Godob jire & Geel jire

Published by

on

Dhawaan waxaan arkay nin la igu yidhi waxaa uu leeyahay tiro ku dhow boqol geel ah ( sida aan filaayo waa illaa sagaashameeyo). Ninkaasi diifta iyo darxumada ka muuqata waxa la moodaa in uu madaxa u dhacay bariguu yaraa. Waa wada dalaq dalaq, waa wada shaxaad, waa xiiqsan yahay marka aad aragtaba. Kolba qofka uu arko ayuu wax waydiin ku wareerinayaa. Kii allaale kii uu arkaba faraqa ayuu qabsanayaa, waa shiishayaa cid walba xitaa mid aanu garanayn xitaa anigu ismaanan aqoon ee hadana isagoo magacayga ku dhawaaqaya uun baan maqlay cid usoo sheegtay se kama war qabo.
Bal cibaaradan daya! Ninkani cid aragyaaba Waa mid uu wuxun waydiisto, lacag waydiiyo, cunto waydiiyo, buuri weydiiyo, sigaar waydiiyo, qaad waydiiyo iyo mid uu shaah waydiiyo.Haddii aad aragto ( maba arkayside) ninkan waxa aad moodoysaa inuu ka mid yahay qoomkii la sheegi jiray ee Ya’juuj iyo Ma’juuj.
Aduunyada hooga
Halaaga abbaarka
Hantaaqada ciilka
Hirtaanyada ruuxda
Dareenka huqdiisa
Hamuun la carowga
Hadda naftan halaaga ah ee aan ka sheekeynayaa cid ka hanti badani waa ay yar tahay waagan, sababta oo ah boqol baar-modow ayaa xerada subax walba uga foofa. Bal se boqol daayo uma malaynaysid in uu banjoog qudhiya uu leeyahay. Nasiib darro se 100-kaa neef ee geela ah waa uu ka qatan yahay. Hada kaligii kama qatanee xitaa caruurta geela raacdaa kama caluuntaan! Kabo karkaran iyo maryo calal ah ayaa ay sitaan, way aradan yihiin tacliin ay bartaanna waxa u ah waa heesta geela ee ay geeljiraha kale ka maqleen. Dad xogogaal ahina waxa ay ii sheegeen, in ay carruurtu xitaa ay ka qatan yihiin caanaha geelaas.
Markii aan waydiiyay in geela caanihiisa la maalo iyo in kale. Waxa ay yidhaahdeen: habeenkii waa la lisaa lamo dhamo se ee waa la daboolaa, ka dib subaxana waa la lisaa dabadeed waa la isku daraa labadii caanayow, ka dib waxaa la saaraa gaadhiga caano diiqa si loo iib geeyo! Caano-maal walba carruurtaas sidaas ayaa la yeelaa haddii ay ka helaan wax shaaha loogu cadeeyo iyagaaba buro sida haddiin kale bigeyskaas ayay ku khasban yihiin.
Waxaan maqli jiray ” Walle ana kumo cuno cidna kuma siiyo” Alleylehe waa tan oo kale waa godob aan geed loogu soo gabban!!.

Guji halkan qoraaga Facebook-giisa

Leave a comment