Dareen Ciddaad Tahay!!

Published by

on

chicco hoopla baby rocker- greenlands

Adduunka dadkii soo maray iyo kuwa soo mari doonaba ma jiro qof adiga oo kale ahi. Ma jiro qof isku mid aad ka tihiin khibradda, hibada, aragtida, saaxiibada, ehelka, jaaniska, da’da iyo caqligaba. Qof tabnigaagaas oo kale ay timiihisu ugu baxaan ma jiro. Qof faraha aad isku tab ka tihiin ma jiro! Kali ayaad adduunka timi kalina waad noqonaysaa!

Qayb bulshada ka mid ahi waxa ay si isku mid ah ugu qoslaan wax aad adigu sameysay oo kuu gaar ah, bal se ma yaqaanaan sida aad u sameysay. Ma jiro qof sida aad wax u sameysay u sameyn karaa. Ma jirto cid si isku mid ah u jeclaan kara waxa aad adigu jeceshahay. Ma jirto cid hore iyo cid danbe oo leh hibadaada kuu gaarka ah oo kale. Haa ma jirto!

Ma jirto cid kula aragti ah laakiin se waxa jira cid aad isku aragti dhawdihiin, bal se mararka qaar waxa aad si u aragto ayay iyana si kale ay u arkaan. Wax micno kuu sameynaya ayaan dadka kale micno aan u sameyn. Wax adiga kula qallooc ah ayaa dad kale la qumman.

Ogow in aad leedahay hibo aan hore loo arag, taas oo marka ay dadku arkaan ay aad ula yaabi doonaan. Waxa aad leedahay hibo haddii aad sameyso dadkana macna u sameyn doonta!

Dadka waa aad ka duwan tahay! Adduunka waxa dul saaran waxyaabo badan oo ka soo burqaday maskaxo ay leeyihiin dad kala duwan oo noolaa wakhtiyo kala duwan. Hibadaada iyo khibradaada booskeediina waa bannaan yahay waxaana lagaa rabaa in aad buuxiso booskaaga. Haddii aadan buuxinna waxa taariikhda gali doona gaab aad u weyn, taasna adigaa sabab u ah, waayo adiga kaliya ayaa halkaa gufayn karayay!

Cabbir hibaadaada iyo haldoornimadaada, oo ogow waxa uu Alle gaarka ku siiyay. Ogow halka aad gaadhay ma jirto cid si isku mid u wada gaadhi kartaa. Ma jirto cid murtida iyo hal-abuurnimadaba kaala simani. Ma jirto cid ku dhawaaqi karta ereyadaada oo kale. Ma jirto cid sidaada oo kale wax u fahmi kartaa. Ma jiro ruux u raaxeysan kara tabta aad u raaxeysato. Ma jiro ruux sidaada oo kale u qancin kara bulshada. Ma jirto cid sidaada oo kale u fahmi karta dareenka bulshada! Dhab weeye oo ma jirto cid adiga oo kale ahi! Waxa aad tahay hal-door boqran oo habeen dhalad ah!

Debedda u soo saar awoodda gaarka ah ee uu Alle ku siiyay. Hibadaada uga faa’idee qoyskaaga, asxaabtaada, qarankaaga iyo idil ahaan qaaradaha adduunka. Arag, dareen oo gudbi awoodaada goonida ah. Hadyadda lagu siiyay hala dhiman ee dadka dhaxal ahaan uga tag si ay u intifaacsadaan! Waxa aad tahay hal-door jira ee ogow cidda aad tahay hana ku mashquulin cidda ay wacnaan lahayd in aad ahaato!

Allaa Mahad Leh

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment