Saddex Nin & Dhibka Haysta!

Published by

on

Saddex nin oo xawaalad ka wada shaqeeyo ayaa maalin wada sheekeystay, iyaga oo raba in ay isku sir qarsadaan, oo dhibaatada haysatana ay ka wada hadlaan.

Ninkii koobaad baa bilaabay sheekada wuxuuna yidhi: “Aniga dhibkaygu waa lacag, oo haddii aan arko lacag meel taallana maba dhaafi karo in aan xado mooyaane. Xitaa lacagta Xawaaladda taalla mar mar waan xadaa, ee saaxiibayaaloow igu duceeya inaan xaditaanka iska daayo”.

Ninkii labaad baa isna ka warramaya dhibka haysa wuxuuna yidhi, “Aniga dhibkaygu ugu weyni waa dumarka, oo haddii aan arko qof dumar ah maba dayn karo illaa aan shukaansado, imika dhammaan hablaha xaafadda degan waa aan wada shukaansaday, xaaskeyguna ma oga, ee iigu duceeya in aan dumarka iska dhaafo!”.

Ninkii seddexaad meeshii laga sugaayay inuu dhibka haysto uu u sheego saaxiibadiis wuxuuba bilaabay oohin, illaa la aamusiin kari waayay. Kolkii la wayddiiyay waxa ku dhacayna, waaba uu kasii daray oohintii. Waxoogaa kadib ayuu hadlay oo dhahay, “Aniga dhibkaygu waxa weeye wixii la ii sheego maba qarin karo, illaa aan ka sheego mooyee. Haddaba markaan meeshaan kawada tagno dhammaan dadka magaalada deggan waa ay maqlaayaan waxaad labadiinuba aad ii sheegteen. Fadlan iigu duceeya inaan war sheegga iska daayo!”

Leave a comment

Previous Post
Next Post