Buugtii iigu saameynta badnaa Sannadkii 2022!

Published by

on

Buugtii iigu saameynta Sannadkii 2022

“Qofka wax akhriyaa wuxuu helaa kun nololood inta aannu dhiman, xagga ka aan wax ba  akhriyini uu noolaado hal nolol oo kaliya.” 

George R.R. Martin

Sannadkii shalay  galbaday ee 2022, waxa uu aniga ii ahaa, sannad aan  wax badan  akhriyay marka loo eego sannadadii hore, isla markaasna aan dheef badan ka korodhsaday buugaag tiro badan. Waxa aan maktabadaha dalka ka soo gatay buugaag soddooneeyo ah, sida oo kale waxa maktabad-guriyeeddayda ku soo biiray buugaag kale oo tiro badan, oo ay ii soo hadyeeyeen qaar ka mid ah asxaabtayda qaaliga ah. Buugaagtaas tirada badan ee aan akhriyay isla markaas na maktabaddayda ku soo biiray, waxa ay isugu jireen badanaa qaybaha kala duwan ee aqoomaha adduunka ka jira, kuwo diin ah, kuwo taariikh ah, kuwo saynis ah,  kuwo suugaan ah, kuwo siyaasad ah, kuwo sirdoon ah, kuwo sooyaal ah, kuwo saxaafad ah, kuwo falsafad ah,  kuwo dhaqan ah, kuwo dhaqaale, kuwo culuumta aadanaha ah, iyo kuwo sheeko faneed ah ba way isugu jireen. 

 

Haddaba buugtaas tirada iyo tayada ba leh ee aan akhriyay sannadkii shalay galbaday, waxa ay ka mid ahaayeen waxyaabihii iigu miigganaa ee aan sannadkaas cimrigayga kaga faa’ideystay, waxaana markasta oo aan buug cusub akhriyo kobcayay, fahankayga, fikirkayga, fiiradayda iyo sida oo kale adduun-aragayga. 

Haddaba dabayaqaadii bishii Desember ee sannadkii tagay ayaan is waydiiyay, buugaagtii kala duwannayd ee aan akhriyay sannadkaas gudiisa, kuwa aniga shakhsiyan aad ka ii soo jiitay  ama se aan aad  ula  dhacay, kuwaas oo xasuus iyo xiiso gaar ah naftayda ku beeray, sidaa darteed waxa aan isku dayay bal in aan diiwaan geliya buugaagtaas mahadhada maankayga ku reebay, kadibna waxaa aan soo xulay labaatan dhigane oo afsoomaali ku qoran oo ruuxda si un u raadeeyay. Waxaana aan halkan ku soo bandhigayaa idin lana wadaagayaa magacyada 20-kaas dhigane oo ka mid ah buugta aad ii soo jiitay ee dareenka igu abuuray, isla markaasna maskaxdayda xasuusta kaga tagay ama se ruuxdayda cariyay, kuwaas oo ku qoran Afkeenna Hooyo ee hodanka ah. Waxaana laga yaabaa in dad badan oo akhriyay buugtani aanay u bogin, balse dadku isku aragti, xiise, iyo xis toona ma aha, ee waa qof iyo dareenkii ama se dookhiiye, waa kuwan magacyada labaatanka dhigane ee aan anigu  u aqoonsaday kuwii sannadkaas iigu saameynta badnaa:

1. Buugga Jiraalkay, waxaa qoray Dr. Waliid Axmed Fatiixi, waxaa na afkeenna hooyo ku turjumay Qoraa Khaalid Ciise X. Nuur.

2. Qummane: Godlinta Garaadka iyo Garowsiga Waxyiga, waxa qoray Suldaan Muusa Almuusa, waxaa na turjumay  Qoraa Cabdixakiin Obsiiye.

3. Ergay: Sooyaalkii iyo Siradii Nebi Muxammad (N.N.K.H), waxaa na qoray Maxamed Yuusuf X. Maxamuud

 4. Xasuusihii Guwaantanaamo: Markhaatiga Maxbuus Hore, waxa buuggaas qoray Waliid Maxamed Xaaji, waxaana turjumay Qoraa Cabdicasiis M. Iimaan

5.  Hayaankii Rumeynta, waxaa qoray Faylasuufkii Reer Masar ee Dr. Mustafa Maxmuud, waxaa na turjumay Aadan-sahan.

.6. Maxaynu uga baqnaa Naqdinta? waxaa qoray sheekha caalimka caankaa ee hadda Sacuudiga ku xidhan (Alle ha ka soo  furtee) Dr. Salmaan Alcawda, waxaana turjumay Qoraa Aadan Ducaale.

7.  Mashruuca La Dagaalanka Nuurka, -waa  buuggii ay farriintiisu  igu saameynta badnayde-  waxaa qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac.

8.  Qorshee Noloshaada: Wax ka beddelka habdhaqankaaga ayaa beddeli kara noloshaada, waxaa qoray Cali Xasan Aadan (Cali-salaad)

 9. Dhabbadii Dhibaatada: Xogaha Hawlgalkii saraha Mareykanka, waxaana qoray suxufigii cabqariga ahaa ee Reer Masar Yusri Fuuda, waxaa na turjumay qoraaga soomaaliyeed ee Cabdirisaaq Sandheere.

 10. Amiirka Cas; Sarkaalkii  Yuhuuddu ka ledi wayday, waxaa qoray Qoraaga iyo saxafiga  weyn ee  Kamaal Axmed Cali Kamaal-Marjaan.

11. Loolan: Xeeladaha Dagaalka, waxaa qoray Sun Tzu waxaa na afsoomaali u turjumay Aqoonyahan Aadan-sahan.

12. Hogatuska Nolosha: Maaxdii Macalliinkii Nolosha Abwaan Hadraawi, waxaa na qoray Suxufiga ruugcaddaaga ah isla markaasna Qoraaga ah Cabdishakuur Muxumed Muuse Heersare.

13. Hawaale Warran, waxaa qoray Alle ha u naxariistee abwaankeennii iyo faylasuufkii waynaa Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

14. Sirdoonka Israa’iil: Qaab-dhismeedka Urur ahaaneed iyo Tabaha Basaasnimo,  waxaa qoray Salaama Abuu Sawayrax, waxaana turjumay  Aadan Salaad Maxamuud (Aadan-badiic)

15. Nin Miyi iyo Markab, waxaa qoray Alle ha u naxariistee  Waaya-araggii weynaa ee  Cabdillaahi Cawad.

16. Astaan Halgan: Taariikh nololeedkii Muj. Maxamed Xaashi Lixle , waxaa na qoray Mujaahid Jaamac Cali Xasan.

17. Dayn maayo Heesaha: Heesta iyo Muusiggu ma xaaraan baa? Waxa qoray Qoraa Cabdifataax Qureyshi.

18. Suxufi: Buugga Kaabaha Suxufiga: waxaa qoray Qoraa/Wariye Cali Maxamed Ibraahin  Cali-saxafi

19. Wariye: Farshaxanka Qoraalka iyo Farsamooyinka tifaaftirka, waxaa qoray Sakariye Xuseen.

20. Xeeladaha Saxaafadda, waxaa qoray Suxufiga iyo Qoraaga weyn ee Cali Cabdi Coomay

Haddaba labaatankaas buug waxa ay ka mid yihiin, buugaagta ku qoran Afkeenna hooyo ee aan akhriyay sannadkii 2022, waxaa na aan qirayaa in buugtaasi ay si un  noloshayda wax uga beddeleen, hab-dhaqan ahaan, iyo hab-fikir ahaan ba. Runtiina waxa ii farxad ah in aan akhriyay buuggaag tiro badan oo 20-kaasi ka mid yihiin oo Afsoomaali ku qoran, waxaana caado ii ah in dhiirigeliyo qof walba oo soo saara buug ku qoran Afsoomaali, waxaa na caado ii ah in aan iibsado buug walba oo ay qorayaasheennu dadaal geliyeen, maadama la moodo in uu Afkeennu sii dabar go’ayo,  anigu shakhsiyan waxa aan u arkaa, in Afkeenna waxa badbaadin karaa uu yahay inaga oo wax ku qorna, da’yarteenana wixii ay u baahdaan intay  af kale ku raadin lahaayeen kooda ugu qorna, Afsoomaaligana laga yeelo af cilmiga iyo farsaamaatiga (Tecnology-ga) la jaanqaadi kara, oo lagu turjumi karo cilmi kasta oo carro-edeg dul yaalla. Run ahaantiina markasta oo aan arko buug cusub oo Afsoomaali lagu qoray ama lagu turjumay, waxa i gasha ididiilo ah, “Afkii weli waa nool yahay inta wax lagu qorayo”.

Buugaagta kale ee Afsoomaaliga ah ee sannadkii shalay galbaday ee 2022 maktabaddayda yar ku soo biiray, ee aan qaarkood na akhriyay, qaarkood na ii hadhsan yihiin  waxaa ka mid ah:

Foolaad, Xoolaheenna, Muxammad Alfaatix, Dhambaalada Quraanka, Haaneed, Hal-tisqaaday, Safiirka, Islaamka iyo Dawladda, Siyaasaddii Gumeysiga, Yididiilo, Afka Hooyo waa hodan, Guulwade, Mayal, Hawd iyo Halgan, Nin sebraa sadkii hela, Caawiye, Maanshaxan, Sunita, Hawlgalkii Rajo soo celinta, Xilkas, Saban nin ka baxay, Guusha Ganacsiga, Dirsooc, Socdaalkii Geerida, Sidee ilmahaagu kuu maqlaa, Abaal Hooyo lama gudo, Aabbe Hodan ah Aabbe Sabool ah, Hannaanka Caddaaladda Denbiyada, Ducoqabe: Taariikh nololeedkii Madaxweyne Cigaal, Taariikh Nololeedkii Madaxweyne Tuur, Qaybe iyo Caalamka, Dhaxalreeb, Geeljire Aqoonjire.

Waxa aan rajeynayaa in uu sannadkani  soomaalida u noqdo  midkii loogu wax akhriska badnaa, loogu waxsoosaarka iyo hal-abuurka badnaa, loogu buugaag iyo kutub iibsiga badnaa, loogu maktabad joogista badnaa, looguna fikirka iyo fiirada badnaa, maadama ay maalin ba maalinta ka danbeysa ay i sa soo tarayaan qorayaal tiro badan oo la yimi  hal-abuurka aad u sarreeya, kuwaas mawduucyo cusub oo ugub ah dharaarahan danbe ku tallaabsaday in ay wax ka qoraan. Hal-abuurka qoraalka iyo afnaqa (turjumidda) dhigaalada ku qoran afafka qalaad iyana runtii waayadan waa ay isa soo tarayaan, waxaana ku rajo weynahay in dhawaan laga ga bixi doono aqoontii iyo ogaalkii uu shisheeyuhu u yeedhin jiray ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, mudane/marwo, waxa aynu nahay umaddii Nebi Muxammad (NNKH), ummaddaasna waxa loo yaqaan “Umaddii Akhriska”, maadama ereygii Quraanka ugu horreeyay uu ahaa fikil amar ah, kaas oo ahaa “Akhri”, haa waxa aynu nahay ummaddii ”Akhriska”, balse nasiibdarro waxba ma akhrinno, waana sababta uu u soo baxay halku-dhegga ah: Ummaddii akhrisku wax ba ma akhrido (أمة اقرأ لا تقرأ).

Haddaba aynu maanta u jihaysanno dhanka akhriska, ogaalka, iyo aqoonta. Waxa aynu akhriyayna na ha ugu horreeyo Kitaabka Alle (SWT) iyo sunnadii Nebigeenna Muxammad (NNKH), inaga oo sida oo kalena akhriyayna aqoonta kale ee uu aadanahu gaadhay. 

 Marka aad SUNUUD hayso 

Waxa suuq mug weyn yaalla

Ha la simin KITAAB weeye!”

Sirta nolosha – Hadraawi

“Qofka wax akhriyaa wuxuu helaa kun nololood inta aannu dhiman, xagga ka aan wax ba  akhriyini uu noolaado hal nolol oo qudha.” 

George R.R. Martin

“الكتاب هو الجليس الذي لا يطريك، والصديق الذي لا يغريك، والرفيق الذي لا يملّك، والصاحب الذي لا يريد استخراج ما عندك بالملق ولا يعاملك بالمكر ولا يخدعك بالنفاق ولا يحتال لك بكذب.” _الجاحظ

Alla Mahad leh

Sayid Maxamed Cumar “Sayid Darwiishka”

Oodweyne, Somaliland 

Leave a comment