiray. Sidaa ayuu wiilku ku soo koray kuna soo barbaaray sabinnimadiisii.
Muddo kooban ka dib waxa ay tii Alle u timi labadiisii waalid ee uu majeeran jiray. Waxa la soo deristay xaalad adag, mase cidloonin baa la yidhi. Waxa masuuliyaddiisii kafaalo-qaaday adeerkii aabihii la dhashay. Adeerkii oo ahaa nin aad u da’ weyn waxa uu ku dadaali jiray in aanu wiilka marnaba wax tabanin, sidoo kalena aanu tabin kaalintii uu waalidkii ugu jiray. Sidaa la ajligeed waxa uu dhexda u xidhay sidii uu u buuxin lahaa booskii aabbihii ka baxay. Gabadha adeerkii qabo (waa aayadiiye) waxa ay ahayd oori nasab ah, iyaduna waxa ay u tafaxaydatay sidii ay wiilka ugu buuxin lahayd booskii hooyadii. Uma ay buuxin se laakiin waa ay dadaaleen intii karaankooda ahayd.
Cishooyin dabadood, nasiib xumo waxa god galay adeerkiisii jeclaa. Aayadiina wax ba kama ay danbeyn oo iyaduna waa ay la god gashay Amarka Illaahay. Allow u naxariiso ayaa yidhi labadoodiiba. Wiilkii dhabanno hays iyo dhul xarriiq ayaa ka soo hadhay. Maalin iyo habeen waa xasuus iyo xiiso hore. Gabbal dhacay iyo galac-cadceedeed wiilka waa isugu mid, waayo waxa uu og yahay in aanu jirin cid u maqan iyo ceel u qodan oo ka danbeeya labadaas dabadood.
Adeerkii nin uu dhalay oo curadkiisa ah ayaa jiray. Gurrac ayaa lagu naaneysi jiray, dadka qaarkiina Maroor-xume ayay u yaqaanneen. Gurrac waa nin laf weyn oo caano-geel dhan ah. Dadka magaaladu lama murmaar oo waa gar-qaate dagaal jecel oo aan garaad lahayn. Gar ma galo oo maba yaqaan gees laga maro. Sidoo kale ma kala jecla wax gar iyo daw la yidhaahdo. Naxariis darrada iyo gunnimada meel kala muu iman ee waa dhalankiisa. Gobbood falka iyo godobtu waa mid gurigiisa dhex ceegaagta. Gurrac xaaskiisa iyana waxaa la yidhaahdaa Gudcuro, isma dhammaan labadoodu garaad iyo gambo garasho ah. Waa isku nool iyo isku nashqad. Waa dameer iyo labadiisa daan. Xagga gunnimada waa isagii oo aan biyo is marin.
Gudcuro gacan-fudeyd inta ay ka qabto ma seexato mana gama’do haddii aanay maalintaas gabadh kale timaha soo jiidin ama guri soo shiidin. Gurrac laftigiisuna kama liita oo goor iyo ayaan waxa uu guntiga u gaabsaday gacal kala xoor iyo geesh-dirireed. Agagaarka gurigiisa danbigiisa ayaa looga guuray oo waa cidla ciirsila, haddana godobtiisu jiha walba waa ay gaadhaa. Haddii ay martiyi habeen ku soo hoyato, haddii aanay gabadhu biyo beyl ah ku shubin isagaa budh dabada u qabta. Dhaqankoodu waa sidaa reerku!
Gurigaa aan sheegay ayaa wiilkii dani ku qabatay oo wali ma qaan gaadhin ehel aan Gurrac ahayna ma laha. Intii uu gurigaa joogay laba habeen hurdo haakah ma odhan, mana gacan la’aanin oo waa la garaaci jiray, haddii uu gacan la’aadana ma hiif iyo duryan la’aan jirin. Dhengad ayaa gaw-da lagaga saari jiray. Kolka uu gurrac ka yimaado suuqa waxa uu odhan jiray ” Naa Gudcurooy mee garacii meeshan joogi jiray?” Waxa ay ugu jawaabi jirtay ” inankan yar ee aad kibrisay waa ka halkan is galluubaya” kolka uu dul tago wiilkii oo ay cunto ugu danbeysay saaka oo ardaaga geela gaajo darteed galgalanaya, ayaa inta laad gogga u galiyo ayuu odhan jiray ” kac gaal-yahow gaalku dhalay xaggaad iskaga huruddaa?”. Dabadeed sida uu ul ugu wado ayuu diirka kaga saari jiray. Kolka ay ushu kala jabjabto ee ay madhatana, mise waa Gudcuro oo ul kale soo sidda iyadoo le “waar hoo tan ayaan jabayne, ku muldhi oo ku murxi, mudankiisana marsii waa uu kibraye”.
Maalin iyo habeen sidaa ayaa loo garaaci jiray wiilkan yar. Meel nool ma leh. Haddii ri gees jabo isagaa laga jaraa. Haddii carruurtu ay oydo isna waa la ciqaabaa, haddii geelu dido isna waa la garaacaa. Wixii Warab ahba wiilkaa leh ayaa hal-beeg u ahayd. Waxaaba la moodaa in uu wiilku dhashay Maalinta Garaacista Adduunka(maba jirto se). Gurrac kama waynaado dilmada wiilka shug, shug, shugtana kama daayo illaa uu iskii uga daalo. Kolka uu daalo inta uu nasanayo, Gudcuro ayaa u daba marta oo cunaha qabata, Qiiiq, Qiiiiiq,Qiiqda ka baxaysaa wiilka malaha waa ay ku raaxeysataa. Ma sii deyso illaa uu indhaha xagga kale ka rogo.
Malcaamaddii tuulada waa laga saaray bari hore oo addoon la muruq-maalo ayuu noqday, geela isagaa hor seexda isagoo go’ la’aan ah, xaabada isagaa soo gura, isagaa hawlaha ugu badan qabta, haddana daab gudimo in lala dhaco dharaar lama hilmaamin. Dhawaaca dushiisa ka muuqda waxa ka badan kuwa gudihiisa ku yaalla ee qarsoon. Miskiinku waa naf la caarid.
Wiilkii sidii ayuu noloshiisa ku soo qaatay illaa uu Alle faraj u keenay oo uu kasoo lugeeyay habeen gudcur ah. Magaalo ayuu yimid aakhirkiina dhakhtar ayaa la dhigay, dhawaan ayaana laga soo saraay dhakhtarkii. Isagoo diifeysan ayuu haddana rabaa in uu nolol cusub sameysto oo tii hore uu ku illaawo. Waa shaqo-doon waxa se uu u baahan yahay cid gacan qabata. Mar la weydiiyay magiciisa waxa uu ku jawaabay” waxa la i odhan jiray Oodweyne immika se ma ogi wax la i bixiyay”.
Qalinkii: Zayed Mohamed Darwiishka
Oodweyne Somaliland
Awdaahir2050@Gmail.Com
Tell: +252-63-4381712

Leave a comment

Previous Post
Next Post