Qiimaha Hooyada

Published by

on

Wiil yar ayay hooyadii dhimatay.  Dabadeed wiilkii yaraa aabbihii gabadh kale ayuu guursaday. Aabbaha waxa caado uu ahayd in uu mar walba wiilka waydiiyo sida ay ula dhaqanto xaaskiisu.  Maalin maalmaha ka mid ah ayuu odaygii waydiiyay wiilkii “waa maxay farqiga u dhaxeeya hooyadaadii dhabta ahayd iyo xaaskaygan cusubi?”

Dabadeed wiilkii waxa uu ku jawaabay “hooyadey waa ay been badnayd,’balse xaaskaagu  mar walba hadalkeedu waa run!” Odaygii oo la yaabban waxa uu maqlay ayaa waydiiyay wiilkii “sidee ay ku dhacdayna?”

Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay “hooyaday waxa ay ku dhaaran jirtay haddaan guriga soo gali waayo oo aan ciyaarta joojin waayo, in aanay cunto i siin doonin. Kolka aan maqli waayana cuntada ii ma ay diidin jirin ee way i siin jirtay. Xaaskaagan miyaa? Haddaan hadalkeeda maqli waayo waxa ay iigu hanjabtaa in aanay cunto i siin doonin hadalkeedana waa ay ka run sheegtaa oo labo cishaba afka cunto ima ay saarin!”

Ma jirto cid adduunka joogta oo kuu buuxin karta booska ay hooyadu kuugu jirto. Allow dhawr dhammaan hooyooyinkoo idil.

image

  • Wiil yar ayay hooyadii dhimatay. Dabadeed wiilkii yaraa aabbihii gabadh kale ayuu guursaday. Aabbaha waxa caado uu ahayd in uu mar walba wiilka waydiiyo sida ay ula dhaqanto xaaskiisu. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu odaygii waydiiyay wiilkii “waa maxay farqiga u dhaxeeya hooyadaadii dhabta ahayd iyo xaaskaygan cusubi?”
  • Dabadeed wiilkii waxa uu ku jawaabay “hooyadey waa ay been badnayd,’balse xaaskaagu mar walba hadalkeedu waa run!” Odaygii oo la yaabban waxa uu maqlay ayaa waydiiyay wiilkii “sidee ay ku dhacdayna?”
  • Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay “hooyaday waxa ay ku dhaaran jirtay haddaan guriga soo gali waayo oo aan ciyaarta joojin waayo, in aanay cunto i siin doonin. Kolka aan maqli waayana cuntada ii ma ay diidin jirin ee way i siin jirtay. Xaaskaagan miyaa? Haddaan hadalkeeda maqli waayo waxa ay iigu hanjabtaa in aanay cunto i siin doonin hadalkeedana waa ay ka run sheegtaa oo labo cishaba afka cunto ima ay saarin!”
  • Ma jirto cid adduunka joogta oo kuu buuxin karta booska ay hooyadu kuugu jirto. Allow dhawr dhammaan hooyooyinkoo idil.

Leave a comment