Xigmado Dahabi Ah

Published by

on

dar
1. Ma jiro qof soo celin kara ammin (wakhti) ka tegtay si uu bilowgeedii u hagaajiyo, balse waxa uu awoodi karaa in uu maanta uu ka hawlgalo oo uu bilaabo si uu u hagaajiyo dhammaadkeeda.
2. Haddii quruxdu ay indhaha soo jiidato, ogow hab-dhaqanka wacanina waxa uu soo jiitaa qalbiga. Quruxdu dhabta ahi ma aha ta jidhka ee waa ta qalbiga ee uu hab-dhaqanka suubbaani ku sidkan yahay.
3. Marnaba ha ka welwelin danbi kaa dhacay ama aad gashay, sababta oo ah marnaba kama weyna naxariista Alle iyo danbi-dhaafkiisa. Rabbi u toobbad keen waligaa oo ha quusan.
4. Ma jiro qof kaa cadheysiin karaa ama ku murugo galin kara ama se ku niyad jabin karaa ba, waa se haddii aad adigu oggolaato.
5. Cidna ha uga warramin inta aayadood ama jus ee aad Qur’aan ka akhriday amase aad taqaanid, balse hab-dhaqankaagu ha sheego oo halaga garto inta aayadood ee aad Qur’aan ka akhriday ama se aad taqaanid. Ogow akhlaaqda Nebigu [Scw] waxa ay ahayd Qur’aan. Halgamaagii reer hindiya ee Gaani ayaa laga hayaa, “Diinta Islaamku heerkan kuma ay soo gaadhin seef, balse waxa ay ku soo gaadhay waa hab-dhaqanka suubban ee uu Nebi Muxammed [Scw] asxaabtiisa kula dhaqmayey!”
6. Dadka wanaagsani waa kuwa ay isla markiiba xasuustoodu ku soo dhacdo nimcooyinka ay ku sugan yihiin ka hor inta ayna xasuusan dhibka ay ku sugan yihiin. Fadlan mar walba xasuuso nimcada uu Alle ku siiyay, sababta oo ah dhib walba oo kugu dhacaa marnaba kama weyna nimcada uu Alle gaarka kuu siiyay.
7. Sida ay kalmadda wanaagsani kuu raalli galiyo oo kale ayay qayrkaana u raalli galisaa, sida oo kale na tabta ay kalmadda xumi kuu dhibto ayay qayrkaana u dhibtaa. Fadlan carrabkaaga dhawr oo ilaali.
8. Dadkii wanwanagsanaa waxa laga hayaa “waligeyo maanu arag qof guul gaadha haddii uu jiro se waxa uu ahaa mid waalidkii u sama-fala.” Eebbe ha inaga dhigo kuwo waalidkood u baari noqda.
9. Mararka qaar waxa dhacda in aad kalinnimo dareento adiga oo dad badan la jooga, sida oo kale waxa dhacda in adiga oo kali ah aad farxad dareento, sababtuna ma aha tirada cidda ku hareer joogta iyo cidda aan ku hareer joogin balse waa cidda qalbigaaga ku jirta ee la jaalka ah.
10. Ha isku dayin in aad noqoto qof aan gefin sababta oo ah; waa wax aan suuro-gal ahayn, balse noqo qof gafkiisa wax ka barta oo mar kale ka gaashaanta.
11. Xaaraantu nafta ma deeqdo si walba oo ay u badan tahay, xalaashuna nafta ma deeqi waydo si walba oo ay u yar tahay. Ogow muhimaddu ma aha badnaata ee waxa barakada.
12. Dadka wanaagsan marnaba sifadooda iyo hab-dhaqankooda isma beddelo xitaa haddii ay xaaladdooda is beddesho. Tusaale ahaan: qofka sharafta lihi [ee ka mid ah dadka wanaagsan] waxa uu ahaada mid sharaftiisa sita xitaa haddii uu wax walba waayo. Ka cafinta badan ee dadka iska saamaxaana waxa uu alaaba ahaadaa mid cafin badan xitaa haddii la dulmiyo. Ogow badanaa dadka uu hab-dhaqankoodu xaaladaha isla beddelaa ma aha dadka wacan ee waa dadka xun.
13. Indhaha waynnu xidhnaa kolka aynnu ilmeyneyno, riyooneynno iyo kolka aynnu cid hab siineyno, sababta oo ah waxyaabaha wanaagsan ee nolosheenna ku gadaaman halka aynnu ka aragnaa ma aha indhaha ee waa qalbiga.
14. Iska safar oo cid ha u warramin, jaceyl dhab ah ku noolow oo cidna ha uga qisoon, si wacan u noolow oo cidna ha u sheegin, sababta oo ah dadku badanaa waa kuwo khalkhal galiya waxyaalaha wacan.
15. Wax walba oo adduunka dul yaal waa in aad ka tagto amase uu isagu kaa tago,marka laga reebo Alle oo haddii aad dhankiisa aado waa ku soo dhaweynayaa haddii aad ka tagtana wuu ku yeedhayaa. Mahad Eebbaa iska leh ee dhankiisa ogow!
Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”- Apr-2017
Oodweyne – Somaliland
Awdaahir2050@gmail.com

Leave a comment