Bahda Shada!!

Published by

on

Sidaydaba waan jeclahay in aan si wacan u barto falkinta iyo erey bixinta afka Soomaaliga . Inta badan waxa aan door bidaa in aan hadalkayga iyo odhaahdaydaba ka dhawro ku sidkinta afka qalaad, sababta oo ah af Somaliga waa aan ku kalsoonahay qaninimadiisa, murtidiisa iyo midhihiisaba, jeeroo la moodo in uu ammintan sii dabar go’ayo, taaso u baahan in la helo maanta dadkii soo noolayn lahaa. Si walba ha ahaatee waxa aad isoo jiitay weedhaha uu ku dhisan yahay af Soomaaligu ee wadar iyo waaxidba leh. Tusaale ahaan ereyada ugu badan ee aynu maalin walba u adeegsano nolosha kufaa-kaceeda waa kuwo ay u danbeyso afartan erey ee isku sidkani “Shada”. Malaha waa bahda Shada’e bal u fiirso weedhahan dhammaantood waxa u danbeyso SHADA, sida booqashada, barashada, wahsashada, dhaarashada, kaysashada, kurbashada, dhacsashada, dhiirashada, gabbashada, kaydsashada, tukashada, tumashada, guursashada, keensashada, dee miyaan dhammeyn karayaa?.

 Sida oo kale iyana waxaa jira kuwo kale oo ah reer “Yada” sida sheekhyada, suuqyada, baaldiyada, dawlisyada, darwiishyada, xiliyada, silisyada, suuliyada, saldhigyada iyo qaar kale oo badan oo weedhaha qaarkood Wadar ka dhigaya tusaale ahaan Cilmi marka aad jamac ka dhigayso waa in aad raacisaa (yada) oo uu noqdaa Cilmi-yada. Hadaba hababkani waa kuwo ka mid ah naxwaha luuqada afka Soomaaliga una baahan in laga bixiyo tilmaamo iyo tusmo cad si loo fahmo falkintooda curineed.

Bal aan hada isa saaro dhawr erey oo reer Shada ah:-

 Niyadeena filashada

 Naxli diidka gocoshada

Nasabnimo hirashada

 Naxariista hanashada

 Naqa baxay gosashada

 Nimcadeeda gurashada

 Neecawdeda ursashada

 Nal iftiinle daarashada

 Nuurkeeda muuqashada

Naawilkeeda higsashada

Nadka guurka barashada

 Nitaakhadiyo dhimashada

 Namiimiyaha warsashada

 Nacabkeena bursashada

 Nuclear ka toogashada

Ka ilaali nuuxsashada

Ha niyaynin toocsashada

 Ku nagaadun tukashada

Ha baranin tumashada

 Ha naafeynin garashada

Nimcadeeda nasashada

Nuur yaala guursashada

Sayid Mohamed Omar (Darwiishka)

Leave a comment