Hufnaanta Hadalka

Published by

on

Carrabku waxa uu turjumaa qiimaha qofka iyo waxa ay tahay shaqsiyadiisu, sida oo kale carrabku waxaa uu cabbir buuxa uu ka bixiyaa cilmiga iyo caqliga uu leeyahay qofkaasi, sidaa daraadeed in carrabkaaga hagtaa oo aad huftaada waa haybadaada. Hadalka wanaagsani waa hadiyad la isa siiyo teeda oo ugu wacan uguna doorka roon. Weedhsani waxa ay jarto wax kale magooyaan. Hadalka hufani waa dhaqanka lagu yaqaano qofka Islaamka ah. Sidaa daraadeed si loo helo nolol wanaagsan, qofkuna uu bulshada dhexdeeda sharaf ugu dhex noolaado waa in uu ahaada qof carrabkiisa wanaajiya kana dhawro labaclabaca iyo erayada aan haboonayn. Waxaanan ku soo koobayaa dhawr qodob oo ah:-
1. Ta ugu horreysa ee dood keentaa waa kala duwaanshaha afkaarta Bani-Aadamka sida awgeed kala duwaanshahaa fikirku waxaa arin u baahan tixgalin gaar ah waayo qof waliba waxa uu jecelyahay in la tixgaliyo ra’yigiisa.
2. Gorgortanku sidiisuba waxa ka dhasha garaad koboca bulshada balse hadii aan laysu garaabin waa ka dhashaa waa xigmad guur.
3. Hadalka wanaagsan waa dhabada wanaaga, dood walibana waxa ay leedahay qummanaheeda, sidaa daraadeed haddii la doodayana in hadalka la kala boobaa waa ay dhacdaa badanaa, laakiin waxaa hubaal ah haddii hadalka lagaa boobo in aad qaylisaa ma haboona, balse waa in aad tidhaahdaa ereyo tixgalin leh sida ” iga raali noqo, fadlan, hadaad ii saamaxdo IWM” waa hubaal in uu adna qofkaasi ku siin doono tixgalin iyo jaanis aad ku hadasho.
4. Noqo qof hadal dabacsan maxaa yeelay alaaba dadku ma jecla dadka qaylada dheer sida dameerka.
5. Lacalla hadii qof uu kaaga sheekeeyo sheeko ama arrin aad kaga biyo diiddo caqiido ahaan, akhlaaq ahaan ama siyaasad ahaanba haku odhan “Iga jooji” laakiinse si maskax ku jirto u bedel mawduucii adigoo dhalan rog ku sameynaya kiisii. Ma fahantay?
6. Haddii uu qof kuu sheekeeyo ka dibna uu sheekadii uu kuu waday uu kusoo daro erey qalad ah. Haku soo boodin markiiba ee markuu dhameysto adna si edebi ku jirto ugu sheeg in aad adna si kale u maqashay, adigoo raacinaya oo leh ” aniguna sidaas ayaan u maqlay se laga yabaa in ay sidaadu sax noqoto”.
7. Ha fara-galin wax uu qof gaar u leeyahay, sida dharkiisa oo kale, oo ha odhan ” Waa dhar gaboobay, waa dhar raqiisa ama waa kuwo fool xun” waayo isagu waa uu ku qanacsan yahay. Sidaa daraadeed tixgali dookhiisa hadii uu ku waydiiyo ka waran sida ay yihiinna ku dheh ” Waa ay qurux badan yihiin” Xitaa hadii aanay ku cajabin.
8. Hadii erey qalad ah uu kaa dhaco cudur-daaro laakiinse ha caadeysan ee ka taxadir mar labaad.
9. Haddii qalad lagaa galo ka dibna lagaa raaligaliyo u cudurdaar qofka oo “dhib ma leh” ku dheh.
10. ” adoo iga raaliya, hadaad awoodi kartid, hadaad ogoshay, hadey suurto-gal tahay” ereyadaa u isticmaal marka aad wax cid ka dalbaysid.
11. U mahad celi dadka xitaa hadii aanay waxba kuu qaban.
12. Ha noqonin Arooskeed ka ciyaara hana ka sheekeyn badanaa noloshaada iyo waxaad ku wacantay waayo dadku ma jecla dabeecadaas.
13. ” Maya, Maya, Maya” iska ilaali in aad ereygaa aad u isticmaasho ra’yi laguu soo jeediyay maxaa yeelay qalbiga ayuu jabshaa.
14. Qofka badanaa magiciisa ugu yeedh marka aad wax weydiinayso tusaale ” Aswad Baarcadoow ka waran hadii aynu caawa wax ka qorno taariikhdii Abwaan Cali Sugulle? Maxaad ka qabtaana?

Ugu danbeyn ogow: Carrabka qofka caqliga lihi waxaa uu ku yaal qalbigiisa dabadiisa. Carrabka qofka damiinka ahna waxa uu ka soo horeeyaa qalbigiisa, yeelkeede muhiimadu waxa weeye fikir inta aanad odhan ereyo hortood.
ALLA MAHAD LEH

 Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)

Leave a comment