NATIIJADA ADDUUNYO JACEYLKA!!

Published by

on

0

 

Waxaa la soo wariyay oo la yidhi: “waxaa wada safray Nabi Ciise (Cs) iyo nin yahuudi ahaa. Waxa ayna sahaydoodu ahayd saddex xabbo oo roodhi ah, waxaa na siday ninkaas yahuudiga ah. Ninkii ayaa si xatooyo ah kaligii u cunay xabbad ka mid ah saddexdii mid ee roodhida ahaa. Kolkii ay qadadii gaadhay ee ay meel degeen, ayaa uu Nabi Ciise (Cs) ku yidhi yahuudii “inoo soo bixi roodhidii’’, kolkii uu arkay in ay roodhidu laba xabbo tahay, “saddex xabo ayay ahayd roodhiduy’e meeday tii saddexaad?” ayuu Nabi Ciise weydiiyey yahuudigii. Maya ee laba xabbo ayay ahaayeen ayaa uu ku adkeystay yahuudigii.

Socodkii ayay sii wateen. Waxa ayna soo mareen nin indhoole ah, Nabi Ciise ayaa indhihii u masaxay asaga oo leh “idinka Ilaahay hakuugu soo laabteen indhahaagu”. Waxay ka mid ahayd mucjusooyinki uu Ilaahay siiyey Nabi Ciise Cs, ninkii araggii ayaa u soo laabtay, yahuudigii waxa uu la yaabay arrintan mucjisada ah ee uu indhihiisa ku arkay!. Nabi Ciise ayaa ku yidhi, “waxaan kugu dhaarshey ilaahaygi ii fududeeyey in aan indhoolaha arragiisii u soo celiyo ee yaa cunay roodhidii saddexaad!?” Yuhuudigii waxa uu ku adkaystay in uusan asagu cunin!

Waa ay socdeen, sidii loo socday, waxaa la soo gaadhay wabi, yuhuudigii waxa uu is lahaa sidee ayaad ku dhaafi doontaan wabiga? Nabi ciise ayaa ku yidhi ninkii “bismillaah dheh oo isoo raac” sidii ayeyna wabigii kaga tallaabeen.. Nabi ciise ayaa mar kale ku yidhi: “waxaan kugu dhaarshey ilaahaygii inoo fududeeyey maridda wabiga e yaa cunay roodhidii saddexaad?”!Yahuudigii waxa uu sidii oo kale ku adkaystay in uu san ogayn qofkii cunay. Nabi ciise cs, waxa uu ciiddii wabiga ka sameeyey saddex bur oo kuus kuusan, kadibna ilaahay ayuu ka baryey in uu ka dhigo saddex dhagax oo dahab ah, weyna noqdeen amarka illaahay! Waxa uu ku yidhi yahuudigii “saddexdan dhagax ee dahabka ah mid anigaa leh, midna adiga leh, mid ka saddexaadna waxaa leh qofki cunay roodhodii saddexaad” yahuudigii si dhaqso leh ayuu u yidhi “anigaa cunay”! Nabi ciise waxa uu ku yidhi “saddexda dhagaxba qaado adigu”, waana uu iskaga tagay.

Yuhuudigii oo ku faraxsan dahabka iyo aduunyada uu helay ayaa waxa u yimid saddex nin oo kale oo fardo wata, meeshi ayey ku dileen ninkii dahabkiina uga qaateen!. Nimankii ka dib markii ay kala qaateen saddexdii dhagax ee dahabka ahaa, labo ayaa isugu il jabisay in ay mid ka kale dilaan dhagaxiisana kala qeybsadaan, waxayna ku yidhaahdeen “magaalada tag oo nooga soo adeeg”. Waxa ayna rabaan marka uu magaalada ka soo laabto in ay dilaan. Kii magaalada tagay intii uu dhex sii socday ayuu ku fikiray in uu dilo labadaan nin labadooda dhagax ee dahabka ahna uu qaato! Raashinkii uu soo iibiyay ayaa uu sun ka soo buuxiyey si ay ugu sumoobaan ka dibna ay u dhintaan! Markii uu soo laabtay ninkii, labadii nin ayaa weeraray markiiba, halkii ayaana ay ku dileen, kadibna raashinkii suneysnaa ayay iyana ay cuneen halkiibaana ay ku dhinteen!Nabi ciise (cs) ayaa soo maray maydka afartii nin (yahuudigii iyo saddexdii kale) iyo dhagxaantii dahabka ahaa oo ag yaala. Waxa uu yidhi yidhi “adduunyo sidaan ayay ku sameysaa dadka ka daba orda ee iskaga taga  oo ha camirinna”

ﻫﻜﺬﺍ ﺗﻔﻌﻞ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﺑﺄﻫﻠﻬﺎ ﻓﺎﻋﺒﺮﻭﻫﺎ ﻭﻻ ﺗﻌﻤﺮﻭﻫﺎ .

ALLAA OG OO MAHAD ISKA LEH
Qalinkii; Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)
Email:awdaahir2050@gmail.com
Facebook: Zayed Mohamed Darwiishka
Tell: +252-63-4381712

Leave a comment