SOCDAALKII BALLI GUBADLE IYO HARGEYSA

Published by

on

Waxay ahayd bishii 2aad sanadkii 2010kii Waxaanu Ka ambabaxnay magaalada oodweyne Abaaro 3:30 duhurnimo Waxaanu ahayn dhaliin yaro sports ah.
Waxaanu Qaabilaad ka helnay xulka Gobolk a hawd ee magaalada Baligubadle .
Waxaanu sii marnay deegaamada Kala ah Xaaxi , Mureec iyo Cabdi dheere oo Banka Tuunyo ku yaala .
Halkaas markaanu marayno ayaanu u raacnay wadada dhanka koonfur galbeed waxaanu dhinac ka marnay magaaladda Qotan-dabo halkaas markaanu marayno waxaanu Galnay Magaalooyin Nagu Cusub Arag ahaan Waxaana ma mid ahaa Cali aadan , Bali-Golis iyo Balli-mataan .
Waxaanu Fiidkii ka Shaaheynay Magaaladda LA yidhaa Ina Iigare , Waxaanu Sii marbay Labada Magaalo ee laanqayraha Iyo Ina Guuxaa , Waxaa Xusid Mudan Waxaa nala Socday nin Wadaad Suufi ah oo khadar la Odhan jiray oo Nagu Wahelinayay Safatkan , Isagoo noo ahaa Wada mariye dhulka kala Garanayay.

Waxaanu Ugu danbeyn Sideedii fiidnimo aanu Gaadhnay Magaalada Kaabada La yidhaa ee magaalo ahaan ugu xigta magaaladda Baligubadle.
Abaaro 8:44 fiidnimo ayaanu Galnay magaalada Baligubadle Waxaa naloo soo dhaweeyay si heersare Waxaa nala geyay Hutel aanu ku lahayn cashadda markii danbana Waxaanu tagnay Goobtii Aanu hurdada ku lahayn.
Runtii waxaanaloo Qaabilay Si heersare waxaana Si fiican noo Sooray Jamaal Hure oo ahaa Baadhisaabkii Hore ee gobolka daadmadheedh markaasna ahaa Mayarkii degmadda Ballli gubadle.
Subaxii hore Waxaan Soo indha indheeyay Magaalada waxaan tagay Dhanka Itoobiya oo aan wax dhisme ah oo cusub aan lahayn Waxaa ku yaalay Guryo Kharaab ah , Waxaa magaaladda Gudaheeda Ku Badan Geedka la Yidhaahdo Mirinmiri Galbeed Oo ah Geed Aad u qurxux badan , Waxa kale Oo Balli Gubadle ay Guryaheedu u dhisan yihiin Si teelteel ah Waxaana ku Badan laydka Security-ga ah

Waxba yaanan hadal idinku daaline Waxaanu Maalintii U ciyaar tagnay Garoonka Stadiumka ahaa oo dhagax ahaa waxaa iga yaabiyay sida Garoonkan luugu ciyaari jiray maadama uu Jay ahaa.

Xalaa kuluxaal Ciyaartii waxay ku dhamaatay 5 iyo eber ay guushu ku raacday Gobolka daadmadheedh.
Si wacan ayay reer hawdna way noo haniyeeyeen guushii, Waxaanu habeenkii ku seexanay Guul iyo Gobonimo .

Subixii ayaanu maca salaamaynay reer baligubadleh Waxaana Lana soo hadlay Wasiirkii Hawlha guud Siciid Sulub Waxaanu yidhi hargeysa igu kaalaya.
Sidaa daraadeed Waxaanu u anbabaxnay dhanka Hargeysa, Waxa ay Isku jiraan Hargeysa Iyo balli Gubadleh wax ka yar 60 km laakin wakhtigaa waxay ahayd bilaa wado waxaanu sii marnay magaalooyin dhawr ah oo Aan ka Xasuusto ” Magaalo xaali iyo Habaas wayn”.
Waxaanu Hargeysa ka soo Galnay Dhanka garoonka dayuuradaha ee Egal Airport.
Waxaanu ku nasanay Maqaaxidda “Sabaxareed” oo markaan maxamuud axmed Cali Dhigan jiray aan ka Shaahayn jiray.

Halkaas waxaa noogu yimi maayarkii hore er degmadda oodweyne “Gurmo” waxaanu noo soo galbiyay dhankaa iyo hotelka City-center ee badhtama Suuqa hargeysa, halkaas oo ay noogu yimaadeen qaar ka mid ah xubno ka tirsan xisbiga Udub.

Qadadii ka dib waxaanu ka Anbaxbaxnay magaaladda Hargeysa Anoo ku sii Nasanay Macdaarka Cigaal motors Oo Aanu Casarkii toos aanu uga ambabaxnay.
Ku darsoo laba Cigaal ayaa meesha Maraya garoonka Cigaal oo aanu ka soo galnay iyo macdaarka cigaal oo aanu ka ambabaxnay.
Waxaanu laamida kaga leexanay magaalada dhubato waxaana, aanu qaadnay wadada rafka ah halkaas oo aanu fiidkii gaadhnay Magaalda Gadhka warsame xaad halkaas oo nalagu Xidhi gaadhay ka dibna nala sii daayay .
Waanu ka soconay ka dibna waxaanu galnay dhul rooban oo biyuhu qulqulayaan Halkaas oo aan is idhi hees ka aluf laakiin wakhtiga oo habeen ahaa iyo safar oo aan ku jirnay way ii suuroobi wayday .

Gaadhigii ayaa meel biyo fadhiyaan naga galay lkn maadama aanu ahayn dhaliinyaro xoog ah waanu ka saarnay markiiba , waxaanu nimi magaalada Ina Cadami waxaanay noo sheegeen in aan wadadan la mari karin oo ay roobantahay waxayna nagula taliyeen in aanu dib u noqono oo aanu ka wareegno wadada LA yidhaahdo weeraarta .

Wadadii waanu marnay lkn waanu anbanay waxaanu u dhawaanay buurta jarrato layidhaa hadana waxaanu afka saarnay berbera 10-kii Habeenimo ayaanu kusoo baxnay nin wadaad ah oo buur cidlo ah degan waxaanu noo tilmaamay jid dheer oo nagayn kara deegaanka oodweyne.

Waxaanu raacnay jidkii hadana gaadhi kale ayaanu helnay , gaadhigiina wuu na tilmaamay , eedankii hore ayaanu soo galnay tuulada god-Waraabe ka dib hadana dooxa ” daldawan” ayuu gaadhigii naga galay. Bal adba.

Waxaanu dooxii ka baxnay 7:30-dii subaxnimo Sideediina waxaanu Galnay magaalada Oodweyne . Waxaana nalagu soo dhaweeyay Caleemo qoyan.
Ragii Aanu Wada soconay wakhtigaa Waxaan ka Xasuustaa:

Faysal Muxumed
Abdirizaq Mohamed Doob
Dugsiiye Son
Khadar Ahmed Ciise
Axmed Cali Arsenal
Ismail Guhaad
Diini Fartaag
Mukhtaar Rashiid Darajo
raaqib Aaadan
Waxba sii wad wadimayee iyo qaar kaloo badan

Eeshcalaa Safarbuu ahaa taariikhda Ku Xusan xiiso gaar ah leh……………………………………..

W/Q : Zayed Mohamed Cumar Darwiishka 31/08/2015A

Leave a comment