Noloshu Maxay I Bartay?

Published by

on

1. Noloshu waxay i bartay, in aanu mid walba oo qalin qabsadaa qoraa ahayn, mid walba oo murti jeceli abwaan ahayn, mid walba oo wax cabbiraa caalim ahayn, mid walba oo wax hoggaamiyaa siyaasi ahayn, mid walba oo faras koraana fardo fuul ahayn, mid walba oo shaarubaha xiiraana caruur ahayn, mid walba oo cimaamad sitaa sheekh ahayn.

2. Noloshu waxay i bartay, in daqiiqadda xanuunka ahi ay tahay saacad, saacadda farxadda ahina ay ka tahay daqiiqad.

3. Noloshu waxay i bartay, in hadalka wacani yahay baasaaboorka ugu mudan ee lagu dhex maro qalbiyada bani aadamka.

4. Noloshu waxay i bartay, in shabeel dad cun ahi in uu kaa hor yimaada ay ka wacan tahay, in uu eey khaayin ahi xagga danbe kaaga yimaado.

5. Noloshu waxay i bartay, in aan daqiiqad walba aan moodo tii iigu danbeysay adduunka, kuna noolaado Iimaan.

6. Noloshu waxay i bartay, in maalin walba cadceedda soo baxdaa ay dadka la hadasho iyadoo leh ” Maalin cusub ayaan ahay dibna u soo noqon maayo ilaa maalinta Qiyaame ee iga faa’iideysta hooy”

7. Noloshu waxay i bartay, in aanan guuldarada ka murugoonin balse himiladaydu ahaataa iftiin aan kaga gudbi karo guuldarada.

8. Noloshu waxay i bartay, in uu Alle mararka qaar dadka albaab ka xidho si uu ugu furo mid ka khayr badan, laakiin dadka badankoodu waxa ay sii eegaan albaabkii xidhmay iyagoo mooggan ka furmay ee khayrka u leh.

9. Noloshu waxay i bartay, in aan dhagaysto oo aan ixtiraamo ra’yi kasta oo la isoo bandhigo balse khasab aanay ahayn in aan qaataa.

10. Noloshu waxay i bartay, in inta aan ku fikiri lahaa inay dadku weerar igu yihiin in aan ku fikiro in ay difaac ii yihiin.

11. Noloshu waxay i bartay, in mararka qaarkood ay aamusnaanru tahay hubabka lagu dagaal galo kuwooda ugu riddada dheer ee la adeegsado.

12. Noloshu waxay i bartay, in marka aad meel sare gaadhid ay saaxiibadaa baran doonaan cidda aad tahay, hadaad se aad soo hoos u soo dhacdo adigaa baran doona saaxiibadaa cidda ay yihiin.

13. Noloshu waxa i bartay, in dhoola-cadeyntu ay tahay hadal wacan bal se aan xuruufo lahayn.

14. Nolosha waxa ay i bartay, in adduunka yahay dugsi, dugsigaas maamulihiisu waa wakhtiga, macalinkiisu waa qaddarka, ardaydiisuna waa basharka, muhiimaduna waa in imtixaanka lagu guuleysto.

15. Noloshu waxay i bartay, in qofka aan qorsha lahayni uu guulaysan karo laakiin se dhibaatada iyo caqabadaha ka hor imanaya ayaa ka badan kuwa ka hor imanaya qofka qorshaha leh.

16. Noloshu waxay i bartay, in aanu carrabku layn lafo laakiin se uu lafaha jabin karo.

17. Noloshu waxay i bartay, in qofka dhaawaca ku dheeldheelaa uu yahay qof aan waxba ka aqoon dareenka xanuunka.

18. Noloshu waxay i bartay, in meel la maro ay ugu wacan tahay halkuu nabi Maxamed (scw) maray.

19. Noloshu waxay i bartay, in aanu jirin qof liibaanay hadduu jire se waxa uu ahaa mid u sama fali jiray waalidkii.

18. Noloshu waxay i bartay umuuro kala duwan oo aanan soo koobi karayn. Iska noolow ma aha ee waa macno ku nooloow, iska dhimo ma aha ee waa macne ku dhimo.

 

W/T; Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

Guji halkan qoraaga Facebook-giisa

Leave a comment