WAA KUMA TABABARAHA XULKA DAADMADHEEDH RAAQIB AADAN CABDILAAHI?

Published by

on

Tababare Raaqib Aadan Cabdilaahi Waa Tababarahii Ugu danbeeyay Ee Muddo dhawr iyo toban sanno ah hayay kaalintan Tababaranimo ee Gobolka Daadmadheedh.
Mudane raaqib Aadan Cabdilaahi Waa shaqsi Aqoon buuxda u leh Habka Maamul iyo Hab Ciyaareedka ee Guud Kubadda Cagta, waana Shaqsi Karti , kalsooni iyo dadaal intaba ku caan baxay .

Waxa uu tababarahini Soo Saaray Ciyaartoy Tayo Ahaan aad ugu Xeel dheer hab ciyaareedka Kubadda Cagta, aan la Saluufi Karin marnaba.
Waxa Uu tababare Raaqib Oo ku guuleystay Soo saarista Ciyaartoy ama laacibiin Ku Caan ah Ciyaar wanaag , karti, iyo Waliba Kalsooni ay kaga dhex muuqdaan Guud ahaan Gayiga Somaliland, iyagoo Maanta Magac iyo Muuqba ku leh wadanka, Waxay maanta Ciyaaryahanadu Ay tusaale u yihiin Indhaha dhaliinyaradda Somaliland Waana Koox ku dayasho mudan..

Tababare Raaqib Waxaa Uu Guuleystay Inuu ka qayb qaato Dhisidda Dhaliinyaradda Isaga oo Aan ku koobnayn inuu Tababar kaliya Uun siiyo Xulka Gobolka Daadmadheedh Ama kooxaha 0A-da , laakiin Waxa uu Sidoo kale Dhisaa Kooxaha Soo Koraya Sida kooxaha 0B-da Iyo 0c-da intaba.
Waxaanu ku dhiiri galiyaa dhaliinyarada inay horumariyaan xirfadahooda.
Wuxuu ku dadaalaa inuu Ka dhiso Xagga Dhismaha kooxaha iyo tayadda Hab ciyaareed ee ay leedahay kubadda cagtu Waxaanu ka Wacyi galiyaa Tahriibka iyo Balwadaha In ay bartaan dhaliinyaradu.

Tababare Raaqiib Waa Ninka kaliya ee Si Daacadnimo iyo Waayo-aragnimo leh uga Qayb qaata Dardar galinta iyo Geedi socodka Dhaliinyarada Guud ahaan Gobolka Daadmadheedh.
Sidoo kale Raaqib Aadan Cabdilaahi Waa Tababaraha Kaliya Isku xidha Kooxaha Gobolka ka dhisan Waana nin Maskaxdiisa iyo Muruqiisaba u hura sidii loo saari lahaa Ciyaartoy Tayo leh oo Milgaha Sharafeed Ee gobolkooda Sare u qaadi lahaa Taasina waa Mid Naftiisa Geed uu ugu xidhay.

Sidoo kale Macalin Raaqib Aadan Cabdilaahi Waa tababaraha kaliya Ee Hantiyay Guulo badan Oo xulka Gobolku iyo kooxajaha Zero A-duba ay ka Soo hoyiyeen Guud ahaan Wadankeena Somaliland iyo Meelo kaleba Sida Gobolada Ismaamulka Somaliyeed Ee Itoobiya
Waxaa Uu tababaruhu Maanta gacantiisa Ku hayaa dhawr iyo labaatan koob uu Maskaxdiisa iyo muruqa Ciyaaryahanadaba ku yimi , Waana marag ma doonto inuu Maanta Taariikhda Gobolka Uu kaga jiro Tababarahani Figta Sare..

Ma aha Raaqib nin jecel inuu Wax ku cuno ama Lacag ku qaat iyo mushahartoona Shaqadan Adag ee uu gobolku u hayo , lakiin waa nin jecel inuu Sumcad u soo hoyo Gobolkiisa , Waana Mutadawac halyeey ah.
Tababare Raaqib Waa Shaqsiga kaliya ee hantiyay Qalbiga Shacabka iyo Guud ahaan Dhalinyaradaba Waana Haldoorka Ugu qaalisan ee Gobolka Waxaana loo hayaa Tageero Aan Haleysamayn , Iyo Hiil aan Gaboobayn intaba.

Waxaan Maanta Cadeynayaa In uu Tababaraha Kowaad iyo ka labaad Uu yahay Raaqib Aadan cabdilaahi, Mana jiri karto Cid la barbar dhigi karaa ama lagu sheegi karaaba inuu yahay Tababare kale.
Sida Runta ah Tababare Raaqib Waxa uu ku yimi Booskan Waa Taageerada Dhaliinyaradda Gobolka Mana jirto Cid ku Hadli karta Codka Ciyaartoyga Gobolka Daadmadheedh.

Ugu danbayn Waxaan halkan uga Sheegayaa dadkan ku Qadhaabanaya Magaca Dhaliinyarada Gobolka in aY iyagu Ay Qaataan Kaadhka Dhalashadda Gobolka Hadii aanay jirin Gobol labaad oo LA yidhaahdo Daadmadheedh..
Cidda Go’aanka Rasmiga ahina laga Sugaayaa Waa ciyaartoyga Xulka Ah ee ku Sugan Xarunta daadmadheedh ee Oodweyne.

…………………………….. HA BIQLAYSO.………………………………..

Afeeef………….
Waa Codka Ciyaaryahanada Gobolka Daadmadheedh Ee Ma aha Fikirkayga iyo Aragtidayda…..

………………… Allaa Mahad leh………………….

Leave a comment