Qofna Ha Xukumin Xaqiiqda Horteed!

Published by

on

Qofna Ha Xukumin Xaqiiqda Horteed!
Wiil 24 jir ah ayaa waxa uu qoorta kala dhacay daaqadda baskii uu saarnaa. Kaddib isaga oo qaylinaya ayuu yidhi, “Fiiri aabbo dhirtu waa ay ina daba ordaysaaye!” Aabbihii ayaa inta uu dhoolla-caddeeyay yidhi, “Waa runtaa wiilkeygii.”
Laba Wiil oo dhalliinyaro ah ayaa kuraas u dhow soo fadhiya, waxa ay la yaabban yihiin kana degi la’ wiilkan 24 jir ah misana u dhaqmaya sida ilma yar oo 4 jir ah.
Haddana wiilkii 24 jirka ahaa ayaa mar labaad yidhi, “Aabbo eeg daruuruhu way inala tartamayaane!” Labadii dhalliinyaro ayaa is hayn kari waayay. Kaddib mid ka mid ah ayaa odaygii ku yidhi, “Maxaa aad wiilkaagan maskaxda ka jirran dhakhtar fiican ugu geyn wayday si loo daaweeyo?”
Odaygii inta uu dhoolla-caddeyay ayuu wiilkii ugu jawaabey, “Immika ayaa ban dhakhtar kala imid. Wiilkaygu waxa uu ku dhashay indho la’aan, maanta ayaa na ugu horreysa in uu adduunka arko, waana sababta uu daruuraha iyo dhirta ula yaabban yahay!”
Qof waliba oo adduunka dul saarani waxa uu leeyahay qiso isaga u gaar ah oo aadan adigu ogeyn. Mudane/Marwo qof na ha xukumin adiga oo aan ogaan xaqiiqda uu ku sugun yahay. Mahadsanid.

Leave a comment