GOLE KA BAAN MAANSO

Published by

on

laabsalaax 

Maansadan waxaa la yidhaa Gole ka baan waxa tiriyay Abwaan Xasan Dhuxul laabsalaax  Wuxuuna yidhi:

Waxaad godob ka faantaa
Waxad ceeb ka gubataa
Waxaad guul ku hirataa
Waxaad talo gorfaysaa
Waxaad garasho dirirtaa
Waxaad gole ka baantaa
Ruux geya markaad tahay
Hanku meel uu gayn karo.
.
Dadka ruuxa gacan madhan
In kastuu go’ cawlani
Garabkiisa sudhanyahay
Yaanu waayihii gabay
Kugu odhan gob maahoo
Waxaad galinba aragtiyo
Hadba dhaayo guudkood
Yay garasho kaa noqon.
Gobannimo ha wada bidin
Qof aad galab is aragteen
Ha na moodin gacalkaa
Guushaada ruux neceb.
Adigoo gargaar biday
Ruuxa gacan ku siin kara
Abaal maanta u gabay
Berri yaanu kuu galin.
Garta eexo haw u naqin
Hadba godobta kii fala
Ha ka dhigin in laga guday
Denbi uu isagu galay.
Cimrigiyo gu’gaagiyo
Garaadkaaga kaashoo
Gurrac hadalka haw odhan
Ha ku waayin ruux gob ah
Eray aanu kaa gayin!
Gees qudha nin laga hago,
Wax kastoo dhagaha gala
Lagu guro war uu guro
Oo gaba ha noqonnine
Xor ka noqo gabraarsiga.
Gujo nacasta hoosiyo
Goolaaftan lagu jabo
Yaanu ficilku kuu gayn.
Ha ka guban walaalkaa
Wuxuu libin guddoonsado,
Ha na noqon qof gaasira
Guusha aadmi taransado,
Hana noqon gar iyo daw
Ruux garaadka loo sido,
Ama lagu dan gaadhoo
Lagu guuro waligii!
Marna yaan go’aan li’i
Hadba gees laguu wadin,
Gadhwadeen laguu noqon,
Mabda’aaga garashadu
Gondihiisa yuu tagin
Nin ku gaadha tuu rabay.
Geeddi weeyi dunidani
Goblan bay ka tahay negi
Waa dharaaro gebigeed
Laga guuri doonoo
Geeri lagu sugaayee,
Ha gaaf meerin talo baas;
Galladeeda xoog iyo
Ha ku raadin giniyaad,
Hana gadin damiirkaa,
Kala garo amaaniyo
Wax aad gaar u leedahay,
Inaad godob ka baqatiyo
Kala daa gar eexaad.
Waligaa ha tagin goob
Wixii ceebo lagu galo
Goonni adiga kuu tahay.
Ha u galin wanaag ruux
Berri adiga guutiyo
Kuu samaysta geesh culus.
Gardarradiyo eexdiyo
Garabsiga ka waynow.
Gafku yaanu darajiyo
Kuu noqonnin gaashaan
Gobbood aad ka dhigtoo
Uunku yaanay kuu garan
Gardaadshaha waxyeellada.
Inkastood ahayd guul
Qof dedaal u gaar yahay
Oon ka gaabin tamartii
Wixi kaa gedmaday shalay
Maanka yaanay gubashiyo
Ku abuurin gocoshee
Maantiyo wixii gara
Ee kula gudboon yeel.
Hawl aanad wali galin
Horteed gogol u sii xaadh.
Wakhtiyada is gurayiyo
Maalmaha is garab yaal
Mid waliba gedday tahay
Dhacdadeeda kaga gudub.
Afartaa tusmada guud
Sheekada ku gaabshaye
Googgaa! dheh maansooy
Arrimaha gayiga jira!
Danta guud hirgalinteed
Gol dalooladeediyo
Markay tahay gufaynteed
Lama gabo dhankaagoo
Gole lalama joogsado
Waxaan laga garaabayn
Iyo taada gaarka ah.
Waxaad gaar u saartaan
Waxaad gego ka caydnaan
Waxaad geed xajiin badan
Hoostiisa gaysaan,
Ruux qabyaalad aan galin
Oon hoos u kala gurin
Dadkuu Guullaheen simay.
Xil siyaasi gudan karo
Uma eegtid garashiyo
Karti iyo go’aankee,
Waxaad garabka saartaan
Keena gawska dhaafsada
Qarannimada loo go’ay,
Gunno kay la wayn tahay
Geesibaan ku sheegnaa,
Nin damiirku gudhay baan
Ninka raga ag gaynaa!
Gale oo ka baxe shalay
Galabtana ku soo noqoy,
Xisbiyada u kala guur,
Markuu joogo waa gob e,
Gun ku sheeg markuu tago,
Beentiyo runtii goob,
Goor qudha ka wada sheeg,
Ammaaniyo dhaliil guud,
Hadalkii iskugu gee,
Mabda’ gaar ah ma lahee
Shacabkii wuxu gudo
Wuxuu galo oqoonsaday,
U garaac durbaan kale;
Iyaguna geddoodii
Boodhadh gaar ah la hor yaac.
Danta guud siyaasiga
Tiisa gaar ka doorbiday
Gar allee anoon wali
Go’a aan ka wada rogin,
Toban laabna guud maray
Xaajooyinkuu galo
God kalaan shaxdii degay.
Bal maxaad u kala guri
Bal maxaad u kala goyn
Bal maxaad u kala gayn
Bal maxaad gumaadkiyo
Goblankooda uga talin
Ummad geyi ku wada nool
Dhaqankana ka wada goba
Gibilkana iskaga mida
Af wadaaga goonniya,
Oo aan la kala garan
Oon gaal ku jirin qudhi!
Bal maxaad u hoos gayn
Nacabkooda guunka ah
Gobannimo dadkaa qaba
Shacabkaa go’aan qudha
Ku guddoomay libintii
Bal maxaad god ugu ridi
Taladay ku goosteen!
Kud ka guur haddana gee;
Geeddiga qanjaha gee;
Waa geddaynnu wada nahay.
Haldoorkiinnu waa gudin
Miskiin gooya seedaha.
Taladeennu waa gees
Danteenii ka gudhanoo
Hadba keenna gooyaa
Ku jaan gooya tiisii.
Dhalinteennu waa gaas
Guluub kii u shidi laa
Sidii xaabadii gubo.
Gayigani markuu shalay
Dadkiisoo is garabsaday
Beelnimo ka guureen
Xisbiyana gaardaadsheen
Rejo saw imay galin,
Saw guusha maan filan
Ka gadaal bil iyo bilo
Hankii aan lahaa gaadh
Saw gaaggax muu noqon.
Midhahaan lahaa geed
Beertaye ka soo guro
Garanwaa i muda iyo
Saw gocondho may noqon!
Saw qabyaaladdaan go’e
Bari hore garwaaqsaday
Inay tahay gumaysiga
Ma gudbuhu ku caan yahay
Bulshadeennu gurayoow
Saw ma wada gardaadshaan
Misna saw ma gaaxshaan
Saw uma guntanayaan!
Guulwade han liitiyo
Ma gabbade xishood tiray
Waxaan maanka gali karin
Oon gurbood ka daadagin
Guudka aan ka iman karin
Gunta aan ka socon karin
Saw gole lamuu tagin!
Dadkeennii gudboonaa
Saw iniba geesteed
Gaarkeed umay shirin,
Saw laysma kala gurin
Saw laysma wada ganin
Saw guuxi muu badan
Saw gocasho may iman!
Xisbiyadaan lahaa gu’gan
Gurmad weeyi ku yimid
Saw godobta reeraha
Kuwa nabarro geystee
Gunaad beeray may noqon!
Geeddigu intuu wali
Guuraayo sahan li’i
Intay gobolladeennii
Kala guulo badanyiin;
Bulsho kala godooddaay
Bulsho kala gudaysaay
Bulsho kala golaysaay
Dib intaad u gurataan
Ha u guurin reernimo
Qarankaad ku tahay gobe

Leave a comment