Bahdilaadda Abwaanka iyo Budheynta Cabdi Goodka

Published by

on

 

Sida ay La socdaan bulshadda xiisaysa fanka iyo sugaanta ee ku kala Nool Gayiga ay soomaalidu dagto , Baryahan Danbe waxa ay badankoodu ka sheekeeyaan Heesaha Danbe ee Soo baxay iyo Barnaamij uu Soo Saaro Cabdi good Abees oo Sanadadan Danbe Caan ka dhex Noqday Bulshadda afka Somaliga ku hadasha, iyada oo ay aad u xiiseeyaan Siiba dhaliinyarada haatan joogta.

Hadaba  Cabdi Good Barnaamijkan uu daadihiyo ee la yidhaahdo ” Isir raaca Afsoomaaliga “
Waxa uu kusoo qaataa Heesaha danbe Waxa uuna kagana hadlaa  habka ay u sameysan yihiin, Dareenka Guud ee Abwaanku Ku cabiray heesta , Iyo waliba Ereyada uu adeegsado Abwaanku.
Sida oo kale Waxaa uu marmar Soo qaadaa Anshaxa iyo qaabka loo jilayo heesta.

Horta Dadku way ku taageersan yihiin Inuu Wixii Anshax Xumo ah uu ka qabto Dhaliinyarada Waana Waajib in lagu taageeraa madaama aynaan dhaqan xumadu  dad ahaan, dal ahaan iyo diin ahaanba Aanay dhaqan inoo ahayn in Hablaha Sharaftooda Meel lagaga dhaco, waana mid loo baahan yahay inuu mujtamaceenu uu Ahaado Mid xumaanta iska qabta Dhanna uga Soo wada jeeda.

Hadabba Wakhti Waliba Waxa uu leeyahay Shucuur iyo Sheeko u gaar ah Taas oo dhaliinyadda wakhtigaa Nool  u ah tusaale ay ka dheehan karaan  Dareenka Ku Xeeran Deegaanka ay ku nool yihiin Iyo Mawjadaha lagu jiro xiligaa.
Hadaba Abwaanku Waxa uu Gabay, Maanso Iyo Riwaayadba ka Aluufaa Marxaladda Wakhtigaa lagu jiro.
Bulshada Wakhtigaa joogta iyo Odhaahdooda ayaa Uu Abwaank Wax ugu soo gudbiyaa  Wuxuuna Wax ugu sheegaa luuqadd ay fahmi karaan kana turjumaysa Dareenkooda.
Tusaale ahaan Abwaanadii hore Waxa uu heesta ka alufi jiray Humaag ah  Meel Barwaaqo ah oo kaymo doog le ah oo Geeluna Uu  ku dhalay.
Sidoo kalena Marka ay  Ammaanayaan Gabadh Waxa ay ku tilmaami jireen Durdur, xareed, Geed qurux badan iyo ayro Geel waayo wakhtigaa ay joogeen ayay intan aan sheegay ugu wacnaayee.uguna Bilic sanaayeen.

Hadaba Hadii Abwaanadaasi ay maanta joogi lahayeen Oo dhaliinyaro ahaan lahaayeen waxa ay tilmaan Buuxda u soo qaadan lahaayeen Wakhtigaan Imika la joogo,
( Tusaale ahaan Halka ay Taarka uga dirijireen qof ka Maqan Ama ay Hud-hudka Waraaqda uga Dhiibi jireen, Imika Waxay isticmaali lahaayeen Alaadaha Imika lagu Wada hadlo Ama waraaqaha laysku qoro Halkii ay Kalmadda TAAR ka Adeegsan jireen waxa lagu Badalayaa TELEFON xagga HUD-HUD Kana lagaga badalayo Aaladaha Fariiha Gudbiyo Sida Ereyada FACEBOOK WHATSAPP IYO IYO WIXII LA MID AH)

Sidaa Daraadeed Adeegsiga Ereyada Suugaanta Hal-abuurnimo ee  Abwaanka Waxa xukumaa Waa wakhtiga iyo Wacyiga lagu jiro.
Cabdi Good Waa nin da’ ahaan Wayn Waxaanu soo Qaataa oo qudha  amaanta Heesaha hore ee Uu la jiilka yahay isaga Ammaan guudka ka Saara, Sidoo kalena Heesaha iyo Abwaanada Danbe dhulka jiida kuna tilmaama Wax an jirin.

Waayahay Heesaha Danbe marka laga yimaado Waa In uu iyana Sheegaa Dhaliisha heesahii hore ay lahayeen, 
Waayo Waxa jira Qaar iyaba Danbi ah oo xitaa  Qaarkood Diintaba lagaga baxayo , Qaarna Been ka sheegaya Quraanka Iyo Qaarna Anbiyadda Ilaahay Lagaga Been Abuuranayo.

Tusaale Ahaan:

Ceeb ma laha yartaniyoo
Quraankaa Cadeeyoo
La Cadaabi Maayee

Bal xilimuu Quraabku Sheegay Inantan uu Heesta u Sameeyay Abwaanku. bal adba !

Hadaan lay cadaabayn
Rabbi Ii Cadhoonayn
dadku inuu ku caabudo
Cadaaniyo Madawgaba
Sow kumaan Canaanteen

Bal Maxaa keenay “Hadaan la cadaabeyn” ? Sow Alle oo kaliya lama Oga in la Caabudo Cid Makhluuqana  aan la Barbar dhigi karin.

Bal kuwanna Eega iyana..Cajiib !!!!!!!

*Xuuro cayntii Dunidee
Daashada u timiyeey

* Inantii Suleekhee
Nabi yuusuf dhalayeey

*Sabadii yaraydee
waxa saaka joogiyo
waa soo Socdee Maqan
kala socotay Guudkee
sii Wad…
Sawjadii Rasuulkana
Saxiib la Noqotaay

kuwaas iyo qaar kaloo badan ayaa ka buuxa heesihii hore laakiin dadku waxay u yaqaanan In hadaladii Abwaanadii Hore ay ahaayeen Sida Quraanka  oo kale oo Erey ka qaldani aanu jirin.

Ujeedadatdu Ma aha in Aan dhaliilo Abwaanadeenii hore Waayo Mar Walba waxay inaga Mudanyihiin Sharaf iyo Xaq dhawr Waana Dad maanta inooga tagay dhaxal Mug iyo Miisaanba leh, Laakiin Waa bina aadam wayna khaldami karaan Wayna il-duufi karaan, Waayo hore Ayaa loo yidhi “Nin habari dhashay Hal ma seegi waayo”

Hadaba Cabdi Good Yayna kaga dhagin Abwaanadan danbe ee Garaadkooda ku cabiraya Casrigan, ee kuwa horena Ha sheego Wixii ka Qaldamay…
Cabdi Good Isir raaca Afsomaliga Waxa uu ka yaqaan afar kalmadood  kuna Soo celceliyaa ” Kaabe, Naaxiye, Cudeeye iyo Humaag.

Fiiro gaar ah:

Hadii  la leehay Afsomaliga Micno Iyo miisaan haloo Sameeyo Waa In laga Soo bilaabaa Cabdi good Abees,  Waayo ereyada uu Adeegsadaa Waa kuwo Aan wax macna ah ku
  Fadhiyin oo layska yidhi Bal Ila Eega  waa kuwane Maxay Macna Sameynayaan ?
   (Daahir yaa shamis,  Hoo Baaruud,  Waa Waali Cas, Waa loo soo Cumaamaday)
  Hadaba Cabdi Waxaan Odhan lahaa Inta Afsoomaliga Saxda ah la Barayo loona dhigayo Adigaa ka Kow ah Ee Buug iyo Qalin Soo Diyaarso..
 

W/Q:  Sayid Maxamed Darwiishka
Tell: 0634381712

Leave a comment