Nolosheennu Maxay Inooga Baahan Tahay?

Published by

on


Waxa jiray nin aad uu xoog badan oo dhir-jare ah. Waxa uu ahaa nin hawl kar ah oo shaqadiisa ka adag oo xoog na la gami waayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu shaqaale u noqday nin ganacsade ah. Waxaa na loo diray dhul beer ah, si uu u banneeyo oo uu dhirta uga jarjaro. Ninkii ganacsadaha ahaana waxa uu u balan-qaaday in uu siin doono lacag aad u badan haddii uu hawsha si fiican uga soo baxo.
Ninkii hawshii waa uu gudo galay oo faashkiisii ayuu soo qaatay. Maalintii koobaad waxa uu gunta ka xaabiyay oo uu dhulka soo dhigay 18 geed oo damal ah. Ninkii ganacsadaha ahaa kolkii uu arkay hal-adeyga ninkan waa uu u hambalyeeyay, waxaa na uu ku amaanay kartidiisa shaqo.
Hadalladii dhiiri galinta ahaa ee ganacsadahu yidhi awgeed, ninkii hawshii iyo dadaalkii waa uu sii laban-laabay, bal se waa naflay e waa uu daalay. Isla jeerkaasna waxa uu jaray 15 geed oo kaliya. Maalintii saddexaad na waxa uu jaray 10 geed. Maalinba maalinba ka danbeysa ninkii waa ka sii yareynayay tiradii hore illaa uu ka gaadhay in uu maalintii jaro hal geed oo dilqi ah!
Ninkii oo la yaabban xagga uu qabtay xooggiisii weynaa ayaa u tagay ninkii ganacsadaha ahaa, sii u bal arrinkan ugu sheego! “Xillima ayaa ugu danbeysay xilli aad aafeyso faashkaaga?” Ayuu ganacsadiihii wayddiiyay ninkii. Waxaanu ku jawaabay “mudane, ma aan haynin wakhti aan ku afeeyo faashkayga, waayo waxa aan mashquul ku ahaa in aan gooyo dhirta oo qudhaata!”
Haddaba, waa tab taas oo kale nolosheennu. Waayo waxa aynu had iyo jeer wakhti badan ku lumminnaa wax aynaan siinin wakhti aynu ku afeynno si ay inoogu hawl yaraadaan. Maanta adduunku waxa uu u muuqdaa in qof walbaaba ka mashquul badan yahay sidii hore, laakiin se haddana u ka farxad yar yahay marba marba ka danbeysa!
Maxay ku dhacday sidaasi? Haa, waxaynu illownay in aynu afeyno nafteenna. Qalad ma aha in aynnu hawlo badan qabanno oo aynu aad u dadaalno. Laakiin se shaqo un ma aha in aynu goor iyo ayaan u gucleyno, oo aynu kaga mashquulno waxyaabahii nolosheenna muhiimka u ahaa, sida ehelkeenna, qoyskeenna, asxaabteenna iyo Alle cibaadadii uu inagu lahaa. Waa in aynnu wakhti aynu siinno u helnaa nafteenna si aynnu wax u baranno, u akhrinno waxna u ogaanno.
Waxaynu u baahannahay in aynnu helno wakhti si aynnu nafaheenna ugu raaxaynno, u fikirno, u korno una kobocno. Nasasho jidhka iyo caqliga ba ah waa lagama maarmaan in aynnu helno. Haddaba, haddii aynnu intaasba wayno waxa aynu noqonaynaa faash afbeelay oo la afeyn waayay waxbana aan jarahaynin!
Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment

Previous Post
Next Post