Dabeecadaha Dumarka!!

Published by

on

1. Haddii ay gabadhu badanaa kaa waraysato arimaha guurka, waxa ay danaynaysaa mustaqbaal iyo guri-yagleel, ee ha u daymo la’aan.
2. Haddii adiga oo aan ogayn badanaaba aad gabadha indhaha kaga qacsiisoo, oo aad aragto iyada oo kugu maqan, (ku soo eegaysa, calaashaan kaaba dhex baxday) waa aad cajab galisay waana aad qancisay.
3. Marka aad sheeko u waddo, haddii ay indhaha indhaha ku saarto oo ay si wacan kaaga gurto, waxa ay tix galinaysaa hadalkaaga oo waa ay ku xurmaynaysaa, balse haddii ay hareeraheeda iyo cirka iska eegto, iska hadloow Ina Iigarre ayaad tahaye ee meesha ha isku daaline iska carrow!
4. Haddii marka aad la hadlayso badanaaba kuu qososho ama kuu dhoolacadayso, oo ay ku tidhaahdo “haye, sax, waan gartay, ii wad sheekada, dabeed maxaa dhaxay?” Ogow waxa ay dhawraysaa dareenkaaga waana qof furfuran ee ku dhur un.
5. Iyada oo hawl haysa haddii inta ay faraha ka qaado, oo ay adiga taada ay ka horumariso, ogow waa qof ku qiimaynaya. Balse haddii ay ku tidhaa “mashquul ayaan ahay, wakhti ma hayo iyo kuma caawin karo” miskiin dhiban ayaad tahay ee Alle ha kuu sahlo.
6. Haddii ay ku siiso lambarkeeda sirta ah ee facebook-ga ama ay ku dhiibtaba mobile-keeda adiga oo aan waydiisan, waa ay kugu kalsoontahay kuna aaminsan tahay, ee adna ha sii daynin.
7. Haddii aad aragto iyada oo dhaqamadaada iyo caadadaada ku dayanaysa oo kuweediina wax ka badashay, ogow waxa ay jeceshahay in nolosha aad wadaagtaan ee adna indho buurbuuran u lahow!
8. Haddii ay ku barto asxaabteeda iyo eheladeeda waxa ay doonaysaa in aad ahaataan ul iyo diirkeeda iyo saygeeda mustaqbalka.
9. Haddii aalaaba ay kula taliso ama ku toosisaba waa janno janno ku sug ee adna ha sii daynin.
10. Haddii marka aad kala tagtaan aad aragto iyadoo dib ku soo jaleecday kuna soo qooraansanaysa, ogow xasuus iyo xiiso gaar ah ayay kuu haysaa.

Leave a comment