HIDDAHA IYO DHAQANKEENU MA AHAAYEEN KUWO KU SALAYSAN DOONTA ISLAAMKA ?

Published by

on

*************************

Inbadan Waxaad arkaysaa dad badan oo leh dhaqankii ayaa laga tagay iyagoo ku Sababeyna Inuu dhaqankeenii hore uu ahaa Mid sax ah oo diinta waafaqsan.

Hadaba Su’aasa is waydiinta leh waxa ay tahay , dhaqankeeni hore Ma ahaa mid sax ah oo Diinta aan ka hor imanayn?

Hadaba Waxaan idiin tiri waxyaabo Ka mid ah hidiyo dhaqankaynu lahayn oo Si toos ah uga Soo horjeeda Dhaqanka Suuban ee ay Leedahay Diinteena Islaamka.

Waxay Dhaqan u lahayn Waxaa ka Mid ah

*Qaabyaalada
Qabyaaladda Oo ka awoow iyo ka Awoow ahayd mid Soo jireen ah Oo beel beel ku Salaysnayd oo had iyo jeer Abuuri jirtay Colaado Dabo dheeraada oo Dagaal daba ku haya oo dad badani ay ku hooban jireen.

*Dumarka:
Dumarku Waxay ahaayeen kuwo loo gaysto tacadiyo Tiro badan oo Salka ku haya dhaqan iyo caado soo jireen ah.
Dumarku Waxay ahaayeen kuwo la Adoonsado Loona Gaysto jidh dil aad u daran, Waxa kale oo jirtay In Gabadhu haday diido wiil inuu Guursad In la dhabar gaari jirtay Qasabna lagu kaxaysan jiray.
Dumarku Ma ahayn kuwo dookhooda la tix galiyo Ee inta Xoolo laga qaato ayuunbaa loo la siin jiray Nin aanay waligeed sheeko iyo Shaahid ku maqal.
Dumarka Lama barin jirin Wax tacliin ah Waayo Waxa laga aaminsanaa in aanay tacliintoodu Aanay Waxba Soo kordhinayn.

*Geela:
Geelu waxa uu ahaa Shayga kowaad ee dhalin jiray Colaadaha dadkuna waxay ahaayeen kuwo aad u ciseeya Geela, Sharafta qofku waxa ay ku xidhnayn kolba inta uu Geel leeyahay, Sidaa daradeed Nin Waliba waxa uu u tafaxaytay Siduu Geel uu U Soo dhici lahaa .
Hadii uu Ninku dhinto isagoo geel soo dhacaya Waxa lagu tilmaami jiray inuu yahay Geesi.

Waxay dadku Aaminsanaayeen in Geela Oo la dhacaa ay tahay Wax xalaal ah waxayna Dhaqan ka dhigteen in aan geela la kala lahayn Sidaa daraadeed Waxa ay Sameeysteen Halku dhegyo ay ku sheegeen inay fiicantay in la kala xoogo Geela Wax Ceeb ahina aanu ku jirin.
Halku dhegyadaa Waxaa ka mid ahaa:

* Xalaal iyo xoog
haduu Xero galo
Midna kuma Xuma.

*Geel waa lakala Xoogi jiray xubin rag weeyaane
*Waxse xiniinyo go’ay nin Naagtii laga xaraystaa.

* Dhaqaaleya dheha Ragow Geelu waa naga dhaxeeya

*Hanti geel waa kolba Gacantuu ku jiro.

Dhicitaanka geela Waxa uu Abuuri jiray Colaado iyo dagaal keena dhimasho iyo dhawaac Waxa uuna ahaa dhaqan Soo jireen ahaa muddo dheer.

Yasidda:
Waxaa Caadooyin Iyo dhaqankeenu ku Salaysnaa yasid iyo Xaqirid Lagula kaco Dad inala Mid iyadoo Qabiil ahaan iyo isir nacayb loo Xaqirayo Sida Beelaha Gabooye.

Waxaana Xeer inoo ahaa in aan laga Guursan Wax na aan lala cunin, Waxaana loogu yeedhi jiray Magacyo lagu liidayo Sida ” Midgo iyo yibro” Iyadoo Sidoo kalena Loo diri jiray Shaqoonka laga xaragoodo .
Waana Godob laga Galay Dad Somali ah walibana islaam ah.

Xidigiska:
Xidigisku Waa Qayb ka mid ah Camalada Shaydaanku uu u qurxiyo ibnu aadanka , waana Shirki Lagaga baxayo diinta islaamka.
hadaba Dadkeenii hore waxa caado u ahayd Adeegsiga xidigiska iyo godad ay tirin jireen iyagoo aaminsan in dayaxu godka uu habeenka fadhiisto uu yahay mid tilmaam leh Isbedelka Nolosha.
Ilaahay kor ahaaye waxa uu inoo sheegay in qadarku xagiisa ka yimaado oonu ku xidhnayn xidig iyo dayax toona.

waxa kale oo kamid ahaa saddex-qaydka ay xidhin jireen habluhu oo qayb ka mid ahi ay jidhkooodu qawaanan ahayd iyo waxyaabo kale oo  tiro badan…………

Sida hadaba aynu ognahay Waxaynu nahay dad islaam ah  Dhaqankeenuna waa inuu ahaada mid ku Salaysan Qanuunka Sharciga islaamka ah ee ale soo degiyay ..

Dhaqanka Intiisa Diinta Islaamka ku Lidka ah Waa in aynaan Odhanin Waa dhaqankeenii Ee waa in la tagaa lana Ogaadaa in Ay cilmi la’aani inoo gaysay.

W/Q …… Zayed Mohamed Darwiishka

Leave a comment