Geelu Xalaal Mise Xaraan?

Published by

on

zz

Waagii hore reerka aan geel lahayn Soomaalidu waxay u taqaanay reer hoose oo aan magac iyo sharaftoona lahayn, xagga kuwa geela leh fadhiga looga kici jiray. Wiilka Geel jiraha ahi waa uu iskala qab weynaa waana uu quudhsan jiray midka isaga la faca ah ee weliba la qabiilka ah balse aan reerkoodu geel lahayn.

Dagaallada qabiilooyinka Somalida dhex mari jiray waxay badankood ka dhalan jireen sabab geel ka timid, mararka qaarkood Hal ul lagu dhuftay ayaa dagaal culus oo dad fara badani ku le’daan ka dhaci jiray. Geela Somalidu waa kala dhici jirtay oo xoog ayay ku kala qaadi jirtay, waxaana jira hal-ku-dheg Somaliyeed oo odhanaysa “Geel hadba ninkii uu gacantiisa ku jiro ayaa leh” taas oo ah marmarsiinyo in geela la kala dhici karo, laguna xalaashanayo dhicistiisa. Waxyaabaha iga yaabiyayna waxa ka mid ah, ninka dhinta isagoo geel soo dhacaya ama khasab kusoo boobaya in uu ahaa nin rageed geesi ah, oo waliba waa la siyaaran jiray xabaashiisa. Yaab! Hadda waan nin boob tag ah.
Go’ ma saarna, galshana ma laha shakina kuma jiro inuu geelu faa’iido badan inoo leeyahay. Faa’iidooyinkaana waxa ka mid ah: Waa marka kowaade, dadka Soomaalida ee reer guuraaga ah waxaa u ahaa gaadiid , geeddi aad u fog oo boqolaal km ah ayay ugu guuraan, xilliga jiilaalka ee ceelasha biyaha leh daaqsinta xooluhu ka fogaato ayaa la dhaansadaa, marka magaalooyinka raashin looga baahdo ayaa lagu safraa oo raashinka lagu soo rartaa. Laakiinse waxa la rarto waa ratiga ee hasha ma aha. Waxtarkaasi faraha badan ee nolosha muhiimka u ah ka sokow, geelu sidiisaba guud ahaan xoolaha Somalidu dhaqato ayuu ugu ad-adag yahay, xilliga jiilaalka iyo xilliga abaarahaba geelu xoolaha kale waa ka adkaysi badan yahay.

Haddaba taas dhiggeeda ku lammaan, in dhaqashada geela ay ka dhalan jirtay colaado iyo dagaalo lagu hoobto oo dabo dheerada, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawacna keeni jiray. Mararka waxa uu sabab u noqon jiray fasaahaadka diinta iyo dhaawaca caqiidada Islaamka, jeeroo ay jiraan dad la odhan karo waa ay ku dhawaadeen in ay caabudaan lexe jeclo ay u qabaan dartiis. Malaha waxaabad is odhanaysaa dadkii hore waxa ugu badan ee ay naar ku mutaysan karaanba waxa ay ahayd dhaqashada geela iyo dhibaatadii ka dhalan jirtay dhaqashadiisa, Alle ayaa og se arrintaas. Ta labaad ee dhibta ahi iyana waxa ay tahay waayihii hore iyo wakhtigan danbe ee xaadirka ahba waa ay yar tahay cid sako ka bixisa geela taasina waa lexe-jeclada loo hayee garo. Bal haye.

Haddaba ammaanta geelu waa ay madax martay somalida, xittaa heer ay ku dhawaadaan in ammaantiisu ay kala baxdo xadka oo ay ragga qaar kuba danbaabaan. Sidoo kale waxa iyana taas ku sidkaana aragtida ah in aan geela la kala lahayd, xoog iyo xalaalna ta uu kugu soo galaaba ay caadi tahay. Ninbaa waxa uu ku heesayay:-
-Xalaal iyo xoog
-Haduu xero galo
-Midna kuma xuma!!

Waa cajaa’iibka geela u gaaree mid kalena waa kii lahaa:-
* Adhi iyo lo’daa lagu baaxshaa aano kuu timiye
* Arlaagana geelana nafraa lagu ilaashaaye
* Kol uu aabahaa yahay nin kale loo aamino!
Tolow haddiiba uu geelu xitaa aabihii ka qiimo batay qiimihiisuna uu gaadho heer uu la isku aamini waayo mala odhan karaa waa xoolo baas?

Taasna ha joogtee bal ma is waydiinnaa su’aasha kale ee ah; dhaca iyo boobka geelu ma xaraanbaa mise waa xalaal? Dabcan dad badan ayaa ku doodaya in uu yahay xalaal, waase aragti gaaban. Tusaalahan bal indhaha ku biniini. Muxuu odhanayaa talow?

Faarax Laanjeer oo ahaa nin geel-qaadnimada ku caan baxay, ayaa nin ay ilmadeer yihiinbaa u tirshey gabay ay ka mid ahayd:
“- Ka fadhiiso tuugada Ilaah ferejki baa dhoow’e…..”
Faarax ayaa waxa uy kaga jawaab celiyay tixdan caanka noqotay ee suugaanta geela kaalinta hore ka gashay. Taas oo uu ku doodayo in aanay dhicista geelu marnaba aanay ahayn wax xaaraan ah, waxaana ka mid ahaa gabaygaas:

-. Xoolaha xadiidka ah naftaa Xiireyoow jecele
-. Xasan iyo xuseen baa ogaa xeer u leeyahaye
-. Seyidkii Xadeed iyo ku furay Xalun daraawiishta
-. Ee Xodayo geeyn jirey intuu xamar u heenseeyo
-. Xaafidal Quraanbuu ahaa soo xajiyey dhawre
-. Isagaba Xaq iyo Baadil waw kala xarriiqnaaye
-. Xaaraan hadduu yahay sengaha kuma xarraansheene. Taasi waa taas

Cabdi Gahayr oo isna lagu tilmaamo ragga geela aad ka u jecel una qiimayn jiray dhaqashadiisa, ayaa geel laga dhacay bari ka mid ah baryaha ayaa la yidhi. Reer tolkii waxa ay kula taliyeen in uu Shaydaanka isna naaro lana arinsado illaa inta xal looga helayo geeliisa. Illeyn waa nin ay ka caddahee waxa uu tiriyay gabay uu ku tilmaamayo qiimaha geelu uu ku leeyahay agtiisa, isagoona yidhi ” aduunka iska daayoo xitaa aakhiro waxba kama aha ninka aan geel lahayni”. Bal adba. Waxa ka mid ahaa gabayga:

-. Idinbacasay kuma soo dagteen Aayadaha qaare
-. Ina ibiri awrkay dhashiyo aarankii dhididshay
-. Asxaabihii horeba waa ku intifaaceene
-. Aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayne
-. Maxaan idinla awlasadaa Awr ma dhaansada’e.

Haddaba maadaama uu geelu qiimaha intaas le’eg uu ku lahaa bulshada agteeda, waxa ay ku ammaani jireen, luuqadii wakhtigaas ugu qaalisanayd oo ahayd suugaanta. Suugaanta u badan oo wakhtigaasina, waxa ay ka hadli jirtay, geel lasoo dhacay, mid la dhacayo, iyo geel la soo dhici doono. Sida oo kale waxa suugaanta dhexdeeda aad loogaga hadlay geela qiimihiisa waxtar ee cudud, cad iyo caanaba ah, iyo sidoo kale adeegsashadiisa anfac ee uu xoolaha kale dheer yahay.

Cumar Usteeriya oo la sheego in uu ahaa ragga aad ka u ammaanay geela ayaa gabaygiisii caanka ahaa ee “dhaqasho waa geel” waxaa uu si mug leh uu u sharraxay caanaha geela, waxaana ka mid ahaa gabaygaas :-
-Dhibaatiyo adoo gaaja qaba dhaxanta jiilaalka
-Dhoor caana laga soo lisoo yara dhanaanaaday
-Nin dhedhemiyey wuu garanayaa dhulay qaboojaane
-Dhallaannimo qodxihii kugu mudaa kaaga soo dhaco e
-Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhidid ku qooyaaye
– Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele.

Waxtarka caanaha geela runtii in badan ayay abwaanada Soomaaaliyeed ka hadleen kuna sifeyeen eraygooda suugaaneed. Bal aan mid kanna aynu eegno:-
– Caanaha Qiyaas laga lisiyo Qoran karuurkeeda
– Ayuun baa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye
– Qashin weeye soortii kalaad quud ka dhigataaye
– Qandho iyo kuleyl laguma oga qabata meel baase.

Waxaan ku soo gaba gebaynaayaa Alle ha inaga dhigo kuwii sifada wanaagsan u adeegsada dhaqashada geel, waayo dhib iyo dheefba waa laga dhaxlay dhabar adaygiisa.

Sayid Mohamed Omar

Leave a comment