Nimcooyinka Alle Ma Daneensannahay?

Published by

on

Alle waxa uu ku siiyay nimcooyin badan, oo aanad tirin karayn. Waxa uu Alle kuugu deeqay, jidh caafimaad qaba, wadan amni ah, cunto iyo biyo la cabo, hu’ iyo hawo saafi ah, laakiin adiguna ma dareensanid. Sidoo kale Alle Subxaanahu Watacaa waxaa uu kuugu siiyay nimcooyin muuqda iyo qaar qarsoon, balse ma dhaadanid. Waxaad leedahay laba indhood oo aad wax ku aragto, labo dibnood, , labo dhegood, labo gamcood, labo lugood, carrab, san iyo jidh dhamays tiran. Ma fududahay in lug kaliya laga jaro mase socon kartaa?, ma fududahay in carrabka lagaa gooyo, oo maka maarmi kartaa?.

 

Bal hadda eeg, waxa aad leedahay dhego aad wax ku maqasho,  Alle waxa ku siiyay indho aad wax ku daalacato, waxaa uu ku siiyay qalbi xaadir ah oo aad ku fikirto, waxaa uu siiyay jidh caafimaad qaba oo uu ka badbaadshay Baras iyo xanuun ku dhaca ama asiiba.
Ka waran Indhahaaga ma siisanaysaa Buurta Himilaya oo Dahab ah?, maqalkaaga ma ku badalanaysaa xaddi walba oo fiddo ah?, Gamcahaaga ma ku doorsanaysaa Lu’lu iyo Marjaan aad u badan?.

 

Waxa aad haystaa nimco teeda ugu qaalisan uguna qiima badan Aduunka,  balse ma ogid ee waxaad nooshay adigoo moogan oo walibana murugaysan. Adigoo qani ah, oo haysta  cunto saafi ah,biyo baarid ah, hurdo raaxo ah iyo caafimaad  waariq ah, ayaad hadana wax kaa maqan aad ka fikiraysaa, balse  kuma shugriyaysid waxa jooga!. Adigoo haysta furaha guusha ayaad hada ka baqaysaa khasaare Aduunyo.

 

Hadaba fikir oo Alle  ugu shugri naq nimcooyinka badan ee uu siiyay. Ka fikir Naftaada, Caqligaaga, Ehelkaaga, Asxaabtaada, Caruurtaada, Cilmigaaga, Caafimaadkaaga, Cirdigaaga, Camalkaaga, Muslimnimadaada iyo Aduunyadan kugu wareegsan oo dhan ku dibna Alle ugu mahad celi siduu kuu fadilay kuna sharfay.

 

Waxaa wax sheegmo inoogu filan Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: ( Nafihiina miyaydaan arkayn)?.
(( وفي أنفسكم أفلا تبصرون )) .
Haa, waynu aragnaa balse waynu iska indho tiraynaa. Alle hayna fahansiinyo Xaqqa iyo nimcada uu ina siiyay.

Alle ayaa mahad leh.

Leave a comment