Mucjisooyinka Quraanka Q2aad Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey? W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

Published by

on

10371743_613310868765378_3539290751086459305_n

Mucjisooyinka Quraanka   Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey?

Ilaahay wuxuu aayado badan inoogu sheegay in la inaga xarimay bakhtiga, dhiiga dareeraha ah, hilibka doofaarka iyo wixii loo gawraco cidaan Ilaahay ahayn. waxaynu si kooban u qaadaa dhigaynaa wixii Ilaa hadda laga ogyahay sababta Allah dhiiga u xarimay.
إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةَ وَالدَّمَ وَلَحْمَ الْخِنزِيرِ وَمَا أُهِلَّ بِهِ لِغَيْرِ اللَّهِ ۖ فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (173) سورة
البقرة
Maydka laba shay ayaa xalaal ka ah kaluunka (malay) iyo ayaxa oo gawrac aan u baahnayn. Dhiiga waxaa xalaal ka ah beerka iyo beeryarada.
عن ابن عمر -رضي الله تعالى عنهما- عن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال: ((أحلت لنا ميتتان ودمان، الحوت والجراد والكبد والطحال[1] – رواه ابن ماجه، كتاب الأطعمة، باب الكبد والطحال (2/110 برقم: والحديث قال العلامة الألباني في المشكاة”جيد”
Waxaynu ogyahay in dhiiggu yahay gadiidka iyo isgaadhsiinta nudaha jidhkeena. Wuxuu qaadaa ogsajiinta, cuntada (sonkor, macdan, vitamins, dux, proteins IWM), biyaha, enzymes-ka, hormones-ka. Waxaa uu jidhka ka soo qaadaa qashinka sida CO2, iyo wixii suna ee jidhka dibbada looga saaro sida kaadida, dhididka, aysiidha kaadida, keratin IWM.
Haddaba, haddii dhiigga la cabo ama la karsado si nafaqo looga helo maxaa ku jaban?
Jawaabta arintan ayaa ah sababta Ilaahay u xarrimay dhiigga, arintaas oo cilmiga sayniska ee casriga la socda laga soo bilaabo qarnigii 20-aad ilaa hadda uu cadeeyey. Sidaan la socono hadaynu xannuunsano waxaa xannuunkaas 95% laga baadhaa dhiiga.
Khatarta 1
Taasi waxay kuu cadaynaysaa meesha dulinka sida barasaytka, bakteeriyadda, fayraska, fangaska, yiista IWM ee dadka iyo noolaha laayaa ay galaan ay tahay dhiiga. Sidaa daraadeed qofka dhiiga qaataa wuxuu qaatay sun iyo boog. Waxyaabaha maanta ugu khatarta badan ee xeebaha dhulka Soomaaliyeed lagu daadiyo waxaa ka mid ah sunta (bio-hazard items) ka soo baxda shaybaadhada adduunka ee ay ku duugan tahay cuduradda la isugu gudbiyo dhiigga iyo dheecaanada kale ee jidhkeena laga qaado.
Khatarta 2
Waxaa la ogaaday in dhiiga oo 60% dareere ah (plasma) ay ku jiraan walxo ka samaysan borotiino (proteins) kala duwan oo lagu qiyaasay 500 noocyo kala duwan ah kuwaas oo qabta shaqooyinka difaaca jidhka. Waxaa kale oo ku jira walxo suneed ka dhasha dheefshiidka iyo shaqada jidhku hayo. Waxaa kale oo ku jira Hemoglobin ama birta IRON oo ogsajiinta qaada.
Waxaa la ogaaday haddii dhiiga la cabo sida ka xoolaha ama dadka, walxahaas ku jira lama shiidi karo. Sidaa daraadeed ayaa maskaxda qofku waxay amar siisaa beerka iyo kelyaha in dibadda loo saaro inta aan jidhku sumoobin. Sidaa daraadeed waxaa dhacda in sida ay naadafaddas u wadaan beerka komo galo keliyuhuna shaqada joojiyaa. Kaaga darane 100 ml ee dhiigga ah waxaa ku jira 8 graam oo proteins ah. Neefka adhiga ah ee 3.5 litir oo dhiigi ku jirto waxaa laga heli lahaa 280 graam oo protien, haba yaraatee maxay kuugu taala waa walxo suneed aan dheecaanada beerku shiidin karin keliyuhuna si sahlan ku saari karin.
Khatara 3
Dhiiga haddii weel lagu shubo oo la kariyo waxaa la ogaaday in walxaha ku jira borotiinka (proteins) uu ku dhaco isbedel kiimikaad kaas oo ka dhig gebi ahaanba sun jidhku hadduu qaato aanu dheefshiidi karin.
Khatarta 4.
Dhiiga xoolaha iyo dadkaba waxaa ku jira noolayaal ah bacteria aan jidhka cadaw u ahayn ee inoo qabta shaqooyin jidhkeenu u baahan yahay. Qaarkood waxay dedijiyaan dheefshiidka, qaarkood waxay urta u yeelaan saxarada aan dhigno si aan uga fogaano xanuunada ay sido. Qaarkood waxay cuntada ka saaraan vitamins oo samaysankooda ay qayb ka noqdaan. Marka dhiiga ay ku jiraan noolayaashaasi la cuno waxay isu bedelaan noolayaal ama bacteria cadow oo keenta xanuuno khatara.
Khatarta 5
Dhiigga waxaa ku jira markasta neefta nooluhu tufo ee loo yaqaan CO2. Waa neef culus oo dhiigga ay ku jirto haddii la cabo lagu summoobo.
Gebogebo
Runtii lama soo koobi karo. Waxaa shareecaddu ina amartay in xoolaha la gawraco si dhiiga sunta ah looga saaro oo hilibkii nadiifta aha u soo hadho. Dadyowga gaalada ahi waxay waqtiyadan dambe isticmaalaan hilibka dhiiga laga saaray ee Muslimiintu qasho oo noqday shaqooyinka sida gaarka ah Muslimiintu adduunka uga hayaan.
Tixraacyo
1. http://www.explorepub.com/articles enderlein1.html; Karl Windstosser, Polymorphic Symbionts as Potential Cofactors in Cancer Processes”, Explore, Vol. 7, no. 6, 1997.
2. http://biomedx.com/microscopes/rrintro/rr2.html
3. 22341: Islam Question and Answer
General Supervisor: Shaykh Muhammad Saalih Almunjid

W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

* Qormadii hore si aad u akhrido guji halkan hoose

Guji  Qormadii 1aad

* Si aad ula xidhiidho qoraaga guji halkan hoose:
Guji Barta Sheekh Ibrahim Xirsi Galow

 

 

One response to “Mucjisooyinka Quraanka Q2aad Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey? W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow”

  1. Mucjisooyinka Quraanka iyo Axaadiista Qudhaanjadu way hadashaa!🐜 Sh Ibrahim Xirsi Galow | Avatar

    […] * Qormadii hore si aad u akhrido guji halkan hoose: Guji halkan Qormadii 2 aad […]

    Like

Leave a comment