TACADIGA LOO GAYSTAY MACALIN MAXAMUUD WAA GODOB AAN LA GAROWSAN..!!

Published by

on

o

 

Sheekh Maxamuud Cabdi Wacays waa Macalin muddo dheer wax kasoo dhigayay magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh kuna soo dhigayay Si Mutadawacnimo, hadaba macalinkan oo soo saaray arday tiro badan oo maanta ku aflaxday cilmigii uu baray, ayaa hadana macalinka waxa loo gaystay xad-gudub iyo dulmi ka baxsan xeerka Bini-aadamka iyo islaamkaba oo aan loo aabo yeelin, Tacadigaas oo qof walba oo damiir lahiba uu ka gubanaayo kana xumaanayo.kaas oo ah in loo diiday mushaharkii uu xaqqa u lahaa ee ay bixin jireen qaar ka mid ah jaaliyadda reer Oodweyne, iyadoo loogu diiday arimo shaqsiyeed awgeed.
Ka dib markii aan u kuur galay dulmigan loo gaystay macalinka walina si joogto ah loogu hayo ayaa waxa aan la kulmay macalinka laftigiisa, aniga oo wax ka waydiiyay arinkan iyo sida ay wax u dhaceen ayaa waxaa uu Macalinku ii sheegay runtii Arimo aan aad iyo aad uga xumaaday oo qiiro iyo calool xumo igu abuuray.
waxa aanu sidoo kale ii sheegay in halkii uu maanta abaal ka sugayay loogu badalay arin aanu filanayn oo lagu takoorayo macalinimadiisa, laguna dhaliilayo Aqoontiisa iyo Mabda’iisaba.

Isagoo arintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi: waxaan ahaa macalin muddo dheer wax soo barayay bulshadda reer Oodweyne anigoo ka bilaabay wax dhigistayda malmaacad quraan la yidhaahdo NASRU-DIIN .
waxaan iskuulka hoose/dhexe ee Haragwaafi aan macalin ka noqday sanadkii 1996-kii waxaan ku shaqaynayay mutadawac ilaa iyo intii ay xukunka qabsatay dawladdan madaxweyne Axmed Silaanyo oo musharadaydii iigu horeysay ii qortay sanadkii 2010 dabayaaqadiisii. waxay sidaa ahaataba mudadii aan macalinka ahaa waxaa aan Jaamacada Burco ka dhameystay scot 2sanno ah oo training teacher ah, anigoo shahaado dibloma ahna ka qaatay .
Isagoo macalinku hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: sandakii 2013-kii ayaa Dugisiga sare ee Oodweyne Secondry School waxaa ka tagtay macalimiintii masaarida ahaa ee wax ka dhigi jirtay ee Maadada luuqada Carabiga iyo tarbiyadda Islaamka, sidaa daradeed waxa ay Wasaaraddu Waxbarashadu tartan u qabatay macalimiin badan si loo buuxiyo booskan ay ka tageen macalimiintii masaarida ahaa, anigaana tartankii ku guulaystay oo soo baxay, ka dib markii aan imi dusiga sare ee magaalada oodweyne si aan u bilaabo wax dhigistii ayaa waxaa dhacday in lala hadlo jaaliyadii reer Oodweyne ee macalimiinta siin jirtay musharadda, iyadoo laygu eedeeyay in aan ahay suufi aan waxba garanayn sidaa daradeedna laygu yidhi adigu wax gunno ah ma lihid laguumana baahna .

Macalin Maxamuud waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi anigu dan iyo muraad toona kama aan galin waayo waxa ay ahayd arin ay soo maleegeen dad tiro yar oo aniga ka maxamuud ahaan I xaasidaya, inkastoo aanay jaaliyada lacagta soo dirtaa aanay arinkayga waxba ka ogayn ilaa Imikadanna aanay ogayn, balse waxa ku lug lahaa qaar ka mid ah jaaliayadda ama ka tirsan gudida kuwaas oo ku nool magaaladda dubai, waxaana dhacday in uu isoo garaacay nin magaaladda dubai joogay oo ka mid ah qoladda lagu soo hagaajiyo lacagta macalimiinta kaas oo igu yidhi Maxamuudoow laguuma baahna ee adeer meesha iskaga tag, anna waxaan u sheegay in aan anigu meesha u joogo wasaarada wax barashada iyadoo kaliyina I eryi karto laakiin aanan cid kale waxba ka dhagaysanayn, sababtoo ah jaaliyaddu waxa ay wax siiyaan waa mushaharka macalimiinta oo qudha, laakiin wixii maamul ah waxa iska leh waa Wasaarada Waxbarashadda oo kaliya. Hadaba waxaan u sheegayaa jaaliyadda inta aan ogayn arinkaygu in uu sidaa yahay. Sidoo kalena waa in ay la socdaan in iskuulku u afduubanyahay dad gaar ah oo leh arimo gaar ah , sida ay doonaana ay ka yeelaan iskuulka iyo macalimiintaba, waxaanan kula talinayaan in ay daba gal ku sameeyaan arinkan hana ogaadaan in dugsiga iyo ardaydaba in aan anigu danaynayo lana joogayo waligay, waxaanan ogahay in mushaharku uu yahay aduunyo la helo marna la waayo , waxaana iiga qiimo badan waa ardayda iyo aayaheeda.

Si walba ha ahaato waxaan halkan baaq uga dirayaa jaaliyadda iyo qurba joogta reer oodweyne iyo cid walaba oo arinkan danaynaysaa in ay wax ka qabato arinkan sida ugu dhakhsiyaha badan, waayo runtii waa tacadi lagu hayo Macalin Maxamauud Cabdi Wacays. waxaanan hubaa dadkuna markhaati ka yahay in u macalinkani uu yahay mid xaq ku leh guud ahaan gobolka daadmadheedh sidoo kalena waa macalin dulqaad badan waayo waxa kuu cadaynaysa sida uu ugu dhabar adaygay dulmiga loo gaystay, walina lagu hayo, waana nin af gaaban oo aan marnaba jeclayn ceebaha iyo ka daba shaqynta dad kale.
Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xidhiidhi kartaan lambarkan hoose
+252-63-4381712
W/Q: Zayed Mohamed Omar (Darwiishka)

Leave a comment