Waligay Ganacsi Kuma aan Khasaarin!

Published by

on

images (2)

Waxa uu ahaa nin ganacsade ah. Waxa uu noolaa wakhti hore. Waxa uu ku noolaa magaalada Dimishiq. Waxa uu badanaa odhan jiray ama se uu ugu faani jiray ganacsatada waaweyn ee iyana waagaas jiray, in aanu waligii ganacsigiisu la kulmin wax khasaare ah, sida oo kale na aanu abidkii wax uu iib geeyay hoos u dhicin ama se aanu kala kulmin faa’iido yar. Ninkii odhaahdan ah, “Waligay ganacsi kuma aan khasaarin” dhawr jeer ayaa uu ku soo celceliyey.

Ganacsatadii kale ee magaalada ayaa hadalkan liqi kari waayay,. Waxa ay ahaayeen kuwo aaminsanaa in aanu jirin ganacsade aan waligii khasaarin— haba ahaado khasaaruhu mid yare. Idil ahaan ganacsatadii waa ay u cuntami wayday oo ka daadagi wayday. Ugu danbayna waxa ay ku yidhaahdeen saaxiibkood, “Adeeroow naga daa faanka iyo faataa dhugta, ganacsi aan khaasare lahayn abid adduunka lagama soo sheegine.” Kaddibna ninkii waxa uu ka codsadey in ay tijaabo ka qaadaan, waliba ay ku tijaabiyaan alaabta ay is leeyihiin waa uu ku khasaari doonaa.

Kaddib ganacsatadii waxa ay guda galeen in ay tijaabiyaan ninkan, kuna tijaabiyaan timir in uu u iib geeyo Magaalada Baqdaad, iyaga oo ogaa in Waddanka Ciraaq uu yahay halka ay timirtu ka baxdo, qiimo jabanna lagu dhex siiyo. Sida oo kale waxa ay ogaayeen in aan abid la arag timir loo iib geeyo Ciraaq, mid iyada laga soo iibsado mooyaane. Waxa aynna ninkii ganacsadaha ahaa ay ku yidhaahdeen, “Timirtan qaad oo ka soo iibi magaalada Baqdaad!” Iyaga oo filaya iskuna raacay in uu ku khasaari doono—waliba khasaare aan yareyn.

Ninkii ganacsatada ahaa waa uu yeelay xujadii layaabka ahayd. Waxa uuna dhaqaale weyn gashay timir aad u badan isaga oo ka qaadaya Dimishiq una iib geynaya Baqdaad, timirtaas oo ahayd mid markii hore laga soo qaaday isla Baqdaad, isla iyadana dib loogu iib geynayo!

Haddaba ninkii ganacsadaha ahaa waxa uu u Baqdaad ugu anbabaxay safar dheer. Isla ammintaas iyada ah, waxa isla Baqdaad safar dib ugu soo noqday isna boqorkii waagaas ka talin jiray Baqdaad. Isaga oo ka soo gurya-nowday safar dalxiis ah oo u ku joogay magaalada Mawsil. Boqorkaas isaga ah waxa safarka ku wehelinaayay gabadh (inan) u dhalay oo uu aad u jeclaa. Muddadii ay safarka ahaayeen waxa inantii boqorku dhalay ka luntay silis dahab ah oo ay lahayd. Inantu siliskan aad ayay u jeclayd, sidaa darteed aad ayay uga murugootay lumista siliskeeda.

Kolkii uu boqorkii ogaaday in inantiisa uu ka lumay siliskii ay jeclayd, waxa uu shiriyay dadkii ku noolaa magaalada Baqdaad, waxa uu na ku wargaliyay in inantiisii uu ka lumay silis dahab ahi, waxaa na uu ugu ballanqaaday qofkii soo hela siliskaas in uu abaalmarin weyn siin doono, sida oo kalena uu u guurin doona isla inanta lafteeda.

Dadkii ayaa hal mar albaabka boobay si ay u raadiyaan siliska. Waxa aynna cagta saareen wadaadii uu boqorku ka soo galay magaalada, illaa ay magaaladii ka baxeen oo ay aad uga fogaadeen. Dadkii oo qulqulaya ayaa afka ka soo galay ninkii ganacsadaha ahaa. Dadku waxa ay ahaayeen kuwo daalay sahayna aan sidan. Sidaa darteed waxa ay ninkii wayddiiyeen in uu wax cunta ah sido si ay uga iibsadaan. Ninkii ganacsada ahaana waxa uu u sheegay in uu timir sido. Sidaa darteed waa ay ka iibsadeen kana siisteen lacag aad u wacan. Ninkiina aad buu faa’iidadaas ugu farxay, maadama uu xujadiina ku guuleystay. Dadkii waxa ay sii wateen shaqadoodii balse kuma ay guuleysan in ay siliskii helaan, sidaa darteed waa ay iska soo noqdeen. Ninkii ganacsadaha ahaana Baqdaad ayaa uu iska yimid si uu ugu yara nasto mudda kooban kaddibna uu iskaga laabto magaaladii Dimishiq ee uu ka yimi.

Haddaba, waxa sheekadii maqlay boqorkii, waxaana loo sheegay in uu magaalada yimid nin timir soo iib geeyay. Runtii waxa boqorkii layaab ku noqotay in Baqdaad oo hodon ku u ah timirta, in isla timir kale loo soo iibgeeyo. Kaddib boqorkii ayaa codsaday in ninkaas bal loo keeni si uu u warsado, waana loo keenay. Boqorkii ayaa ninkii wayddiiyey su’aal oo yidhi, “Maxaa ka jira sheekada aan maqlay?” Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Waligay ganacsi kuma aan khasaarin!” Boqorkii ayaa haddana ninkii wayddiiyay sababta aanu u khasaarin.

Ninkii ayaa boqorkii ugu jawaabay: “Waxa aan dhashay aniga oo agoon ah. Reerkayagu waxa ay ahaayeen dad sabool ah. Hooyaday iyana waxa ay ahayd curyaan aan socon karin. Kolkii aan shan sanno jiray ayaan shaqo bilaabay si aan u raadiyo masruufkii aannu cuni lahayn. Labaatan jir markii aan gaadhay hooyadeyna ay gabowday, waxa ay iigu ducayn jirtay in aanan adduunka iyo aakhiro toona khasaarin. Sida oo kale waxa ay iigu duceyn jirtay in aan guursado gabadh ka dhalatay reer aad u sharaf badan. Waxa kale oo ay Alle iiga bariday in uu ciidda dahab iiga dhigo.” Intaas waxa uu u sii raaciyay, “Boqoroow, kolkii aan magaaladan ku soo dhawaa, aniga oo wadada maraya, inta aan dhulka ku foorarsaday ayaan waxoogaa ciid ah xantoobsaday, kaddibna waxa iga ga soo dhex baxay siliskan dahabka ah!” Kaddib waxa uu boqorkii wayddiiyay in siliskani yahay kii uu raadinayay iyo in kale.

Boqorkii ayaa siliskii eegay, mise waa ba siliskii dahabka ahaa ee inantiisa ka lumay. Sidii ayuu na boqorkii ganacsadihii ugu guuriyay inantiisii kagana mid noqday reer boqor. Sida oo kalena uu Alle ugu rumeeyay ducadii hooyadii ugu duceyn jirtay.

Ducada waliidku waa wadada guusha.

One response to “Waligay Ganacsi Kuma aan Khasaarin!”

  1. asma1122 Avatar
    asma1122

    waad mahadsantahay wll sidaad noola wadaagtay

    Like

Leave a comment