Sababta Aan U Hanbalyeeyay Donald Trump!

Published by

on

6360139435793044861461393096_donald-trump-prune-face

Waxaa jira dad badan oo muslimiin ah oo ka cadhooday ama se ka niyaad xumaaday guusha uu Donald Trump ku hantiyay jagada Madaxweynenimo ee Dalka Mareykanka ee uu kaga guuleystay Hillary Clinton. Sababta ay uga cadheedeenna wax kale ma aha ee waa nacaybka iyo cunsurriyada uu u hayo Dadka Muslimiinta ah, xagga ay Soomaaliduna sida fiinta ay uga qayliyeen sababo hoos imanaya awgeed sida uu u badhtilmaameedsaday soomaalida!

Haddaba anigu kama nixin, kama cadhoon kamana niyad xumaan guusha uu gaadhay Donald Trump bal se waxaan ku soo dhaweeyay sacab iyo mashxarad aad u badan! Maxay tahay talow sababta aan ugu mashxarraday? Sababta aan u soo dhaweeyay guushiisa waa dhawr qodob oo guud ahaan aniga faa’iido ilaa muuqda waliba gaar ahaan haddii aanu Islaam nahayna inoo faa’iido ah! Aan dhawr qodob bal aan idin taabsiiyo:

1. Maraykanku waxa weeye dawladda laga dheehdo mabda’ reer gabeedka waana ta hoggaamisa aragtiyaha xuub-caarada ah ee lagu durayo Diinta iyo Ummada Islaamka, haddaba Mr Trump waa habarqabihii soo qufi lahaa qudhunka iyo qashaabiirkii ay inoo dadi jireen gaaladu, waxaanu soo bandhigi doonaa hab-dhaqanka dhabta ah ee ay lee yihiin Gaaladu wanaag iyo samaan tay doonto ha ahaatee!

2. Donald Trump waa habaar-qabihii fashilin lahaa ama faydi lahaa mad-habka beenta ah ee uu Maraykanku ku taami jiray inuu yahay “Nabad-dhawraha Adduunka iyo Ilaaliyaha Xuquuqda Aadamaha” in aanu Maraykan iyo xulafadiisu ahayn, ninkii taas beenin lahaa ee caddeyn lahaa waxa uu Mareynkan yahay iyo sirta u qarsoon ba waa Trump!

3. Buush waxa uu holac sudhay waddamo badan oo Islaam ah. Obama-na waxa holacii holac ka daran uu suudhay waddamo badan oo Islaam ah Sida Yaman, Masar iyo Liibiya. Haddaba Trump waxa uu dareenkoodii dib u soo nooleyn doonaa oo uu baraarujin doonaa Dawladihii Islaamka ahaa ee hadh-dacaarka fadhiyay!

4. Donald Trump waxa uu dib u soo nooleyn doonaa isku-xidhnaantii godka dheer ku dalam yidhi ee ka dhaxeeyay ummadda Islaamka ah iyo waddamadooda kala baadiyoobay!

5. Waxa uu Trump caddeyn doonaa dabbaal-joogtadii ay Maraykanku iyo xulafadiisu ay kula jireen waddamada Islaamka!

6. Waxa uu dib u soo cusboonaysiin doonaa midab takoorkii iyo dulmagii hore uga jiray isla USA gudaheeda!

7. Waxa uu Trump caddeyn doonaa cidda ah argagixisada dhabta ah, ma Muslimiintaa mise waa Mareykan iyo Xulafadiisa?

8. Waxa Donald Tramp marin-habaabin doonaa majaraha dalkiisa iyo mudnaantiisa!

9. Waxa uu dhulka jiidi doonaa sharaftii shacabka Reer Mareykan uu ku lahaa shucuubta dhexdeeda!

10. Maadama uu Trump yahay nin aan siyaasad shuqul ku lahayn waxa uu ka soo go’i doonaa gabiyada siyaasadda suul-daarka ah!

11. Afxumadiis iyo hab-dhaqankiisu waxa uu waaya-siin doonaa dalal badan, dad badan iyo saaxiibbo badan oo uu Waddanka Mareykanku lahaa!

12. Dorand Trump waa habaar-qabe loo soo diray Waddanka Mareynkan waxaana uuna dhaxalsiin doonaa dib u dhac aanay waligood ka soo waaqsan doonin!

Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “fuloow guuli kuu dhaweydaa”! Reer Maraykan waxa habaar-qabe Trump uga habboonaa in ay hoggaan ka dhigtaan Hillary Clinton waa se war loo noqon doono. Waxa aan ku soo gababeynayaa hala soo dhaweeyo burburka USA! Sheekh Ibraahim Xirsi (Aswad Baarcad) ayaa waxaan xasuustaa maanso uu tiriyay sannadkii hore ee 2015-kii maansadaas oo si toos ah u qeexaysa Habaarqabe Trump cidda uu yahay, waxaana maansadaa ka mid ahaa:

– Waa Donald oo
– Waa dhagarta jaan
– Waa dhib iyo xuman
– Waa dhiilo timid

– Waa Dhidarka bahal
– Waa dhido dad qaad
– Waa dhaandhaanka nacas
– Waa dhurwaaga ciya

– Waa dhirif colaad
– Waa hub kiisa dhaca
– Waa abaarta dheer
– Waa dhaqaya maal

– Waa dhergaa kalkaal
– Wuu dhacaa miskiin
– Waa dhiig casoo
– Waa gafane dhergoo
– Waa kaa dharqaday

– Dheeftii dadkoo
– Intuu ribo ka dhuray
-:Oo dhure darsaday
– Dalkiisii dhamaa
– Intuu kala dhuftay
– Waa kaa dhambalay

-:Waa dhabanahays
-:Waa dhuxun-kareeb
– Waa dhilmaanyo cudur
– Waa dhuxusha naar
– Waa dhididka ura
– Waa dhaar Ibleys

Leave a comment