Dumarka Saddexbaa Lala Guursadaa!

Published by

on

download

 

 

Gabadh waliba way jeceshahay in aan ninkeeda lala wadaagin, laakiin sabab ayaa ku dhalisa ninka in uu la guursado marwadiisa. Haddaba sababtu maxay tahay? Se waa kuwee dumarka had iyo jeer lala guursadaa? Guud ahaan dumarka lala guursadaa waxay u badan yihiin waa saddexdan nooc ee kala ah: aan kaa guursado, aan kula guursado iyo aan kuu guursado! Haddaba haddii aan kala qaado saddexdan qodob ee keena in lala guursado haweenka waxa ay kala yihiin:-

1. Aan kaa guursado:
Waa gabadh aan u fiicnayn nafteeda una roonayn ninkeeda iyo caruurteeda, sida oo kalena shaqada guriga ka gaabisa, waana gabadhada loo yaqaan basariga, ee aan nadaafadda badnayn,
xitaa nafteeda aan ku dadaalin inay qurxiso, sidoo kalena aan ninkeeda isku qurxin.
Taas waa laga guursadaa oo guri gaari ayaa laga raadsadaa si aad uga baxdo baylahdan qoysnimo iyo qof ahaanba idin saameysay!

2. Aan kula guursado:
Waa gabadha sida kale u wacan laakiin se qaylada, dhuranka iyo tororogta badan ee ninkeeda had iyo jeer maskaxda faraha u galisa , ee aan niyada u dajin ee buuq iyo qaylo joogto ah ku haysa goor walba , ee shakiga iyo sharkaba badan ee daba-gal joogta ah ninkeeda mar walba ku haysa, ee haddii ay in yar waydo oodhanaysa “xagaad ku maqnayd? Naag kale ayaad la joogtay sow maaha? Aniga ima rabtid sow maaha? Xaggee ayaa aad ku soo daahday iyo yaa xalay kula soo hadlayay?” Gabadhaas iyana inta aanay kaa waalan kuna waalin waa lala guursadaa oo riyada beenta ah ee ay ku riyoonayso ayaa run looga dhigaa. Iyadaa iska dagi doonta isna odhan doonta ninkaaga soo jiido oo xabiibada badi , si uu tan kale u furo, qalbigiisana aad u dagto kaligaa, markaas ka diba qaylo iyo buuqa waa ay kaa ilaalin doontaada wixii danbe!

3. Aa n kuu guursado:
Gabadha loo guursadaa waa gabadha gaarida ah ee wacan laakiin se ninkeeda xagga gogosha kaga cararta ee aan oggolaan in ay gogosha la wadaagto, mar walba oo uu u yeedho ama u baahdana inta ay surwaal xidhato la dagaalanta ee aan u muujin marnaba marwanimadeeda. Taas iyana ninku waxa uu kala kulmayaa kadeed, hungow iyo haraad badan dabadeed iyana waa loo guursadaa miskiintu waa ay dhibban tahaye!

Hddaba saddexdan nooc haddii aadan gabadh yahay midna ku sifoobin waligaa lagaa ag tagimaayo , adigaana laguu indho xidhnaanayaa abidkaa. Haddii kale miyaa, waa in aad immika sii diyaarsataa ood sii eegataa gabadhii lagula guursan lahaa!
Allaa mahad leh

W/Q: Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)

Leave a comment