ABWAAN CALI SUGLE WAA KUMA ?

Published by

on

11811568_597739850367828_1791178879419375249_n1

Qaybtii 3aad..

Waa shay wanaagsan in la is Xasuusiyo ,
DAdka wax u soo qabtay ummadda, haddii uu yahay
“mid naftiisii qaaliga ahayd u huray,
Mid aqoontiisa u maalay,
Mid maalkiisa aan kala masuugin oo wax tar la yimi, mid dedaal iyo karti siyaadaseeed muujiyay,
Mid xabsi iyo darxumo u soo mutay iyo midaan ka daalin samaha dadkiisa iyo dalkiisa intaba In la xusaa waa muhiim.

Hadaba Abwaan Cali Sugulle-Dun Carbeed waa inta weli nool ee dadkaas ka mid ah ee noloshoodaba gebi ahaanba ku idlaystay , sidii uu dadka ugu tilmaami lahaayeen halka ay dantoodu ku jirto,

balse run ahaantii ay aad yarayd inta Wax qoraal ah laga sameeyay Sugaantiisa iyo taariikhdiisaba ,
waayo waxaaba inoo caado noqotay inaan laga qorin marka ay wax sheegayaan laakiin la tooso goor ay xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen oo aan arrinku wax ka qabasho aanu lahayn.

Bal Aynu wax kasoo qaadano qaar ka mid heesihii uu sameeyay ee mugga iyo Miisaanka lahaa Abwaanku ..

MIDNIMADEENNII MUGDAY GASHOO
MAGACEEN BAÈEYAYE HA MAAGINE
ISA SOO MAQIIQ HA MILDHAABENE.
MAYA-DII HAA MAQAAR LAA SAARAA .
MAYDHAANTAYEEY.
Heestan waxa qaaday Kuluc iyo magool waana wakhtigii Dastuurka Haa iyo Maya.

*INNAMADA LA DOORTIYO ABBAAN DUULLAHOODOW
INAAD XAMAR ISRAACDEEN HADDAYSLA OGGOLAATEEN
WAA LA ARKI DOONAA
IRRIDDU WAY BANNANTEE

KOLKAASAY RAG IYO DUMAR KA DABA JIIBINAYAAN OO AY LEEYIHIIN SIDAN :

EEDAADKA SOO MARA
UMMUL BAA ILLOWDEE
ALLOW SAHAL UMMUURAHA
AADAA NOO AQOONEE

Dhanka kale Abwaan Cali Sugulle waa nin aad isugu kalsoon oo jeclaa in dalkiisu hore u maro kol uu ka hadlayay inaanay Aqoonta maaddiga ahi aanay ahayn , Luqad ajnebi oo lagu hadlo balse ay tahay Garaadka ruux uu waliba leeyahay wuxu tiriyay Heestii caanka ahayd ee la baxday AFQALAAD:

Afqalaad aqoontu miyaa.
maya maya maahee
Afqalaad aqoontu miyaa
maya maya
waa intuu qofba eebbe geshaa ayay nala tahay annagee.
dib looma abuuro dadkee.

Horaan u idhi waxa loo baahan yahay in dadka kaalintoodii ka soo baxay Amma soo Gutay waajibaadkooda waddaniga ah, Gaar Ahaan Abwaannada waawayn , in dib la isugu soo ururiyo, loona abaal gudo intay nool yihiin ka ummad ahaan, isla markaana la maalo aqoontooda maanta baylahda ah arrinkanina waana xil Saaran Shacabka oo loo baahan yahay in aynu dhammanteen culayskana aynu saarno..

Abwaan Hadraawi Anigu Waxaan ka hayaa afkiisa , Mar lawaydiiyay Abwaanka uu la yaabay Hal Abuurnimadiisa .
Waxa uu ku jawaabaay Waa Abwaan Cali Sugule..

Alla mahad leh

Lasoco Qaybta 4aad

W/Q Sayid maxamed cumar

Leave a comment