Amiir Sheeno: Aqoontii oo Qof ah!

Published by

on

Dr. Amiir Sheeno waa maktabaddi iyo madxafkii oo qof ah oo lugeynaya, sababta haddii aad i weydiiso waxa aan ku odhan karaa waa Abwaan. Haddii aad tidhaahdo weligii Gabay ama maanso uu tiriyay maan arag ee sidee uu Abwaan ku noqday? Waxa aan kugu jawaabayaa, ereyga “Abwaan” summaddiisu waa ay ka xeeldheer tahay maanso ama gabay la tiriyo oo qudhiya, balse Soomaalidu macnaha balaadhan ee uu xambaarsan yahay ereyga “Abwaan” keliya waxa ay ku soo koobeen hal micno oo ah maansayahan. Balse xaqiiqdu taas waa ay xeeldheer tahay sababta oo ah waxa jira qof aan abidkii hal maanso tirin haddana Abwaan ah haddii aad dib ugu noqoto Qaamuuskii Ereybixinta ee 1973 ay falkiyeen Guddidii Qorista Afsoomaaligu waxa ay ereyga Abwaan u qaateen saddex micne oo kala ah:

1. Qof curiya ama tiriya suugaanta noocyadeeda kala duwan.

2. Qof waayo-arag ah oo ku xeeldheer dhaqamada kala duwan ee deegaanaada,

3. Waxay sida oo kale ay Guddidu u qaateen ereyga Abwaan, Buug weyn oo qaybo badan kaas oo ay ku urursan yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee ogaalka iyo aqoonta kala geddisan ee uu aadanuhu gaadhay tan iyo uunkii Aadan iyo Xaawa. Buuggaas aqoonta adduunka lagu ururiyay ee ereybixintiisa aynu ku sheegnay kalmadda “Abwaan” waa buugga caanka ah ee Afka Ingiriisiga loogu waco “Encyclopedia”, xagga Afka Carabigana loo adeegsado kalmadda “Mawsuucah-موسوعة.

Sidaa darteed Abwaanka aynnu haatan ka hadlaynaa ee Amiir Sheeno aynu darajo ahaanta u siinnay waa buuggaas xajmigaas leh ee ay ku xardhan yihiin xarfaha kala duwan ee Aqoonta. Sida darteed marka aynu haatadan ereyga Abwaan ka hadlayno kama warramayno Halabuur balse, waxa aynnu ka hadlaynaa waa buug haddii la kala furo balaashasiisa laga helaayo aqoonta kala geddisan ee adduunka ku filiqsan, aqoontaasi ha ahaato suugaan, ha ahaato, sooyaal, ha ahaato saynis, ha ahaato xiddigis, ha ahaato falsafad, ha ahaato xisaab, ha ahaato juqraafi, ha ahaato dhaqan, ha ahaato luuqad, ha ahaato siyaasad, ha ahaato tignoolaji, ha ahaato farshaxan, ha ahaato dhaqaale, ha ahaato ciidan, ha ahaato dhaqan, ama se haba ahaato e aqoonta laamaha kala duwan ee diimaha samaaiga ah ama kuwo gacan ku sameyska ahe.

Haddaba Abwaan Amiir Sheeno waa buuggaas maktabadda iyo madxafka ah ee aqoonta ina aadan ogaaday idilkeed lagu ururshay. Haa, waa runtay oo haddii aad rabto in aad aragto maktabaddii oo qof ah keliya waxa kaaga filan in aad aragto Ustaad Amiir Sheeno. Waxaanan hubaa haddii aad Abwaanka aad maalmo dhawra aad ku xidhnaato kootooyinka uu baraha bulshada ku leeyahay waxa aad iswaydiin doontaa Ustaad Sheeno tolow waa imisa qof? Ma 25? Ma 35? Ma 45, Mise waa ba 55? Ilaa aad ugu danbeyntii is tidhaahdo malaha ba waa qaramadii adduunka oo qof lagu soo koobay.

Dr. Amiir sheeno, haddii aad la safarto maalmo qudha madaxaa ku dhakafaari. Sababta oo ah mar waxa uu ku geyn daruuraha, dusha sare intuu ku la sii kaco ayuu meerayasha qorraxda ku wareega uu kula dawaafi, Mars, Mercury, Jupiter, Fiinas, iyo Saxal cad ayuu kaala gudbi. Galaxy-yada ugu fog ee koonka ku xeeran ayuu kala tallaabi. Wuxuu ku geyn doonaa meel aanad weligaa hore u maqal, arag isaga hadalkiisa ba daayoo. Uunka Mugweynta (Macro Universe) intuu kaala yimaaddo ayuu koonka il-ma-aragtiga ah hadda na kuu talaabi. Gudaha Iniinta uunka Mugyarta ee (Micro Universe) oo aanay indhahaagu qaban karin ayuu haddana kula dhex maquuran doonaa atamka ayuu ka dhanbali oo bu’da dhexdeeda ku geyn. Kadib wuu kala tallaabi. Wuxuu ku sii dhex marin goobo aan magac lahayn iyo kuwo hadda magac loo bixiyay,

Geeddigaas xagga cagta ma aha ee waa xagga garaadka. Haddii aad leedahay ruux jilicsan judhiiba jahowareer ayaad la baaxaa degi, haddiin kale se, oo aad tahay ruux adkeysi iyo wax isku day lehna walow aad daal dareemi kartid, haddana dhab ahaantii waxa aad is arki adiga oo daalka laftigiisa ku raaxeysanaya, sababta oo ah waa waxa aad gashay geeddi aad ku ogaatay wax la yaabo in aad abidkaa ogaateen, sababta oo ah waa ogaal dhif iyo naadir ah oo aan xitaa jaamacadaha badankooda laga helin. Waa geeddi aqooneed oo u kala gooshay laba geesood oo ku kala fog sida gantada iyo farraarka hankoolka oo kale. Waa geeddi garaad ka korinaya kaas kaa kaxaynaya xariiqa B kuna geynaya xariiqa Y, ama se ba haddii aad doonto ba dhex fogaanta A to Z.

Safarkaasna waxa aad ku oogaan doontaa in aqoonta koonka taalla uu aadanuhu ka og yahay 0.001 boqolkiiba. Taas oo aad ku ogaan doonto jahliga haysta Reer Aadan. Balse sida oo kale waxa aad halkaas baran doontaa aqoon kale oo ah, awoodda Eebbe inta ay leeg tahay, iyo sida aan loo ogayn, waxa aad xasuusan doontaa aayaadka uu Eebbe Kitaabkiisa uu dadka ku boorrinayo in aad koonka la eego oo loogu dhug yeesho. Halkaasma waxa kaaga siyaadaya in uu iimaankii koro oo aad Alle cabsidiisa kuu sii siyaaddi. Waxaanad ogaan doontaa in abuurku yahay aqoon aan lagu baran dugsiyada oo u baahan daymo, dareen iyo daaraasad.

Haddii uu ku soo dalxiisiyay Digtoorku mug yarta iyo muugweynta inta uu Ina aadan aqoontiisa gaaban ku gaadhay, haddana waxa kuu kaxay geeddi aad ku gooshayso xawaare ka dheereeya midka uu ilbidhiqsigii jaro ka ileysku, 500,000 km2 ayaad ilbidhiqsigii jari doontaa si aad ugu safarto saamigalka ku safarka wakhtiga (Time travel), kaas oo aad u adeegsan doonta ogaalka goor iyo goob ama waxa afka qalaadka lagu yidhaahdo (Time and Space). Safarkiina waxa ka bilaabmi abuurkii Maamo Xaawa iyo Aabbo Aadan ka hor, uunkii koonka iyo casrigii Diinasoorta. Abuurkii Aadan iyo Xaawa, dilkii qabaal iyo Habiil Waxa aad soo arki doonta Nebi Nuux iyo sida uu Alle uu halaagay kuwii 1000 ka sanno ee 50 la’a dacwaddii Alle kla dhega adeygay. Waxa aad safarkaa ku soo gaadhi doontaa Nebi Ibraahin iyo badigoobkiisii uu Alle ku ku baadidoonayay, caruurtiisa, bilowga dhismihii Xaramka Alle, Nabruud iyo kibirkiisu wuu baday ayaad arki doonta, Nebi Yuusuf oo marna addoon ah marna Boqor ah ayuu Dr. Sheeno ku tilmaami doonaa iyo taariikhda ay tahay in laga barto. Waxa aad Safarka aad ku jiri doontaan ila boqollaal boqorto daalimiin ah iyo Nebiyo iyo Rusuul caaddiliin ah idinka oo kolba sheedda ka halacasanaya ilaa aad ka soo gaadhan 500 oo sanno Nebi Ciise hortii.. Waxaana aad sii marin doontaa dhulkii Roomaanka. Waxa uu Taariikhyahan Amiir Sheeno uu ku tusi doonaa guri ku dhex yaalla magaalada Athens oo ay wajahaddiisa ku qoran tahay “Know Your Self” Garowso Naftaada”. Ka dib adiga oo an fahmin weedhaasI micna ay bulshadan u fadhido ayuuu Dr. Sheeno inta uu garabka kaa gujiyo uu ku sheegi doonaa in Gurigani yahay midkii Socrates (Suqraad) weedhinana ay tahay weedhii soo saartay Raggii ay taariikh boggageeda ku qortay sida: Plato, Aristotle iyo Elexander the Great.

Safarkii gadaal noqoshada ayaad halkii ka sii bilaabi doontaan, Dhalashadii Ciise ee Mucjisada ahayd ayaad goobjoog u ahaan doontaan. Weeraraddii darnaa ee lagu soo qaaday isaga iyo kooxdii rumeysneyd ee xawaariyiinta ayaad kala baran doontaan, ilaa laga daldalo mid wejigiisa oo kale yeeshay, isagana laga dalacsiiyo dhulka iyada oo loo hoystay midkan la daldalay. Wixii Nebi Ciise (Cs) dabadii dhacay ee ay ugu weynaday beddeladii qaybka mid ah diintii Injiil iyo ku labaashada cabudidii asxnaamta ayaad si weyn dusha uga daawan doontaan. Xaalkii carabta ee bahalnimada ahaa iyo dhaqankoodii dhagarta xanbaarsanaa waad u jeeddaan ilaa 570 sanno ciise dibadii uu Alle ka soo saaray Midkii makhluuqa u mudnaa. Kaas oo ah agoonkii yaraa ee Muxammad (csm) ee aduunka keligii loo soo diray. Kaas oo saameyntii ama kacaankii u weyn adduunka ka sameeyay, isla markaasna beddelay majarihii ay u socotay sooyaalka nolosha aadanaha kaas oo carro edeg ka dhigay carri ka duwan midkii la yaqaanay. Dhul caddaalad taallo, dhul ay sinnaani buuxisay, carro ay qabyaaladi ka hulleeshay, bulsho is addoonsi ka koray. Qoom sanam caabdudkii ka baxay oo Alle garowsaday. Nabad, nimco iyo naruuro meel ay maasheysay ayaad arki doontaan. Ilaa aad ka gaadhay nusqarni wax ka yar oo aad ka aragtaan xaqii oo dib u rifmay, dulmi badan oo isa soo taray iyo boqorro kursiga ku fadhiistay oo dulmi badan dadkii u geystay. Isla jeeskaan waxa uu Amiir Sheeno kaaga warrami waxa jira. Wuxuu kuu si cajiib ah aanu kaa qireysaynin buugga Maxamuud Cabbaas Alcaqaad ayuu isagu kaaga qiireysiin. Wuxuu kaaga warrami xasuuqii Karbala iyo sida loo xasuuqay Ahlu bedkii nebiga. Waxa uu kuu sheegi sidii kurta loo gayay wiilkii awoowga u ahaa Nebi Muxammad SCW ee uu sida aad ka ah u jeclaa ee Xuseen Binu Cali binu Daalib. Ilmada dhabankaa ka qubataa ma qallali doonto ilaa aad ka soo gaadhaan gayi barwaaqo ah oo nimcadu widhiidho, dhulkaas oo xoolaha iyo dugaagu ay is dhex joogaan isla markaasna a wada ciyaarayaan! Ustaadku inta uu indhahaaga yaabka ka muuqda uu arko ayuu ku odhan “Ha la yaabin waraabahan iyo adhigan nabadda kuwada nool. Dhulkan barwaaqada ah ee nabad lagu wada nool yahay si kale kumay iman ee caddaalad halkan la helay ayaa keentay.…” waxaana uu intaas kuu sii raacin doona “Halkani waxa ka arrimiya Amiir caadil ah oo la yidhaahdo Cumar Bin Cabdulcasiis.”

Sheekh Amiir Sheeno, mar waxa uu kuu noqon Mufti xeerdheere ah, oo aad diinta aad ka barato, saxiix ilaa daciif ayuu kuu kala dhigdhigi, oo waxa aad is odhan ma Imaamkii Shaafici ayaa wax baray? mise Abu Xaniifa? Mise Maalik Ibnu Xambal ayuu ardaygooda noqday? Waad yaabi! oo haddana waad yaabi! Waxa uu ku saari doonaa taariikhda carro-edeg, mar Udgoonihii Muxammad (SCW) ayuu noloshiisa kuu bari doona si ka duwan sida ay culimadu dadka u baraan (Calashan habtebinta la iska soo dhaxlo – Traditional). Wuxuu ku bari Muxammadkii Alle (S.c.w) wuxuu gudo iyo wuxuu galo. Mar waxa uu casharada qarsoon ee laga baran karo Ambiyadii Alle, Asxaabtii Nebiga (C.s) iyo awlayadiisii wacnaa ee xaqa ku toosay khuraafaadkana ka baydhay. Mar kale waxa uu ku gayn doonaa xilligii dahabiga ahaa Dunida Islaamka, kun iyo googo’ sanno horteed. Gurigii Ma’muun ee Baytul Xikam, ayuu shalfigeeda kugu odhanayaa ka daro buug aad akhrido. Waad ku wareeri midka aad dooran lahayd. Jaabbir Ibnu Xayaan, Jaaxid, Abu Xaamid Alqazaali, Ibnu Siina, Maxamed Ibnu Idriis, Ibnu Xasmi, Faaraabi, M. Khawaarsami, Ibnu Batuuta, Xasan Ibnu Xaytham, Ibnu Jawsi, Cabbaas Ibnu Firnaz, Aljazari, Ibnu Khalduum, Faaduma Alfihri, Almutanabi, sii wad un….

Dhawr boqo oo sanno kale ayaad wakhtiga hore ugu soconaysaan, Waxaana uu kuu tilmaami nin ay gamcaha ay kinisaddu ka xidhay kadibna waxa uu ku odhan “Waa Galileo Galilei”. Marka aad waxoogaa socotaan ayuu mid kale oo lagu buuqsan yahay inta uu farta kuugu fiiqo “Waa Willian Shakespeare kaasina”, ayuu si deggenaani ku jirto uu ah kuu odhan. Wuxuu ku soo wado oo uu kolba qof uu ku tusiba isaga oo leh, “Kaasi waa hebel, kaasina waa hebel, kaanna waa Newton, kaasna waa Einstein” ilaa aad ugu danbeyntii ku hanbaabirto isaga oo ku leh: “Kanna waa S. Hawking ee aqoontiisa qaado qudhunkiisa kalena ka tag minaamin.”

Dr. Sheeno waxa uu markan kaaga sheekeen wax kaa qosliya oo daalka kaa biya. Nooca aad u baahan tahay waad ka helaysaa ee majaajilo ah. Amiir Sheeno safarkaas aad wada gasheen waxa aad ku ogaan doontaa in Qaamuuskiisa laga helin ereyo caaddifadda ah, kuwa qabyaaladda ah, kuwa cid jeclaysiga ah, kuwa cayda ah, kuwa cunsuriyadda ah, kuwa xagjirnimada ah, iyo sida oo kale kuwa kibirka ah.

Dr. Amiir, Bollywood ayuu ku geyn, Waxa uu ku bari waxa aad ka og tahay mooyee wax ka duwan. Waxa uu ku bari sida ay Bollywood u shaqeyso. Weliba si weyn ayuu ku bari. Waxa aad is odhan tolow ma Bollywood ayuu ku soo barbaaray. Waxaad se gadaal ka ogaan in uu isaga yahay macallinka Shahrukh Khan baray hab jilliinka. Haddii aanad sheekda dumarka ku wacnayn keliya waxa kugu filan hal maalin ama ba lama dharaarood oo aad hadalkiisa dhegaysatid, sida uu hadlayo, waxa uu ku hadlayo, hannaanka uu u odhanayo, habka uu ka odhayo, iyo sida uu sheekada u kala hormeynayo Bes hasaawaha waad baratay ee orod oo bablaha midda aad ka hesho hal erey un ku dhe, waxa xigaa waa adiga dhegta laguu raaricinayo oo “Haye” iyo “Ii wad sheekada” lagu leeyahay.

Amiirku waa aabbaha jaceylka, wuxuu mararka qaar kaaga sheekayn doonaa arrimaha jaceylka, waxa aad ogaan doontaa in aanad jaceylka hore u aqoon balse aad hadda ogaatay wuxuu yahay. Wuxuu kaaga sheekayn macna guurka iyo nolosha qoysku waxa ay tahay. Judhiiba waxa aad sawiran doontaa adiga xaaskaagii dhabteeda ku jiifa iyana ay timaha madaxaaga ay taatabayso. Haddii aad doob guun tahayna bal se aanay qorshaha kuugu jirin in aad gu’gan guursato, waxa aad is arki adiga oo wadada dhexdeexa taagan oo inantii ku dhaaftaba ku leh “Macaan ma isguursanaa?” Waliba adiga oo u sii raacinaya heestii hindiga ahayd ee “Mujhse Shadi Karogi?” Tii ku diidanaya waxa aad ku celin doontaa cod kale oo dabacaan oo ah “Haddaa huuno ma ila saaxiibi doontaa minaamin?” Markaasaad iyada oo aan kuu jawaabin aad u sii raacinaysaa “Mujhse Dost Karogi?”

Ustaadkeenna Sheeno waxa aad agtiisa ka heli doontaa wax ka duwan waxa uu aadanuhu arko, waxa aad afkiisa ka maqli doontaa wax ka duwan waxa aad dadka ka maqasho, waxa aad agtiisa ka heli doontaaa dareen ka duwan mid ka aad ka hesho asxaabtaada, ehelkaaga iyo aadanaha kula nool. waa dareen fikir oo gundheer, kaas tagtada, taaganta iyo timaaddaba hal meel isugu geynaya. Mufakirkan waxa uu ku tusi doonaa caalam ka dawan midka aynu ku noolnahay. Waa caalam ka dahsoon indhaheenna. Ma aha caalamka jinka iyo shayaadiinta, balse waa caalam aadane balse haddana aanay indhuhu arkayn. Kaas oo markii aad ogaatidna caalamkan aad garowsan doonto in Aadanuhu sida uu badan yahay uu yahay caammo aad u aragti gaaban. Amiirku waxa aad ka baran doontaa sida uu caalamku u shaqeeyo, taas oo ay og yhiin dad dhif iyo naadir ahi. Yaa xukuma adduunka? Waa su’aal jawaab u baahan balse aanad jawaabteeda ka helayn cid aan ka ahayn Dr. Amiir Sheeno oo kale, haddii aad maqli jirtay Maansuuniyad ayaa jirta waxa aad ogaan doontaa in ay huuhaa tahay, oo aanay meel ka sii jidnayn. Waxa aad iswaydiin doontaa tolow sidee Amiir Sheeno uu ku ogaaday caalamkan dahsoon iyo shaqadiisa? Ma malagbaa wax u sheegay? Ma shaydaan baa dhegta wax u saaray? Mise waa weli soo daahiray? Waxa se aad a jawaabta ka heli doontaa halkii uu ka helay Noam Chomsky iyo buuggiisa “Yaa Maamula Dunida –Who Role The World.

Sayid Maxamed Darwiishka

Waa inoo qormo kale.

April 9, 2022  · 

Leave a comment