Don’t copy if you can’t paste !!

Published by

on

shinbiralay

 

shinbiralay
Ku Soo dhawaada website shinbiralay

sheeko Cajiib ah…

Hadal yaqaan caan ah ayaa dhageystayaal madadaalinayay. wuxuu yiri, “sanadihi iigu wanaagsanaa nolosheyda waxaan ku soo qaatay gacmaha haweenay aan xaaskayga ahayn!”
Dhageystayaashi aamus iyo yaab baa ka soo hadhay. Wuxuu ku sii daray: “Haweynaydaas waxay ahayd Hooyadey!”
Qosol iyo Sacab baa is qabsaday.
Usbuuc ka dib, nin dadki joogay ka mid ahaa ayaa is yidhi bal adna xaaskaaga kaga yaabi sheekadan oo marka dambe u sheeg. Xaaskiisa oo casho diyaarinaysa ayuu si kor ah ugu yidhi, “Sanadihi iigu wanaagsanaa nolosheyda waxaan ku soo qaatay gacmaha haweenay aan xaaskayga ahayn.”
Xaaskiisi ayaa soo jeesatay oo ku tidhi, “Hayeeee warba adaa hayee, bal wad.”
Ninki intuu naxay ayuu khalkhalay, ka dibna wuxuu xusuusan waayay qeybti labaad ee kaftanka, ugu dambeyntii wuxuu yidhi, “……Ma xusuusan karo qoftay ahayd”
Wuxuu miyir soo helay isagoo sariir cusbitaal jiifa oo laga daweynayo gubasho ka soo gaartay biyo kulul oo lagu shubay.

markaa waxaanu leenahay Don’t copy if You can’t paste !!!

 

Leave a comment