Farriintii Qabriga! Ku Socota Hooyaday

Published by

on

Farriintii Qabriga! Ku Socota Hooyaday

Sayid Maxamed Cumar Sayid-darwiishka

Hooyo waxa aan salaan kaaga soo dirayaa daartii dunida ee aad 3 sanno horteed maanta oo kale (02/03/2019) aad ka socdaashay  safar aan sabootin iyo soo noqod lahayn, safarkaas oo aad ku aadday Eebbihii ku uumay ee ku jeclaa, kuuna naxariista badnaa, kaas oo aan kaaga tuugayo in uu kugu casuumo naxariistiisa ballaadhan iyo raxmaddiisa gaarka ah. Waxaa aanan rajeynayaa in ay ku soo gaadhi doonto salaantayda,  ducadayda, iyo dhambaalkaygani, taas oo kuugu iman doonta xawaare boqollaal kun oo jeer  ka xawli badan midka ileyska..  Nabadgelyo iyo naxariista Alle guudkaaga ha ahaato maamo.

Hooyo qaali, geeridaadii kadib waxa aan garowsaday in aan ahay ummi. Waxa aan garwaaqsaday in aan ahay  ruux caammo ah,  Waxa aan xaqiiqsaday in aan ahay addoon aqoongaab ah. Waxa ii caddaatay in aan ahay wax ma qore iyo wax ma akhriye aan weligii alif baran, sababta oo ah, Hooyo macaan, jeerkii aan damcay in aan qiimahaaga wax ka qoro khadkii qalinkaygu wuu angagay, waraaqihii buugtaydu way qallafeen, xarriiqihii balllaashoodu way baaba’een, xawaarigii farhayguna way xargageen. Hooyo qaali i saamax, sababta oo ah, qalinkaygu waxa uu waayay awood uu hal erey uu wax kaaga dhaho, afkaygii hadalka badnaa waxa uu kari waayay hal  weedh oo uu kugu cabbiro, maskaxdaydii shaqada iyo suuraynta badnayd  waxa ay tahli kari wayday tamar ay hal  sawir kaga bixiso   milgahaaga iyo mudnaantaada. 

Hooyo lama-huraan, sababtu ma aha in  gacanta, afka, iyo maankaygu  aanay adiga kuu danaynayn. Xaasha! Ma aha xaalku sidaas. Waxa se hubaal ah  xubin walba oo jidhkayga ah in ay ku janteen  kuna  jeelan yihiin, sababta se ay xubnahaygu ay shaqadii la gudboonayd u gabeen waa adiga oo ah wax aan tiro iyo tilmaam lagu koobi karahayn. Maxaa yeelay, wixii tirsan ayaa qalinku  tiro-koobi karaa afkuna ereyo  ku tilmaami karaa, isla jeerkaasna maankuna uu sawir ka bixin karaa. Waa sidaas sababta ay gacantayda, afkayga, iyo maankayguba ay juuqda u gabeen. 

Hooyo qaali, haddii aan is yidhaahdo hooyadaa tilmaami ka bixi, waan qajilaa, sababta oo ah waxa aan waayaa awood aan kaaga baxsho tilmaamo. Bal sidee ayaan u tilmaami karaa dareenkaaga? Maxaa aan yidhaahdaa? Maxaa aan qoraa? Dhibkii iyo xanuunkii aad ila soo martay miyaan cabbiri karaa ama se aan ogaanba karaa? Sagaalkii bilood ee aan sida gafanaha   calooshaada ku dhex noolaa ma dareemi karaa? Miyaan dareemi karaa culeyska iyo cadaadiska aan kugu hayay? Miyaan suureysan karaa sida aniga oo ah maydhax ama suuf ah aad iigu beddeshay laf iyo dhagax aan aan la loodin kareyn? Ninkaygan haatan lafaha waaweyn dhibkii aad korintayda u soo martay miyaan tilmaam cad ka bixin karaa? Xannaanadii iyo xurmadii aad i siisay miyaan xaashi ku xariiqi karaa? Jaceylkii aad i siisay miyuu dareenkaygu uu dareemi karaa soona gudbin karaa? Dadaalkaagii, daryeelkaagii iyo daadahayntaadii miyaan sadarro suugaan ah ku soo koobi karaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa se aan hubaa in ereyga  ugu sahlan ee aadamigu carrabkiisu ugu hor kari og yahay in uu yahay ereyga  “maamo”, sidaas si ka duwan se waxa ugu adag ee qofku tilmaam ka bixiyo waa isla ereyga maamo. Alla dadka u fududaa dhawaaqa ereyga hooyo, isla markaasna adagaa erey-bixintiisu. Waa yaab!

Hooyo, geeridaadii ka dib, waxa aan dareemay dareen aad u daran, waxa aan dareemay dareen wehel la’aan, dareen naxariis la’aaneed, dareen tababantaabo la’aaneed. Dhab ahaantii hooyo hadda un baan dareemay in canaantaadu wehel i ahayd, hadda un baan dareemay in uu hadalkaagu awood ii ahaa, hadda un baan dareemay taladaadu tilmaam ii ahayd. Hooyo waayiddaadu waa ii wehel la’aan. In badan waxa aan arkay ama maqlay qof u waashay amase dadkii uga  go’ay oo dugaagga ula dersay  wax uu waayay oo uu jeclaa, sida  oori uu jeclaa, waddan u jeclaa ama hanti u jeclaa, xaqiiqdu se waxa ay tahay haddii cid la waayo loo waalan lahaa loona bahaloobi lahaa waxa ay noqon lahayd  waayidda hooyada.  

Hooyadaydu mudaneey, waxa aad ahayd wuxuu Eebbe i siiyo waxa uga mudan, Alxamdullilaah waan ku faraxsanahay in aad hooyaday tahay anna aan wiilkaagii ahay, balse hadda un baan dareemay in qiimahaagu uu ka baaxadweyn yahay intii  aan u aqoonnay. Maamo ma xasuusataa buuggii aad akhriyi jirtay ee aan ku ururiyay Murida aan ka guntay Dr. Ibraahim Alfiqi, waxa ku jirtay murti ah “Ma garan kartid qiima uu leeyahay shay ilaa aad ka waydid.” Maxaa ka run badan murtidaa? Waa run, qofku ma garan karo qiimaha caafimaadka ilaa uu ka bakuudo, ma garan karo qimaha cuntada ilaa  gaajoodo, ma dareemi karo qimaha dhalliinyarada ilaa uu ka gaboobo, ma garan karo qiimaha nabadda ilaa uu ka colaadoobo, sida aad si la mid ahna ma garan karo qiimaha hooyada ilaa uu ka rajoobo. Waa midda aniga hadda i haysata. Waydnidaa oo wacanidaa hooyadeeyay.

Hooyo ma qiyaasi karo halbeeg aan ku cabbirana ma hayo sidaa aad i jeclayd. Wallaahi Eebbe ayaan ku dheertaye, jacayl qof la siyo midka ugu qaalisan ayaad i siisay. Waxa aad i hannaysay noloshaada, waxa aad ii hibeysay tamartaada, waxa aad i hurtay hantidaaada. 

Hooyo, aragga indhaha wax baa ka maqan adiga la’aantaa, maqalka wax ba ka maqan adiga la’aantaa, hadalka wax ba dhiman adiga la’aantaa. Maxaa ku qiyaasi karaa hooyooy adduunka la’aantaa? Hubaashii waa eber nolosho adiga la’aantaa. Hooyo macaan, noloshaydu waa noloshaada, sababta oo ah waxa aan ahay jidhkaaga, lafahaagii iyo dhiiggaagii. Inta aan noolahay adna waan nooshahay.

Hooyo, erey aan aadmi ka maqlo waxa ugu dabacsanaa, midkaaga, erey aan maqlo wax ugu naxariis badnaa hadalkaaga, wax aan arko waxa ugu qurxoonaa wejigaaga, meel aan u hoydo waxa ugu nabdoonaa dhabtaada, wehel aan yeesho waxa ugu wacnaa wehelkaaga, saaxiib aan wakhti la qaatana waxa ugu qaalisanaa midkii aan aan adiga kula qaatay, maanta hal daqiiqo oo aan kula qaato wax aan ku masaalo ma garan karo. Cakuye, maxaa aan cidlo ku lumiyay wakhti aad adigu xaq u lahayd!

Hooyo, waxa aad ahayd maqalkayga, waxa aad ahayd aragayga, waxa aad ahayd dareenkayga, sababta oo ah, weligay wax xun imaad maqashiin wax xun imaad tusin wax xunna imaad dareensiinin. Arageey, maqaleey, dareeneey waan ku hilloobay hooyo qaaliyeey.

Hooyo waxa layga dhanbalay jidhkaaga, calooshaad igu sidday sagaal bilood, waxa aan kugu hayay culeys iyo cidhiidhi joogto ah, fooshaydii waxa aad u martay xanuun la dareemo midka ugu daran, aniga oo aan wax ba ahay ayaad wax iga dhig, waad i nuujisay, waad i ilaalisay, waad i xanaanaysay, waad i korisay, waad i koolkoolisay, ka dibna waxa aad iga dhigtay qof dhan oo dhammeys tiran.  Waxa aad i gaysay goob waxbarasho, hubaal waxa haddii aanad adigu i taagnayn hubaal waxa ah in aan wax barteen, goor walba iyo goob kastaba waxa aad garabkayga  la taagnayd gaashaan iyo gargaar aan abid gaboobayn.  Weligaa hooyo imaad hiifin, Ima naad calaacalin, ima naad caban igama aanad cadhoonin.

Hooyo lama huraan, Waxa aad u raaxo wayday si aan u raaxaysto, waxa aad u xanuunsatay si aan u caafimaado, waxa aad u gumowday si aan u xoroobo, waxa aad u daashay si aan u damaashaado, waxa u rafaaday si aan u raaxeysto, waxa aad u kadeeddantay si aan u kaalinqaado, waxa aad u aqoonseegtay si aan aqoon u yeesho, waxa aad hantibeeshay si aan u hanti u yeesho.

Hooyo qaali  korintaadii waxa ay ii ahayd mid aanan hilmaami karin. Waxa aad ii korisay sida boqorka, waxa aad ii ilaalisay sida beedka, waxa aad wax ii bartay sida sheekha, waxa aad ii barbaarisay sida madaxda, waxa aad i geysay meel aannu haadku gaardhin. Hooyo, korintaada iyo barbaarintaadu waxa ay ii hayd naxariis,  baridddaadu waxa ay ii ahayd bayaamin, tarbiyaaddaadu waxa ay ii ahayd toosin, agjoogaagu wuxuu ii ahaa wehel, raaciddaadu waxa ay ii ahayd raxmad, jaceylkaaguna waxa uu  ii ahaa nabad.

Hooyo waxa aan is wayddiiyay cidda uu yahay macalinkayga dhabta ahi, ka dib waxa aan xaqiiqsaday in macallinkayga dhabta uu adiga yahay. Haa, waa adiga macallinkayga iyo ustaadkayga dhabta ahi. Aniga oo afxidhan ayaad afka ii furtay, ereygii ugu horreeyay  ayaad i bartay illaa aan ka hadlay oo aan ka noqday aftahan dhegaha loo raariciyo, waxa la cuno waxa la cabbo iyo sida loo cuno loona cabbo ayaa I bartay, waxa lagu seexdo iyo sida loo seexdo ayaad I bartay, waxa aad i bartay waxa jira iyo waxa aan jirin, waxa aad i bartay cidda aan ahay, waxa aad i bartay ehelkayga iyo abkooda, cid aanan waligay arag ayaad I bartay, waxa aan ahay ayaad i bartay, waxa aanan ahayn ayaad i bartay, adduunkaba idilkii hooyo  sheeko-xariiro ayaad igu bartay. Wax aanan arag ayaad i bartay, wax aanan maqal ayaad i bartay, xitaa wax aanan abiday  dareemin ayaad dareen igu bartay.

Hooyo runtu waxa ay tahay in aad adigu tahay sheekaygii, sababta oo ah, Alle oo aanan aqoon ayaad i bartay, Nebiga (S.C.W) ayaad i bartay, Ashaahadda ayaad i bartay, quraanka iyo salaadda ayaad i bartay. Kadib Dugsigaad ayaad i geysay. 

Hooyo macaan,  Waa aan kuu xiisay kuuna xiisi doonaa inta aan noolahay. Waxa aan u xiisay wejigaagii quruxnaa iyo dhoollacaddeyntaadii wacnayd. Waxa aan u xiisay hadalkaagii debecsanaa iyo ereyadaadii murti badnaa. Waxa aan u xiisay ammaantaadii badnayd iyo sida aad iigu faani jirtay. Waxa aan u xiisay wehelkaagii iyo waanadaadii. Waxa aan u xiisay naxariistaadii iyo raxmaddaadii. Waxa aan u xiisay kaftankaagii iyo koolkoolintaadii. Waxa aan u xiisay  ducadaadii iyo daryeeliddaadii. Waxa aan u xiisay taladaadii iyo toosintaadii. Waxa aan u xiisay araggaagii iyo eegmadaadii. Waxa aan u xiisay canaantaadii aad iigu toosan jirtay.

Hooyo macaan waxa aan kugu xasuusan doonaa, ereyada, hooyo, dumar, haween, ubad, barbaarin, daryeel, waano, jaceyl, naxariis, nolol, geeri, if, aakhiro, iyo diin. Waxa aan kugu xasuusan doonaa, walaaladay iyo ubadkooda, waxa aan kugu xasuusan doonaa, awoowyaday, abtiyaday, habar-yarahay, iyo saaxiibaddaadii badnaa ee wacnaa. Waxa aan ugu xasuusan doonaa qof walba oo cibaado iyo Alle ka cabsi badan. Waxa aan kugu xasuusan doonaa qof walba jaarka wanaajiya, waxa aan ugu xasuusan doonaa qof walba oo jaarka jecel, waxa aan ugu xasuusan doonaa, qof walba oo af-gaaban, edeb badan, misana dhawrsoon, waxa aan kugu xasuusan doonaa, qof walba nabadgelyo badan.

Hooyaday mar-la-arageey, hooyaday jaadgoonniyeey, hooyaday asluub badaneey, dhawaan waan kuugu iman doonaa hoygii jannada Fardowsa aniga oo u hillow qaba araggaaga. Rabbi naxariistiisa guud iyo middiisa gaarba guudka ha yeello. Waan kuu xiisay hooyo, waanan kuu hilloobay hooyo macaan. Ka gama’  kadeedka adduunyo indhaha nuurkeediyeey.

Leave a comment