Xigmaddii Afarta Xaas – Qiso Qurux Badan!

Published by

on

Waxa jiray nin maal-qabeen ah oo qaba afar xaas. Waxa uu xaasaskiisa ugu jeclaa xaaska 4aad oo u ahayd indhaha uu wax ku arko, afka uu ku hadlo iyo dhegaha uu wax ku maqlo. Badanaa xaaskiisa 4aad aad ayuu u daryeeli jiray una xanaaneyn jiray. Goor iyo ayaan dhalaalinteeda, dhoodhoobideeda iyo dhaban dhaashinteeda na wakhti badan ayuu ku bixiyay. Hase ahaatee iyadu wax badan umay tari jirin ee waa ay iska soo caddeyd.

Xaaska 4aad ka sakow, iyana wuxuu aad u jeclaa xaaskiisa 3aad. Aad ayuu ugu faani jiray. Waxay ahayd gabadh aad u qurux badan, sidaa darteed umuu oggolaan jirin in ay cid kale aragto, sababta oo ah wuxuu aad uga biqi jiray in ay ka raacdo ragga kale. Kolkaas waxa caado u ahayd inuu si joogto ah u ilaaliyo gaadh na uga hayo illeyn waa nin ka shakisan in ay rag kale ka boobaane.

Ninkan odayga ahi waxa iyana aad u jeclaa xaaskiisa 2aad. Gabadhan iyadu waa mid lagu kalsoonaan karo oo la aamini karo. Run ahaantiina maal-qabeenku wuu ku kalsoonaa, sababta oo ah mar walba oo ay isaga dhibi soo gaadho iyada ayuu ula iman jiray kadibna iyana way la xallin jirtay. Badanaa xaaska 2aadi way caawin jirtay xaajigeeda wakhti badan oo adag na way la soo qaybsatay.

Ninkan maal-qabeenka ahi sida uu u jeclaa xaasaskiisa 4aad, 3aad iyo 2aad umuu jeclayn xaaskiisa 1aad ee wuu necbaa. Iyada oo ah gabadh gaari ah oo ka shaqeysa daniisa adduunyo iyo kuwiisa aakhiro, oo xoogga saarta sidii uu nolol wacan u heli lahaa iyo liibaan waarta, haddana muu ahayn mid jecel iyada ee wuu ka xanaaqi jiray. Miskiintu se iyadu aad bay u jeclayd kamana ay tagin wax walba oo kala kulan tay ee waa ay naawili jirtay.

Waxay sidii ahaataba ninkii maal-qabeenka ahaa maalin ayuu xanuunsaday. Naftaa qabatay. Wuxuu ogaaday inaanu xanuunkan ka kaceyn ee uu u dhiman doono. Niyaddiisa waxa ku soo dhacday; haddii aad maanta dhimato ma kaligaa ayaad dhiman doontaa, mise afartaada xaas ayay mid kood ku raaci doontaa qabrigana kugu wehel doontaa? Waxa uu codsaday in 4tiisii xaas loogu wada yeedho. Waa loo yeedhay. Haddaba isaga oo taahaya sida adhi tiigaad cunay ayuu xaaskiisii 4aad ku yidhi, “waad ogtahay inaan adiga dadka kuugu jeclahay oo waligaaba aan si wanaagsan kuu qurxin jiray, ee fadlan qabriga ma iigu wehel yeelaysaa?” “Maya” ayay ugu jawaabtay, iyada oo aan kalmad kale ku darinna ayay meeshii ka hulleeshay. Jawaabtaasi ninkii waxay ku noqatay waran wadnaha ka haleelay.

Xaaskiisii 3aad ayuu si miskiinnimo ah u eegay, “waad ogtahay sidaan ku jeclaa iyo sidaan ragga kaaga ilaashan jiray. Fadlan qabriga ma ila galeysaa?” Ayuu cod daciif ah ku wayddiiyay. “Maya, nolosha waan jeclahay oo in aan dabadaa nin kale guursado ayaan rabaa” ayay ugu jawaabtay. Ninkii naxdin darteed garka wadnahaa ayaa go’i gaadhay.

Xaaskiisii 3aad ayuu haddana daymooday, “xabiibi waad i caawin jirtay anna waan ku caawin kiray ee qabriga ma ila galeysaa oo ma ila dhimanaysaa fadlan?” Ayuu iyana wayddiiyay. Xaaskii 3aad oo uu kalsooni badan ku qabay ayaa ugu jawaabtay, ” waan ka xumahay, maanta kuma caawin karo, balse haddii aan kusoo xasuusto qabrigaaga waan kugu soo booqan doonaa waanan ku soo duceyn doonaa!”

Ninkii oo quustay ayaa cod maqlay, “Ha welwelin anigaa qabriga kuu raacaya oo ku wehel yeelayee!” Ninkii ayaa eegay xaggii uu codku ka baxayay. Mise waa xaaskiisii 1aad oo ilmeynaysa. Wuu u qaadan wayay sababta oo ah waligii wanaag umuu galin mana u uu daneyn jirin. Isagoo ka qoomameynaya qaladkii uu galay ayuu ku calaacalay, “haddii sida aan iyaga u wanaajiyay [saddexda haween] adna kuu wanaajin lahaa anna maanta si wanaagsan ayaan u dhiman lahaa!”

Haddaba sidaas oo kale ayaynnu nolosha afar xaas u la wadaagnaa. Xaaska 4aad waa jidhkeenna oo wakhti badan ayaynnu siinnaa si uu u qurux badnaado. Maqaarka jidhkeenna Waynnu dhalaalinaa, dhaqnaa, dhaashinaa, dhoodhoobnaa, dhaawac iyo dhibna ka dhowrnaa, kadib na dhar baynnu huwinnaa. Hase ahaate kolka aynnu dhimanno wuu inaga tagaa. Xaaska 3aad waa maalkeenna oo goor iyo ayaan waynnu dhawrnaa, gaadh ayaynnu ka haynnaa, oo hareeraha ayaynu ka joognaa, balse kolka aynnu dhimanno isna waa uu inaga tagaa oo cid kale ayuu u tagaa. Xaaska 2aad waa ehel iyo asxaabteenna aynnu is jecel nahay ee aynnu isnu istaakulino, hase ahaatee marka aynnu u guurno guriga aakhiro waa ay inaga hadhaan oo xitaa magaca ayay inaga beddelaan oo “mayd” ayay inoogu yeedhaan. Xaaskii 2aad iyana sidaa ayay inooga hulleeshaa. Xaaska 1aad ma daneyno mana daryeelno oo waa aynnu ka ilduufnaa ilowshiyo iyo ogaan tay doonto ha ahaatee. Waana xaas gaari ah oo aan adduun iyo akhiro toona kaa hadheyn, waana wehelkaaga koowaad. Waana camalkaaga, ha xumaado ama ha samaado’e waxa aad ka maaleysaa waxa aad ku iidaanto.

Fadlan 4taas xaas 3-da kaa hadhaya waxaa ka mudan xaaska aan kaa hadheyn ee iyada xurmada koowaad sii, xannaanee, xumo na ka ilaali. Camalkaaga wanaagi oo Alle ka cabso. Caadilna cadaab ha inaga baajiyo.
Aaamiiin Aaamiin Aaammiin Yaa Wadduud.

Sayid Maxamed Darwiishka – Feb 2017

Leave a comment