Talooyin ku Anfacaya Halkan ka Akhriso.

Published by

on

1. Dadka Aduunka ku nooli waa labo kooxood qaar khayrka jecel iyo qaar khayr neceb, Laakiin adigu ku dadaal inaad ka mid noqoto dadka khayrka jecel.

2. Aduunku waa Saddex saacadood oo kala ah saacad tagtay , Saacad joogta iyo saacad soo socota. Ogow sacaada tagtay waa ay ku dhaaftay mana soo noqonayso saacadda soo socotana Ma ogid inaad gaadhi doonta laakiin muhiimaddu waa inaad saacadan aad joogtid aad ka faaidaysataa oo aad Qaladaadkaaga aad saxdaa.

3. Ogow inaad tahay qof ilaahay makhluuqa kale ka fadilay kana dhigay ruux muslim ah Nimcadaa uu alle ku siiyay ugu mahad celi oo ahow adoon Shugri naqa.

4- ku daadaal barshadda Cilmiga waayo cilmigu waa jidka kaliya ee aad ku gaadhi garto Badhaadhe hana yareysan cilmiga nooc walba uu yahay.

5. Sida loo kalo calool furan yahay ayaa loo kala Camal wacan yahay. Ahow mid aan Calool ku sid lahayn oo caafiya hadii qalad laga galo iskana saamaxa bulshadda.

6. Ahow ruux dadka u fidiya Wanaagga mar walbana ka qayb qaata sidii loo noqon lahaa ummad ay walaaltino iyo maxabbo ay ka dhaxeysa.

7. Iska ilaali inaad noqota Ruux takoora dadka oo isla-wayni badan . Ahow mid bulshadda qalbi wacan ku soo dhaweeya.

8. U hiili una gargaar Dadka la dulminayo , U gurmo dadka ducafadda ah waayo waa waajib ku saaran oo loo baahan in aad gudato.

9. Ducaddu waa dariiqa lagu helo Raali ahaansha ilaahay ku dadaal adkartaa inaad akhridid.

10. Horumari naftaada oo han iyo hadaf yeelo, ogowna meel la higsaddo waxaa ugu wacan waa janadda oo aad Nabi Maxamed S.C.W aad kula rafiiqdo.

11. Cilmiga ha u baranin Inaad Wax ku Cunto ama aad hanti ku hesho laakiin waxa aad u barataa in aad naftaada kaga saarto mugdiga iyo jahliga kuna horumariso Dadkaaga, Dalkaaga iyo Diintaadaba.

12. qof aan ceeb lahayni aduunka waa uu ku yaryahay ama maba jiro., Ku dadaal inaad Noqoto qof sirta ilaaliya oo ceebaha dadka kale asturo waayo adna Alle ayaa ku asturaaya.

13. waligaa ha ka quusanin ruux nool, sababtoo ah is
badal ayaa maalin kasta aduunka ka dhaca isna maalin un ayuu isbedel ku dhici doonaye.

14. Wax ka baro go,aanadaadii iyo qaladaadkaagii aad hore u soo martay.hana ku noqonin mar kale ee ku Cibro qaado kana toobad keen.

15. U dhibir sanoow waalidka Baarrina u noqqo una ducee waayo waa mid ka mid ah jidadka aad ku aflxayso Aakhiro iyo Aduunba.

16. Ha noqonin Dib usocod lakiin ahow horusocod himiladiisa ka rumeeya.

17. Ogow Guuldaraddu ma aha balaayo ee waa jidka aad ku yeelan karto adkaysi iyo la qabsi, kuna gaadhi gartid Guullo midho dhal ah.

18. Sadaqaddu Waxa ay barakaysaa maalka lakiin waxba uma dhinto maalka marnaba, sidoo kale Cimrigana waa ay Barakaysaa , sidaad daraadeed bixi sadaqadda oo sii dadka masaakiinta ah.

19. Hagaaji Oo xidhiidhi Dariskaaga, Qarabaadaada iyo riximkaagaba waayo waa mid ka mid ah dhaqamadda islaamka ee janadda lagu galo.

20. Marnaba go,aan ha qaadanin adiga oo xanaaqsan waayo marka aad cadhaysan tahay waxaa aad u badan tahay Dhanka canwajka ama xumaanta ah.

21. Haka Xumaanin Horumarka uu gaadhay Ruux Muslim ah ama hanti uu yeeshay. Ugu ducee in alle uu u barakeeyo adna uu ku siiyo wax khayr leh.

22. Waligaa Ruuxna Ha niyad jabinin laakiin ahow mid Qaluubta u dhisa oo Bulshadda dhiiri galiya kuna booriyavWanaagga.

23. Dadka ku qiimee khayrka iyo wanaaga qalbiyadooda
ku jira marnaba ha ku qiimeynin waxa ay haystaan oo
hanti ah ama qabiilkooda.

24. Hadalka wanaagsani waa sadaqo iyo khayr waxaanu dhaliyaa jaceyl ka dhasha qaluubta ahow qof hadal wacan ku Tilmaaman oo lagu daydo wanaagiisa.

25. Garta u qaad si dhexdhexaad ah oo cadaaladi ku jirto. Gaal iyo islaam midna haku xukumin wax sharci darro ah.

26. Dadka wanaaga far Xumahana ka reeb waayo waa Astaanata Ummada Nabi Maxamed s.c.w.

27. Dumarku waa Aasaaska qoyska iyo mujtamacca hadii aad hablo la dhalatay ama aad adiguba dhashay waa in aad si wacan u barbaarisaa waxna aad bartaa si ay u soo saaraan iyana qoys dhisan oo dhaqan wacan.

28- ku ammaan qofka bulshada dhexdeeda Qaladkiisa ugu sheeg si qarsoodi ah adiga oo aanay ciddi kula joogin.

29. U gargaar Agoomaha oo madaxa u salaax waxna tar hana odhan hadal qalafsan ee Si naxariisi ku jirto wax ugu sheeg ulana talli.

30. Badso cabitaan biyaha iyo jimicsiga waayo Caafimaad ahaan iyo Caqli ahaanba way u Wacanyihiin.

31. Haka nabad galaan Bulshaddu Carabkaaga iyo Cududaaba waxna ha u dhimin sharaftooda hana Dulmiyin hana xoogin maalmoodkooda.

32. Tuko Saaladaha Faralka ah sidoo kalena Badso Salaadaha sunaha ah iyo Aakhriska quraanka una sheeg dadka waxa ay ina fareyso Diinteenu inta aad ka taqaano.

33. Ka qayb qaado hanaanka wanaaga iyo wacyi galinta diinta waayo diintu waa naxeesto .

ALLAA MAHAD LEH

W/Q: Zayed Mohamed Darwiishka

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Leave a comment