SIRTA FARAXADDA NOLOSHA

Published by

on

Haweenku waxay sirahooda la wadaagaan  asxaabtooda halkay seygeeda la wadaagi laheyeen, hase ahaatee sirta farxadda noloshu waa isfaham, kala danbeyn, dulqaad iyo wadatashi.
Raggu waxey raadiyaan dumar ku wanaagsan hawlaha guriga,sida nadaafada, cunto karinta, isla markaana soo dhaweysa martida, raggu wey jecel yihiin gabadha hawlkarka ah hadana furfuran oo wejigeeda dhoolacadeynta aanu ka faaruqin, markey ninkeeda aragtana farxad ku soo dhaweysa, wey jecel yihiin gabadha la garabtaagan taageerada siduu ku gaadhi lahaa horumarka noloshiisa iyo ta reerkaba, isla markaana la wadaagta aragtidiisa guud.

Raggu waxay aad ugu mashquulaan iney wax ka ogaadaan sirta haweenka ama qaabka ay u fekeraan, balse waxa laga yaabaa in haweeneydu kuu sheegto ujeeddo ka soo horjeeda arrinkaa, waxana jira siro dumarka ku gadaaman oo aaney jecleyn in raggu ogaado amase aaney uga jawaabin.
Haddii aan wax ka taabto sirahaas waxa ka mid ah Hinaasaha, dumarku ma jecla iney tusto ninka ay jeceshahay haddii uu dumar kale la hadlo iney ka hinaastay, waxaaney iska dhigaan kuna dadaalaan inaan laga dareemin hinaasaheeda, balse waxa la ogaadaa markuu sida fulkaanaha u qarxo. Waxa soo raaca quruxda gabadh kasta waxey isu haysataa iney adduunka ugu qurux badan tahay, waxaa suurta gal ah inaaney jecleyn iney raggu ogaadaan in quruxdeedu cajabisey ama isu haysato ta ilaah aduunka ku abuuray ee ugu qurux badan. Waxaa ka mid ah oo dumarku neceb yihiin in raggu ogaado kabaha ay xidhato lambarkiisa, hase ahaatee dumarku waxay raga ku qiimeeyaan hadba kabaha uu xidhan yahay, haddii ninku xidhan yahay kabo madhay iney u qaadaneyso ninkaasi inuu yahay nin aan xoolo haysan oo caydh ah. Waxa soo raacda Sirta dumarka aaney jecleyn in Raggu ogaado miisaankeeda, waxay ka sii neceb yihiin miisaankaaga waxbaa iska dhimay, waxay dumarku been ka sheegaan dukaameysigooda ama (shopping) oo qariyaan sheyga ay soo iibsato qiimahiisa.
Haweenku waxay sirahooda la wadaagaan  asxaabtooda halkay seygeeda la wadaagi laheyeen, hase ahaatee sirta farxadda noloshu waa isfaham, kala danbeyn, dulqaad iyo wadatashi.
 
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA)
LONDON.
a

Leave a comment