FARXADIINA ILAASHTOO LA DAGAALA FURIINKA !

Published by

on

shinbiralay

 

Alle ayaa mahad leh Naxariis iyo Nabad korkiisa ha ahaato Nabigeeni Muxamed..
koonkam dadka ku nooli Waa Laba lamaane oo isu tagay ka dibna noqday Qoys, Qoysaskaas oo isku bedelay Qaran/Mujtamac isugu jira Lab iyo dhedig, Caruur iyo Ciroole, Cuqaal iyo Caamo, Siyaasiyiin iyo Salaadiin, Wadaado,Tujaar, Culimo, Ganacsato, Macalimiin iyo wixii la hal maala.
Qaybahan kala duwan ee bulshada oo isugu yimi Xadhiidh wadareed ka dhaxeeya awgeed, Xidhiidhkaas oo noqon kara mid Diimeed,mid Ganacsi, mid deegaan, mid daneed, iyo dawladeed oo ah is dhex iyo is ku tiirsanaan ka abuurma bulshada dhexdooda.
Hadaba Bulshadaas kala duwani qof walba oo ka mid ahi waxa uu leeyahay Hadaf iyo himilo u gaar ah Sidoo kalena Waxaa uu wataa dabci iyo dabeecad gaar u ah oo ku dhisan kala Duwaanaansho Ah Xagga aragtida iyo afkaarta ay aaminsan yihiin, Taas oo keenta dood iyo muran daba dheerada, badanaana dhaliya Colaad iyo Dagaal ka unkama dareen maskaxeed dahaadhan, oo halkaas ka bilaaba khilaaf hor leh oo kala daadiya kalana dayriya Qarankii Isu ku dubnaa, una kala qaybiya qabiilo, qoysas iyo qof qof gaar u go’dooma.
Hadaba Khilaafku Waxa uu curyaamiyaa Caqliga iyo Caqiidada qofka, waxaanu Khilaafkiisi ku abuuraa maskaxda Aadamaha aragti taban oo daba ku haysa fikir kakan iyo Ficil keena in la kala galo godob iyo gefaf isbiirsada oo aan loo meel dayayn..
Sida raajaxa ah Marka aynu Sharci ahaan iyo Shacbi ahaanba aynu aynu eegno waxa dadka daweeya dubaaqooda ee Khilaafka iyo nacaybka meesha ka saaraa waa Sadex arimood oo kala ah:-
1. Cafis: Waa in labada qof ama labada Garab midkood ka kala cafiyaa wixii uu ka galay gef iyo godobna uu ka saamaxaa hor ilaahay.
2. Heshiis: Waa in labada qof uu midkoodba wax ka tagaa oo meel dhexe laysugu yimaadaa iyada oo danta guud la eegaayo.
3. Sharci iyo Xukun: waa in La hortaa sharciga oo lakala xukaama labada dhinac lana kala saara.
Hadaba Cafiska iyo Saamaxu Waa midka mid ah dhaqamadda uu leeyahay ruuxa wanaagsani, Waana jidadka lagu helo khayrka laguna gaadho darajo iyo maqaam Sare.
Sidoo kale aargudashadu waxa ay maskaxda ku reebtaa Dareen aan daganayn oo u foogan una foorara fikir ah xumaan iyo xajiimayn la joogteeyo.
Cafisku Waa Sifo ka mid ah sifooyinka ilaahay leehay waana dhaqamadii uu Caanka ku ahaa rasuulku S.C.W
Diinteena islaamku Waxa ay inooga digtay in Caloosha wax laysugu hayo, Sidoo kale waxa ay inagu boorisay In laysa saamaxo oo Gafka uu kaa galo ruux kale in aad ka cafido waayo inaguba waynu gafnaa goor iyo ayaan hadana alle waxaynu waydiisanaa inuu ina cafiyo waanu ina cafiyaa inoona dulqaataa.
Cafisku waxa uu keenaa is jacayl ka dhex gasha ummada dhexdeeda, Waxaanu dhaliyaa farxad aad u balaadhan iyo Inaad gaadho darajo iyo sharaf aad u sareeysa.
Nabi Mohamed N.N.K.H waxa uu yidhi ( Adoonna ilaahay Cafis uma Siyaadiyo haduu u Siyaadiyana Sharaf ayuu Gaadhsiiyaa).
Sidoo kale Alle S.W.T Quraanka waxaa uu ku sheegay Cafiska 44 jeer, Halkaasna waxa aad ka garan kartaa faaidada balaadhan ee ay leedahay in laysa saamaxaa.
Marka laga yimaaddo fadliga uu leeyahay Waxa layaab ah in la ogaaday in dadka ugu farxadda badan aduunka ee ugu xasillooni in ay yihiin kuwa ugu cafiska badan iyadoo waliba la eegay lana Ogaaday in cafisku daawo uu u yahay Xanuuno ay ku jiraan kuwa Wadnaha ku dhaca iyo dhiig-karku.
Dhinaca kale waxa la ogaaday in cafisku sabab u noqdo in qofku yeesho arimahan:
1) awood hal-abuurnimo oo dheeraad ah,
2) cimri-dherer iyo Tayo adayd.
3) Ka hortagga riyooyinka argagaxa leh iyo
4) Ka badbaadidda daal, warwar badan iyo fikir aargoosi ah.
Sidoo kale maanta waxa la ogaaday in furiinka iyo Burburka qoysku in uu ka badan yahay Galbiska iyo Guri-yagleelka, Sababtoo ah waxa meeshii ka baxay Dulqaadkii Iyo Iscafiskii lamaanaha.
Hadabba Xidhiidhka ay bulshadu wada yeelataa waxa uu ka bilaabmaa Qoyska oo ah lamaanaha, kadib caruurta, kadib qaraabada, kadib saaxiibada dhaw ilaa bulshada oo dhan laga gaadhayo.
Bulshadu waa qoysas isu tagay. Xidhiidhka wada noolaansho ee qoyska ayaa saldhig u ah xidhiidhka bulsheed. Wada noolaanshaha iyo tacaamulka lamaanaha qoyska ayaa halbeeg u ah wada noolaanshaha iyo xidhiidhka bulsheed.
Xirfadaha sahla wada noolaanshaha lamaanaha ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa xidhiidhka wanaagsan ee bulshada.
Sidaa Daraadeed Cafiska iyo Dulqaadka qoyska ka unkamaa, waa Kaalinta kowaad ee lagu Gaadhi karo Himilada Iyo Horumarku Bulshada.
Cafiska iyo Saamaxa waxa aynu Ku soo koobi karna Cafisku waa :-
1. Waa dhabadda dhismaha Nolosha.
2. Waa Carfinta Iyo Cadaynta Caqliga.
3. Waa Camal wanaagsan iyo Cissi la gaadho.
4. Waa Albaabka Wanaaga iyo Raali ahaanshaha.
5. Waa waxa colaad damiya Cadhana Biiya.
6. Waa waxa Qoys kala Carari lahaa dhidibka u adkeeys.
7. Wa Badhaadhaha iyo Badbaada Bulshada.
8. Waa Gaadiidka Iyo Geedi Socodka Lagu Gaadho.guusha.
9. Waa Balad iyo Bulshada Nadiif ah Oo wada Noolata.
10. Cafisku Waa Nolol,Sharaf iyo Geed midho dhal leh lana guran doono goor ay ahaataba.
Ugu danbayn noqo sida geedka gobka ah dadku dhagax bay ku shiidaana isna Midho ayuu u soo daadiyaa. Adna sidoo kale dadka ku xumeeya wanaaji una sama fal, dariska xaqdhawr, Xigtada xidhiidhi, Waalidka Daryeel, Xaqqa Difaac, Badilka la dagaal, Dadka waani oo wanaaga u sheeg, Maatida u dood, Dalkaaga Aamin, dadkaaga Wanaaji, Gaalka haka Cararin Ee La dood oo diinta u sheeg Dawgiisa Mari, ahow Muslim lagu daydo, Saaladda, Soonka, Sadaqadda iyo Sakaddu Waa halka u Saraysee waligaa Ogow. Furiinkana yaana lagu faduudaane ha laysu dulqaato oo ha la is cafiyo.
Alle haynoo danbi dhaafo khaatumadana khayr ha inooga dhigo.
Alla Mahad leh …

Sayid Muxamed Cumar (Darwiishka)

Leave a comment