Talooyin Dahabi Ah!

Published by

on


1. Ogow ku gaadhi maysid raaxo dadaal waxaan ahayn, ku heli heli maysid wax aad rabto edeb waxaan ahayn.
2. Ogow haddii aanay jirin cid ku xaasiddaa wanaag ma lihid, haddii aadan saaxiib lahayna dabeecad ma lihid, haddii aadan Diin lahayna mabda’ ma lihid. 
3. Ku dadaal inaad kasbato ducada labada waalid si ay kaaga noqoto gaashaan dhibaato kasta. 
4. Biyo ha cabin illaa aad haraado, waxna ha cunin illaa aad gaajooto, hana seexan illaa aad daasho, waayo noloshu waa la qabsi .
5. Ogow maalkaaga waxaa ugu khayr badan inta aad intifaacsato. Cilmigaagana waxaa ugu wanaagsan ka aad wax ku garato. Saaxiibna waxaa ugu wacan ka kula taliya ee ku waanniya. La saxiib Dadka wanaagsan.
6. Ogow Runtu waa deganaan, beentuna waa shaki, xishoodkuna waa ixtiraam , cilmiguna waa hage, hadalka wacanina waa sadaqo, aamusnaantuna waa xikmad. 

7. Ogow waddo aad Marto waxaa ugu sharaf badan ta aad khayr u marto, waddo aad marto waxaa ugu aaminsan ta aad gurigaaga u marto, waddo aad martana waxaa ugu adag ta aad u marto in aad qof madax ah kula kulanto!

8. ka indhaha li’i wuxuu jaclaystaa inuu mar uun wax arko, ka dhegaha la’i na wuxuu rabaa inuu mar uun wax maqlo, ka curyaanka ahina wuxuu jecleystaa inuu mar uun talaabsado, adna wax baad maqleysaa, wax baad arkeysaa, oo waad soconeysaa haddana waad murugooneysaa. Aaamiin noloshadaada Alle na ugu mahad celi.

9. Bixi sadaqada haba yaraatee, waayo waxa ay farxad gelisaa qalbiga, waxaanay kaxeysaa murugada,waxa aanay kordhisaa risiqa.

10. La mid noqo shinnida waxay cuntaa ubax, waxaanay dhashaa malab. Noqo mid khayr badan oo dhaqan Wacan.

11. ku dayo Nebi Muxamed(NNKHA), isagaa ayaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda.

 12. Booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha, si aad u dareento nimcada caafimaadka iyo xuriyadda.

13. Ogow in Alle uu xaq kugu leeyahay, naftaaduna xaq ay kugu leedahay, Ishaaduna xaq ay kugu leedahay, xaaskaaguna uu xaq kugu leeyahay, martidaaduna xaq ay kugu leedahay, mid kasta oo xaq kugu leh sii xaqiisa. 

14- ku dedaal kalaahada subaxii waayo waxay ay leedahay barako badan.

Leave a comment