Su’aal: Midkee Dilay?

Published by

on

 

Waa maamulihii shirkadda. Waxa uu joogaa xafiiskiisa. Waxa uu ku fadhiyaa kursigiisa. Hortiisa waxa yaalla miis ballaadhan. Miiiska waxaa dul wadhan waraaqo iyo faylal isku dhex mulaaqan. Gabi ahaan ba ma aha xafiiskiisu mid nidaamsan. Maamuluhu wuu fikirayaa. Meel kale ayuu ku maqan yahay. Xafiiska jidhkiisa un baa jooga. Qalbigiisu se meel kale ayuu ku maqan Goor u yimi iyo goor uu bixi midkood na ma kasaayo. Wuu fooraraa. Dhegta iyo dhabanka ayaa uu isku hayaa. Waa nin kadeedan, bal se ma yaqaano sida uu uga bixi lahaa kadeedkan.

Hal mar ayuu soo baraarugay. Qaylo ayuu ku dhuftay. Isagoo cadho badani ka muuqato ayuu u yeedhay xoghayihii shirkadda . Xoghayihiina soo gal oo u yimi.
Kaddib isaga oo cadho mallagan ayuu yidhi: “Xoghaye, waxa aan soo garaacay telefoonka xafiiskaaga kaddib na waad ii jawaabi weyday ee maxay ku dhacday sidaasi?” Xoghayihii waxa uu ugu jawaabay “Waan ka xumahay mudane, waxa aan jiray musqusha.” Maamulihii oo cadho darteed qawlalada ka xunbaynaya ayaa yidhi “Waa aan ka xumahay, waan ka xumahay ayuun baad mar walba leedahay. Shit. Waar qaad waraaqahan oo iiga soo daabac xafiiska madbacadda ee shirkadda, kaddibna dhakhso iigu soo qaad.”

Xoghayihii waa uu qaaday waraaqihii isagoo ka xun habka uu ula dhaqmay maamuluhu. kaddib waxa uu waraaqihii ku tuuray miiska ninkii xafiiska madbacadda joogay isaga oo le, “Dhakhso iigu daabac waraaqahan.” Ninkii madbacadda joogay isaga oo isna la yaabban hadh-dhaqanka xoghayaha ayuu yidhi, “Waa yahay ee halkaas ii saar.” “Waar saari maayo ee igu dhakhso” ayuu ka hor keenay. Ninkii madbacadda ayaa xanaaqay. Hadalkii ayaa ka duulay. Waa la isku qayliyay ilaa uu codkoodii gaadhay debadda. Xoghayihii waxa uu iskaga soo baxay madbacaddii oo xafiiskiisii ayuu qabtay.

Labo saacadood kaddib, ninkii madbacadda joogay waxa u yimi mid ka mid ah shaqaale hoosaadka madbacadda, kaas oo codsaday in uu yara fasaxo saacad si uu caruurtiisa u geeyo goob waxbarasho, kaddib na dhakhso uu ugu soo noqdo. Maamulihii madbacadda ayaa aad ugu qayliyay ninkii isaga oo leh ‘Maalin walba fasax ayaad rabtaa miyaa?” Miskiinkii oo yaabban ayaa ku jawaabay, ” Mudane, toban sano ayaa kula shaqaynayay, maanta ka hortowna fasax kuma waydiisan ee…” Isaga oo aanu hadalkiiba ka soo wada bixin ayuu ugu jawaabay, “Waar soco fasax lahaane shaqayso haddii kale se meesha ina gu kala wad.” Miskiinkii oo ka xun hadalka masuulka ka soo yeedhay ayaa shaqadiisii iska sii watay.

Shaqaalihii miskiinka ahaa markii uu shaqada dhammeystay waxa uu aaday gurigiisii isaga oo wali aad uga cadheysan hadalkii la yidhi. Kolkii uu yimid guriga waxa ka soo hor cararay cunigiisii yaraa isaga oo hadyad yar sita oo aad u faraxsan. Kaddib wiilkii oo qoslaya ayaa yidhi, “Fiiri aabbo hadyadan waxa i siiyay macalinka sababta oo ah anigu…” Wiilkii oo aan hadalkii dhammeyn ayuu aabihii dhirbaaxo kaga wab siiyay, isaga oo leh, “Soco oo hooyadaa u tag oo aniga i dhaaf.”

Wiilkii oo aad u ooyaya ayaa ka dhaqaaqay goobtii. Kaddib waxa uu fadhiistay beer yar oo ku taala daaradda guriga. Isaga oo halkii iska fadhiya ayaa waxaa u timid bisaddiisii yareyd ee rabbaayadda ahayd, taas oo badanaa uu la ciyaari jiray. Wiilkii oo wali dhirbaaxadii la ilmaynaya ayaa bisaddii yareyd ku cadho-burburay, kaddibna laad ayuu gogga u galiyay. Halkii ayayna bisaddii naftii kaga aguugtay.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay, Bisadda midkee ayaa dilay, Maamulaha, Xoghayaha, Ninkii madbacadda, Aabbihii wiilka dhalay iyo wiilkii yaraa?

W/T: Sayid Maxamed Darwiishka

Leave a comment