Farriin: Ku: Reer Daadmadheedh

Published by

on

Farriin: Daadmadheedh

FG. Maqaalkan waxaan qoray Gu’gii 2016

Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)

Mahad Alle ka dib, horta taariikh uu lee yahay Gobolka Daadmadheedh uma socdo  in aan ka sheekeeyo, balse waxa aan sidaa  waa baaq, farriin iyo wax aan la dhaadanayn in aan soo bandhigo . Runtii anigu waa aan yaabay kolkii aan arkay  layaabka ka jira Gobolka Daadmadheedh, waxa  se layaab igu sii  ridday kolkii aan arkay dad aan  la yaabkan jira aan la yaabannayn!  Sow  taasi iyana waxa lala sii yaabo ma aha?  Reer Daadmadheedh  waxa la moodaa in ay og yihiin xaaladda  ka jirta gobolkooda  balse ay ka indho qarsanayaan xaqiiqda jirta. Sow sidaa ma aha? Ma war ina seeggan ayaa jira talow? Xaqiiqdu waa maya. Haddaba inta aanan u gudbin layaabka jira bal aan guud  maro Gobolka Daadmadheedh  sida uu ahaan jiray iyo sida uu hadda yahay.

Guud-Mar (Overview):

Daadmadheedh waa gobol taariikh dheer  leh. Waa gobol leh ilbaxnimo qaddiimi ah. Waa gobol ku suntan taariikhda halgankii gobonimo-doonka sida Ururkii Xisbi-laah (Laan-mullaaxo-1956).  Waa  gobol baal dahab ah kaga jira halgankii SNM. Waa gobol leh ciid dihin iyo cuud  intaba (cad iyo caano). Daadmadheedh waxa uu hodan ku yahay khayraad dabiiciya sida beeraha iyo shiidaalka. Waxa uu waayadii hore caan ku ahaa bulsho leh hal-abuurnimo, hal-karaannimo,iyo hal-adeygnimo wax soo saar. Gobolkani waa gobollada ugu  baaxadda  weyn Somaliland. Marka gobolkada dalka la eegayo  waxa uu ku jiraa kaalinta labaad. Bedka/baaxadda  uu ku fadhiyaa waa 7463km². Waxa uu xad la leeyahay saddex gobol oo Somaliland ah iyo gobol ku sheegga Jarar ee ismaamulka Itoobiya. Waxa uu ka kooban yahay 60 tuulo iyo afar degmo. Carruur iyo cirroolaba, bulshada ku nool waxa lagu qiyaasaa in ay tiro ahaan ay kor u dhaafayaan boqol kun oo qof (100,000).

Dulucda:

Haddaba 60-dan kaas tuulo, 4-taa degmo iyo 100-kaa kun ee qofba waxa ay ku nool yihiin noolol aad u cakiran  oo aad looga xumaado. In uun  qofkii dareen leh, damiir leh, dadnimana ay ku jirtaa kolka uu arko marxaladdan jirta waxa ay ku reebaysaa anfariir iyo naxdin aad u weyn. Dad iyo dal walbaaba waxa uu ubadkiisa iyo kuwo ay dhali doonaan jecel yahay in uu uga tago dhaxal iyo horumar  ay ku noolaadaan. Maanta wadamada horumaray  waxa ay ku xisaabtamaan sidii ay u  hirgalin lahaayeen  qorshe loogu talagay 100-ka sanno ee soo socda, kaas oo ah mid ay intifaacsan doonaan ubadkoodu. Afrikaanku  iyaguna sidoo kale maanta waa ay ilbaxeen oo waa ay ku guuleysteen fulinta qorshahaas iyo hirgalintiisa. Somaliland marka ay tahay maadama aanay jirin dawlad awood iyo dhaqaale leh, oo fulin kartaa mashruuc wax-dhigasho mustaqbaleed oo jiilka danbe loo dhigaa, dadku  waa uu tashaday. Waxaa gobol walba u guntaday dadkii u dhashay oo wax  ayay qabsadeen qaarna immin ka  ayay wadaan ama fahmeen. Waxa jira kuwo ka maarmay gacan-qabasho dawladeed. Iyaga ayaa is abaabulay oo buuxiyay dhammaan gal-daloolooyinkii jiray. Reer Daadmadheedh se ma uma maleynaysaa in ay ku jiraan gobolladaas is abbaabulay  ee wax qabsaday? mise wali gamcaha ayay hoos haystaan dawladda iyo dad aan dhaamin?.

Xaqiiqadu waa bad-yaal umana baahna in la tilmaamo. Daadmadheedh  waxa ka jira arrimo ay midiba mid ka daran tahay. Haba yaraato e   kama jiraan baahiyaha aasaasiga ahaa. Baahiyaha aasaasigu waa seeska ay bulsho ka dhisanto taas ayaana kuu caddeynaysa   xaaladda maanta  jirta  guud ahaan Gobolka Daadmadheedh. Waxa la sheegaa in aanu gobolkani lahayn aabe iyo adeer daryeela oo ka dhiidhiya xaaladaha qalafsan ee waagan ku gadaaman. Oodweyne sida uu maanta yahay 1991-kii ayuu ka wacnaa!. Ma jiro caafimaad tayo  leh, waxbarashadu waa la mid, fayo-dhawr ma jiro, biyuhu waa qaliil, laydh, laami iyo isgaadhsiinna haba sheegin. Dawlad wax qabataa ma jirto, cuqaal wax darista lama hayo, maamul-xumadu waa meheraddooda. Xaqiiqduna  sidaa weeye; aan se wax  idiinka iftiinsho, mid midna aan u soo qabto bal.

Gobolka Daadmadheedh Ma laha caafimaad tayo leh, oo hooyada foolata inta Burco lagu sii wado ayay badhkood dhintaan (geeridu se waa xaq dayac  baa se jira). Miyaad ila yaabi doontaan haddaan idhaahdo mar marka qaar ayaa dhiig-joojin laga waayaa Oodweyne. Maalinba waxa magaalooyinka ka yimaada qaar dhakhaatiir sheegta ka dibna dadka lacag ka gurta. Yaab! Anigabaa arkay oo burco inta aan tagay ayaan arkay nin oodweyne maalin yimid oo dhakhtar lagu sheegaayo. Ninkanoow illeyn dhakhtar iyo caafimaad waxba kama taqaanid. Kolkii aan arkay isagoo suuqa alaabo ku iibinaya anoo u haysta inuu dhakhtar yahay ayaa dadkii marka aan waydiiyay dhakhtarkani halka uu ka hawl galo, waa la ila yaabay! Waana la  igu qoslay. 😂

“Waar orod dhakhtar lahaane, ma isagaa waligiiba caafimaad bartay” ayaa  la igu yidhi. Waa aan  yaabay oo waxa la ii sheegay in ay jiraan dad badan oo habkan ku shaqaysta, oo bahda caafimaadkana  loo yaqaannaa!  Waxa aan is waydiiyay su’aal ah  “tallow kuwa kale ee idiin yimaadaana ma sidan ayay ugu qadhaabtaan caafimaadka?”. kollay haa oo waxaan arkay qaar yidhi ilmo yar oo lix jir ah ayaa laga helay “Tayfoodh iyo dhiigkar”…

Waxa jira dad badan oo u dhashay Gobolka Daadmadheedh misana aaminsan in uu haatan gobolkooda uu ka socdo  horumar aad u  ballaadhani sida gobollada kale e dalka, bal se waa war aan jirin arrinkaasi. Runtu waxa ay tahay Gobolka Daadmadheedh waa  gobolka ugu liita Gobollada Soomaaliland, sababta oo ah waa uu ka dayacan yahay dhan walba oo la eego. Waxaana dayacay marka koobaad waa dadkiisii oo noqday dareen-lawayaal aan wax ba dhaadanayn, marka labaad na waxa dayacay  waa dawladdii oo gabtay wixii xaq iyo xuquuq  loogu lahaa.

Daadmadheedh haddii uu waayadii hore ku suntaana waxbarasho tayo leh oo uu dalku ku soo hiran jiray,sidii ma aha  maanta oo waa laga haajiraa. Ardayda  ka soo baxda Gobollada Gabiley iyo Caynabo iyo ardayda ka soo baxda Oodweyne inta ay cirka iyo dhulku ay isku jiraan ayay iyaguna isku jiraan, sabab dheh! Dadka  u dhashay Caynabo iyo Gabiley  kama dhaqaale badna oo  kama caqli badna dadka u dhashay Oodweyne, bal se waa ay ka tamar badan yihiin oo qudha. Tamartaasi na  waa ta la isku dhaaafay ee lagu kala tis-qaaday waagan. Dugsiyada ka jira guud ahaan Gobolka Daadmadheedh waa kuwo la kadeedan oo qudha manhajka xuub-caarada ah ee ka sokow tayo-la’aantiisa ay  Reer Galbeedku inoo soo mal-maluuqeen. Guud ahaan Gobolka ma jiraan goobo kale oo ay ardaydu  ka helaan waxbarashadii   kale ee aqoontooda kaabaysay, ma jiraan goobo Private ah oo ay ka bartaan luuqadaha, kumbuyuutarrada iyo wixii la halmaala. Taas oo dhaxal siisay in ay noqdaan buug buug sita. Waa ayaan-darrada jirta e maxaa loo waayay qof  gobolka u dhashay oo sameeya goobo waxbarasho oo tayo leh? Maxaa loo waayay cid u hawl gasha ardaydan baaxaada-dageysa? Maxaa sidan ubadka iyo ardayda loogu eegayaa tolow? Anigu ma aan garan xaalku si uu yahay, walow haddana ay tahay markii ugu  horeysay ee  Oodweyne laga furay goob jaamacadeed, goobtaas oo ah laan ka mid ah Jaamacadda Burco haddana wali waxa jira boqolaal arday oo jooga gudaha Oodweyne kuwaas oo tahli kari waayay in ay iska bixiyaan lacagta fiiga jaamacadda dhaqaale la’aan awgeed, iyaga oo caleenta cagaaran la daris noqday!  Ma xaqbaa in ay dadka wax haystaa un in ay wax bartaan? Dan-yarta yaa u maqan iyaga oo  Illaahay ka sokow lagu eegayaa? Maxaa loo waayay cid iyo ciidan dhaliinyaradaa u gurmata mise xaalku waa qawda maqashii waxna haw qaban?.

Sabaanka hagaagey

Barwaaqada hoortay

Daruur iyo heego

Waxaa hogol gaaxsan

Hadhaysay dushayda

Harooyinka buuxa

Hoobaanta bislaatay

Haraaciga daadka

Caleenta hiraysa

Indhaa halacdooda

Hibaaqiyo laaca

Naftayda hankeeda

Waxay hibanayso

Haddii wedku daayo

Inay heli doonto

Anaa huba taas

Gobolka Daadmadheedh waxa ka jira biyo la’aan aad u badan wallow immika ceel riig gacanta lagu hayo haddana waa lagama maarmaan  in deegaanka laga  soo saaro  biyo ku filan guud ahaan bulshada ku nool Gobolka Daadmadheedh. Waddadii waa ay istaagtay oo reer Oodweyne iyagaan u diyaar ahayn in waddo dhistaan oo ay  ka qayb qaataan dhismaha wadadaas, waayo ciddii wax qabsata ama dhaqdhaqaaqda ayuun baa ay dawladduna wax la qabataa, taas canaanta waxa leh waa dhammaan bulshada reer Oodweyne.Sow sidaa ma aha? Isgaadhsiintu iyadu waa meel aanay oolin iyo meel ay suququl ku tahay, taasna waxa kuu caddeynaysa shirkadaha Gobolka  ka jiraa waxa ay la soo yuururaan adeegga 2G-ga oo xawaare la’aan ah, xagga gobollada iyo tuulooyinka kale ay marayaan adeegga 4G (adeegga korontaduna  waa la mid).  Miyaanay taasina  kaaf iyo kala dheeri ahayn? Waxa gobolka ka jira maamul xumo iyo madax la’aan. Waxaa ba la moodaa in uu Oodweyne habaar kaga dhacay dhanka madaxda iyo odayada! Tallow ma jirtaa  meel laga soo iibsado odayada iyo madaxda  Reer Daadmadheedh haka soo iibsadaane? Xaqiiqdu waxa ay tahay ma jira masuul sare iyo mid hoose toona oo ka soo toosa gudaha gobolka, balse waxa ay  intaas meeraysanayaan Hargeysa iyo meel aan loo dirin. Taasi waa ayaan-darrada ina haysa!  Allow faraj khayr leh noo fur.

Waa ay jiraan dad jecel in ay wax u qabtaan dhulkooda bal se waa dhif iyo nadir inta la arkaa. Isku soo wada duub, Gobolka Daadmadheedh waxa uu ku  jiraa xaaladdii iyo xilligii ugu xumaa ee uu soo maro tan iyo abid. Waana uu kaaca-kufayaaa wali ma hayo cid gacan qabata Illaahay ka sakow. Qofkii  u haystay in uu  horumar ku  jirana waxa uu ahaa mid hadraaya. Qayrkaa ka hadh waa habaar ee Reer Daadmadheedh waxa la gudboon in ay  deegaankooda u soo jeestaan oo ay naftooda u huraan, wada tashadaan, tartan ayaa lagu jiraaye waa in ay tartamaan, oo arrin, awood iyo adduun ay mid un ay la yimaadaan. La kala dheeree se orod ma aha ee waa in la ogaadaa wacyiga iyo wakhtiga jira.

Goobaha lagu kaftamo Reer Daadmadheedh laab-garaac  iyo faan ayuun bay ku hayaan ee xaqiiqda ha loo soo dago runtana ha la isku sheego.  Haddii ay dawladdii hagratay ma aha in ay duryamaan un bal se waa in ay wax qabsadaan. Qurba joogta Gobolka Daadmadheedh malaha  afka un bay ka yihiin deegaanka ee  ma aaminsanna in uu  dhulkani yahay dhulkoodii. Waxa aanu qurba-joogta ugu dhaaranaynaa in ay deegaanka leeyihiin ee iyaguna ha soo dhistaan oo ha muuqdo waxqabadkoodu. Maanta waa la og yahay in uu gobol kastaa uu  kaaca-kufka kaga baxay qurba-joogtiisa, iyana kama liitaan qayrkood ee gobolkooda ha soo dhistaan hana maal gaashadaan haddii taa la waayo miyaa, dee dadka kama xigaan ee dadka kale ayaa maalgashan doona  ee yaanay ka sheegan deegaanka, haddii  kale se waxa noqon doonaan maahmaahdii ahayd “Dabi geesi weyni lo’na hadh u diid isna hadhsan-waa”. Kuwa qaran-joogta ahna waxaan  lee yahay gobolkiinna waad aragtaan haddaad dhimanaysana dhareerka waa la iska duwaa ee waddankiina aamina oo wax ka qabsada waxna u qabta . Allow adigu noo gargaar..

ALLAA MAHAD LEH

W/Q:  Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)

Oodweyne, Somaliland

Tel: 252-63-4381712

Email: awdaahir2050@gmail.Com

Leave a comment