Hambalyada Lammaanaha

Published by

on

 

Hambalyo Gacal guri dhisay oo barwaaqo hela noqda. Gaari iyo geesi is xurmeeya oo is xaq-dhawra Alle ha idinka yeelo. Laba galgacalkooda libin ku gaadha oo godol maala Guulle ha idinka yeello. Guri bilan, gayi deggan iyo gogol raaxo leh ku noolaada. Goor walba iyo goob kastaba guul ku gaadha. Laba galgalku uu guurkooda ka bilowdo ahaada. Geeri mooyi gabow idima kala geeyo. Jannadana isku guri iyo gogol noqda. Ubadka gob ah, gabdho iyo wiilal khayle guulle ha idin siiyo. Labo gacal mideeya ahaada. Giriif iyo gafuur taag ka badbaada. Gees walbaaba geeska kale kii garta xaqiisa Alle ha idin ka yeello. Gafka iyo qalad laba aan gurigooda lagu arag Rabbi ha idinku gallado. Laba isu garaaba oo isu dulqaata noqda. Laba geed beera oo midhihiisa gurta goor walba ahaada. Laba garasho dheer oo garaad kaashada guulle ha idinka yeelo. Baliyo iyo wax idin kala geeya wajigiinnu mar arko. Goor walba isku farxa oo isku faana. Laba wada gucleeya marna googaaleysta gabbigiinba ahaada. Gurrac iyo gardoofo ka nabad gala. Gacalku idinku farax. Guudka iyo gudaha gob ka noqda. Gees walba iftiinka gurigiinnu ha gaadho. Geesi iyo gaari lagu soo hirto Raxmaanku ha idinka yeello. Ahaada gabadh bile iyo guri bila dhal-gobeeda. Guufaaco shayddaan iyo gobtahanyaba abidkiin guriigiina ma timaaddo. Raalli gelin goob jooga gacal isa siiya waligiinba Mawle ha idinka yeello. Goor walba iyo goob walba guuleysta. Guulle na ha isku kiin barakeeyo gacallayaal. بارك لله لكم و بارك عليكم و جمع بينكما في الخير.

Leave a comment