Qiimahaaga Ogow!

Published by

on

Nin xigmad badan ayaa maalin tababar u furay dad tiradoodu ay gaadhayso 200 oo qof. Ugu horreyntiiba waxa uu jeebkiisa ka soo saaray lacag $20 doolar ah. Ka dib sare ayuu u taagay gacantii uu lacagta ku hayay, waxaana uu dadkii wayddiiyay su’aal, “yaa doonaya $20 kan doollar in uu qaato?” Hal mar ayay dadkii gamcaha kor u wada taageen, iyaga oo leh, “anigaa raba iyo anigaa raba!” Ka dib ninkii caqliga badnaa inta uu dhoolla-caddeeyay ayuu yidhi, “ma xuma oo midkiin ayaan siin doonaa, balse in yar ii kaadiya”.

20-kii doollar ayuu isku laabay ka dibna waxa uu yidhi, “imikana wali yaa raba inuu qaato?” Hase ahaatee dadkii gamcihii sidii oo kale ayay mar wada taageen! Haddana mar kale ayuu ninkii yidhi, “gartay, ee bal imikana i eega sida aan wax idhaahdo”! Ka dib waa inta uu jactadiyay lacagtii ayuu ku joogsaday, oo hadana wayddiiyay cidda doonaysa. Sidoo kale ayaa hadana gamcaha la wada taagay!

Ninkii oo wajigiisu ka muuqdo dareen badani ayaa yidhi: maanta cashar fiican ayaynu qaadannay. Sida aad u jeeddeen waxa aan laablaabay, oo aan jactadiyay ka dibna aan ku joogsaday lacag ah $20 doollar, haddana ma ay jirin cid diidday in ay qaadato lacagtaas. Taasi waxay muujinaysaa in wax kasta oo aan sameeyay aanay qiimahii lacagta marnaba wax u dhimin. Lacagtu $20 doollar ayay ahayd imikana waa 20 kii un oo wax ba iskamay beddelin qiimihii!

Haddaba sidaa waxa ka dhigan nolosheenna, sababta oo ah marar ka qaar waynu kufnaa, oo kacnaa, jactadnaa oo jabnaa, oo turanturo badan ayaa ina hesha, taasina waxa ay ina dhaxal siisaa in aynu nolosha ka quusanno oo illowno qiimihii aynu lahayn. Ceeb ma aha in aad kuftaa balse waxaa ceeb ah in boodhka ka kici waydo.

Qiimahaagu marnaba kuma xidhna wixii dhacay ee waxa uu ku xidhin yahay waxa dhici doona! Ogow mar walba in aad tahay qof guul-side ah oo haka quusan nolosha maxaa yeelay waxaad aad leedahay qiime gaar ah waxaanad tahay hal-door jira!

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment