Akhriska & Amiina Galaydh

Published by

on

Sheekh Cali Al-dandaawi [1909 – 1999] wuxuu ahaa faqiih, garsoore, saxafi, suugaan-dhaadhi iyo qoraa Suuriyaan ah. Wuxuu ahaa culimadii Islaamka waagan casriga ah kuwooda ugu magaca weyn uguna caansan. Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tusaale aad u cajiib badan. Dadka akhriska jecel tusaale ayuu u ahaa, kuwa aan wax akhriyin ama se sheega in aanay hayn wakhti ay wax ku akhristaana waxa uu u ahaa halbeeggii ay ku dumin lahaayeen dhadhaabada adag ee maskaxdooda ka dhismay. Hubaal waxa ah dadka uu ku culus yahay akhrisku in hab-fikirkooda uu wax badani iska beddeli doono haddii ay dhugtaan ninkan odayga ah.

U fiirso. Sida uu Cali Dandaawi A.H.N. uu ku sheegay majalladiisa uu ugu magac daray “Xasuusihii Cali Dandaawi“, waxa uu ku tibaaxay in uu muddo 62 sanno ah, in uu maalin kasta oo ka mid ah uu akhriyi jiray ugu yaraan 100 bog. Hadda waa 62 sanno iyo akhriska 100 bog  maalinle ah, taas oo aan hal maalin baaqin! Waa Cajiib!! Bal adna iswaydii imisa bog ayaad akhriday toddobaadkan oo kaliya?

Ha i odhanin ninkaasi wax kale ma qaban jirin oo waxa uu hayay firaaqo badan. Waxa aanu u go’ay kaliya wax-akhris aan la labeyn. Bal aan kuu ba caddeeyo waxa uu qaban jiray ee adna dhugo oo hoosta iiga xariiq. Waa tahay.

Sheekh Dandaawi A.H.N. wuxuu guddoomiye u ahaa saddex urur oo kala madax bannaan mid waliba na uu hawshiisa lahaa. Waxa uu ahaa macallin wax ka dhiga kuuliyadda jaamacadda. Sida oo kale waxa uu macallin ka ahaa laba dugsi-sare kuwaas oo kala ahaa mid hablaha u gaar ah iyo mid inamada u gaar ah. Hadda ma ila socotaa? Wuxuu ahaa Sheekh maalin kasta maxaadiro ka jeediya idaacadda, sida oo kalena waxa uu ahaa qoraa suxufi ah oo maalin kasta qora hal maqaal oo joogto ah. Ku darsa oo wuxuu ahaa khadiib jimce walba soo jeediya khudbad-jimceedka masjidka. Waxaana intaas u dheeraa in uu lahaa qoys uu wakhti la qaadan jiray. Bal u fiirso hadda. Intaas oo hawlood isaga oo maalin walba qabta ayuu haddana ahaa mid akhriya ugu yaraan 100 bog oo maalinle ah. Maalmaha qaar sida uu Sheekhu sheegay waxa uu akhriyi jiray ilaa saddex boqol oo bog. Ma yaabtay?!

Haddaba ka Soomaali ahaan maadama aynnu ka mid nahay ummadda lagu magacaabo ‘AKHRI’ ee ereygii u horreyay ee loo soo dejiyay ahaa AKHRI, haddana aan fahmin micnaha ereygaasi waxa uu yahay, dhab ahaantii waa inoo ayaandarro in la dhaho ummaddii “AKHRI” wax ma akhrido. Haa, waa doqonnimo aan biyo is-marin. Ummaddaas iyada ah oo ay Soomaaliduna ka mid tahay waa la is yara dhamaa. Ha la is dhama e, Soomaali na waa ay ugu liidataa. Ma beentaybaa? Bal adba.

Ka gudub. Haddaba maanta waxa aan odhan karaa Soomaalida waxa uu soo baxay iftiin la mid ah iftiinka Carabta u soo baxay. Aan i dhaahdo waagan la joogo Soomaalida waxa ka soo dhex muuqda dayax iftiin badan una eeg dayaxii Sheekh Daandaawi oo kale. Dayaxaas oo ah midkii wax-akhriska. Danbi iga raaci maayo marley ba haddii aan idhaa dayaxaas waxa ka kow ah barbaarteenna curdinka ah. Barbaartaas iyada ah waxa ka mid ah.. halkaas aan ku noqdo waxa ka kow ah walaasheen Amina Galaydh. Dhab ahaantii Amina iyo inta la halmaashaa waa dayax yar oo maanta Soomaalida u dhashay. Ila soco.

Shakhsi ahaan anigu Amina Galaydh waxa aan bartay bilowgii sannadkii tagay. Runtii waxa ay ahayd qofkii iigu saameynta badnaa sannadkaas. Saameyntaasina waa mid iddidiilo wacan i galisay. Sababtuna waa labo shay oo kala ah; in maanta Soomaalidu si qoto dheer u fahantay faa’iidada wax-akhriska iyo in Hablihii Soomaalida ahaa  uu u furmay wacyi cusub oo ay dalkooda iyo dadkooda ba ay ku horumarin karaan. Run ahaantii haddii ba habliheennii wax akhriska fahmeen waa ifafaalo wacan oo bulshadeenna u bidhaantay, sababta oo ah haweenku/habluhu waa warshaddii bulshada soo saaraysay. Dabcan haddii ay hablaheennu wax-akhriska  heer wacan ka gaadheen waxaa hubaal ah  in ay inoo soo bixin doonaan jiilal cusub oo wax-akhriska ku ababan kuna tababaran.

Gaar ahaantaydaa haddii sannadkii 2017dii ay saameyn igu yeesheen saddex nin oo dhintay oo seddexduba ay Masaari yihiin, kalana ahaa, Cabbaas Alcaqaad, Dr. Mustafa Maxmuud iyo Dr. Ibraahim Alfiqi [A.H.N.] iyana waxa jira hal qof oo Soomaali ah oo saameyn weyn ku yeeshay hab-fikirkayga, Waa na Amiina Galaydh.

Waddanka Mareykanka daraasad lagu sameeyay 50 ka qof ee ugu saameynta badan gudaha waddankaas, idil ahaantood dhaqamadii kale waa ay ku kala duwanaadeen marka laga yimaaddo hal shay oo ay iskaga mid noqdeen. Halkaas shay wuxuu ahaa in uu mid waliba akhriyi sannadkii 50 buug. Amina Galaydhna sannadkii tagay (2017) oo kaliya waxa ay nagu la wadaagtay barteeda faysbuugga isla jeerkaas soo koobtay 50 buug. Kuwaas oo ay si faahim ah nagula wadaagtay xogta ay xambaarsanaayeen. Hadda ma aha inta ay akhriday sannadkaas balse waa saddex dalool oo meel ahaan. Kollay qof buug soo koobayaa waa in uu ahaada mid fahan durugsan ka haysta buugga uu la wadaagayo aadamaha. Sidaa darteed halkaa waxa inooga dhadhamaya sida ay akhriska madaxa uga daadajisay, iyada oo garatay in faa’iidadaas ay heshay aanay kaligeed ku koobmin balse ay bulshadeena wax ka siiso. Dabcan, intii nasiibka ku lahayd waa ay calafsatay faa’iidadaas iyada ah. Waxa xusid mudan in ay buugtaasi ahaayeen kuwo isuga jira qaybaha kala duwan ee wax laga qoro ee ay ka mid yihiin suugaan, taariikh, sheeko-faneed, diini, cilmi-nafsi iyo culuumta horuminta aadamaha.

Haweenku waa ka hawlo badan yahay ragga dhan wallba oo la eego, hase ahaato e, Amina Galaydh kaalintii haweennimadeedu kama ay joojin in ay nafteeda horumariso iyo bulshadeeda ba. Waana karti la is-dheer yahay. Sida oo kale waxa iyana xusiddeeda leh maqaallada togan oo si togan u sameeya bulshada in ay si joogto ah ah bulshada u la wadaagto. Kuwaas oo aan odhan karo waa waxa kor u qaadi kara wacyiga bulshadan maanka korinaysaa.

Hadal iyo dhammaan, walaasheen waan ku hanbalyeynayaa hawsha culus ee ay qabsatay inoona qabatay. Ina Galeydh shaki igaga ma jiro in ay noqon doonto qoraa qalinkeeda loo hiloobi doono. Waxaanan walaashay leeyahay hore-u-soco, Alla na S.W.T. ha kuu barakeeyo, maanka, muruqa iyo magaca ba. Cali Dandaawiyadda Bulshada Soomaaliyeed. Waa ku kaas.

Sayid Maxamed Cumar – Darwiishka

Leave a comment