Isticmaalka Internetka Maxaad ka Ogtahay?

Published by

on

02

 

1984 kii markii  Internetka adduunka laga shaaciyay waxa laga isticmaali  jiray 1000 host oo qudhaata, kuwaas oo ahaa jaamacadaha iyo shirkahadaha dhawr waddan oo kaliya. 1998kii oo ahayd shan iyo toban sanno ka dib waxa isticmaali 50 milyan oo users ah. 11 sanno ka dib ka dib oo noqonaysa 2009 kii 1Bilyan oo  qof ayaa isticmaali jiray. Saddex sanno ka dib oo ku beegan 2012 kii dadkii waa uu sii labanlaabmay oo waxa uu noqday 2.1 bilyan oo ruux. 2013 kii  waxa tirada dadka adduunka ku nool isticmaali jiray  39% , taas macnaheedu waxa weeye 3.7 bilyan dad ah ayaa internet-ka isticmaali jiray sannadkii 2013-kii.
Haddaba bal aan idin soo gubdiyo warbixinihii la yaabka badnaa ee laga qoray isticmaalka internet-ka:

1. Daqiiqad walba dad ka mid ah dadka isticmaala mareegta Facebook-ga ayaa waxa ay wax soo galiyaan 2.5 milyan jeer.

2. Daqiiq walba dadka Twiterka isticmaala iyana waxa ay soo  gaashaan 300,000 oo shay.

3. Daqiiqadka kasta  Instagramka waxa la soo gashaa 220,000 oo shay oo waliba cusub.

4. Daqiiqad walba Youtube-ka waxa la soo gashaa muuqaalo isugeyntoodu ay  noqonayso 72 saacadood (hadda waa 60-dii ilbidhiqsi ee kasta)!

5. Waxa daqiiqaddiiba  Apple Store-ka laga  soo rogtaa (download) 50,000 oo Application.

6. Waxa daqiiqaddiiba Email-lo laga diraa 2 milyan iyo 2 boqol oo farriimood.

7.Daqiiqaddiiba waxa Amazon  hab online ah wax lagaga iibsadaa lacag gaadhaysa $80,000 oo dollar!

8. Halkii daqiiqo ee yimaadaba waxa mishiinka Google laga badhaa 4 milyan shay, (waxa laga baadhana waxa ugu badani waa waxyaabo aan faa’iido lahayn)!

8. Waxa sanadkii 2012-kii WordPress laga sameystay 72 milyan oo website, xagga bishii january ee 2014-kii oo kaliya laga sameystay 86 milyan oo website!

Waa cajaaibka dunida, hadda warbixintuu waa 2014 kii ee bal ka waran haddii 2016-kana aynu baadhi lahayn? Allaahay waa Alle!

 

Leave a comment